Nin Aan Inan La Siin Kursi lama Siiyo

0
Saturday November 14, 2020 - 09:27:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Aan Inan La Siin Kursi lama Siiyo

    W/Q: Khadar Jicsin Nuux

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Khadar Jicsin Nuux

Qof kasta waa masuul sida nabigeenu (NNKH) xadiiskan ku yidhi (Hooy! dhammaantiin waxaa aad tihiin xiljire, dhammaantina waxaad masuul katihiin waxii la’idiin dirsaday……..).  Masuuliyadda ugu hoosaysa ee qof qaado kana baxsan ta naftiisa iyo qoyska uu ka dhashay waa masuuliyadda guurka.



Diinta iyo akhlaaqda wanaagsan ayaa ah waxa ninku ku mutaysto in la aqbalo oo lagu aamino masuuliyaddan. dhinaca kale haddii ay dhacdo in shakhsigaasi laga waayo diin iyo Akhlaaq wanaagsan dadku xaqbay u leeyihiin in ay gabdhahooda u diidaan sida ay diintu ina fartay.


Masuuliyad kasta oo ka saraysa masuuliyaddan waxa ay la wadagtaa shardiga akhlaaq wanaaga waxa ayna dheertahay karti iyo aqoon.


sidaas awgeed waa in aan kursi lasiin nin aan inan lasiin ama aan xilwayn loo xambaarin qof aan xil yar qaadi Karin.

Maalmahan iyo kuwa soo socda beelaha iyo xisbiyada Somaliland waxa ay ku mashquulsan yihiin soo xulida musharixiinta wakiilada shacabka iyo gole degaaneedka ee doorashada soo socota.


 Haddaba si ay shaqada ay wadaan  u noqoto mid tawfiiqaysan ummadana wax wanaagsan loogu beero waa in beelaha iyo xisbiyadu ka fogaadaan danaysi iyo indho la,aan qab-yaaldeed oo ah in qofka la sharraxayo  keliya lagu qiimeeyo in uu beesha xubin ka yahay iyada oon diinta iyo dhaqanka wanaagsan aan xisaabta lagu darsan.


 Si xumaanta loo riixo maslaxad ummadeedna loo xaasiliyo waxa waajib ah in beelaha iyo xisbiyadu ka digtoonaadaan kana xaragoodaan in bulshada ay hor keenaan dadka fusuqa ku caanka ah sida caadayste-khamri, balwaawi-dumar iyo tuug la bartey. marna macquul maaha in nin aan dhisme qoys lagu aaminayn dhismo qaran lagu aamino sidoo kale waa dhaawac sumcadeed in beel ama xisbi ku sawirnaadaan dadka noocana oo xataa dimiqraadiyada reer galbeedku aanay xil u dhiibin.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...