TVGA Qaranku Waa halkii ugu horaysay ee dadka Bartay Mujaahid-nimadii Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Hogaamiye Xirsi iyo Cabdilaahi Geeljire Kaalintee ayey ku lahaayeen Jahawareerkii Wasaarada Warfaafinta?
Madaxwayne Biixi iyo Madaxwayne Siilaanyo iyo Wasiir Kaahin waxay aad uga Cawdeen xukumadii Riyaale qaabkii ay u adeegsatay warbaahintii Qaranka
Riyaale dabadii maxaa is bedelay?
Waxa ka dambaysay In xukumadii Siilaanyo oo isla Hogaankii Xisbiga kulmiye ka dhaleecaysay, warbaahintii qaranka waxaanay ahayd siyaasadii Wasiir Xirsi Wasiir Samaale,Wasiir Cukuse iyo Cadaani.
Tvga Qaranka waxa la aasaasay sanadkii 2005tii xiligaa waxa loo sameeyey siyaasad aan sharci ahaynoo si dadban uga dhigtay. Waax ka madax banaan wasaarada warfaafinta .
Nidaamka maamul wuxuu ka koobnaa Agaasimaha guud ee tvga qaranka oo uu soo magacaabi jiray madaxwaynuhu iyo Agaasimaha Maamulka iyo lacagta, oo uu magacaabi jiray Agaasimaha Tvga Qaranku.
Cali Fu,aad ayaa muddo gaaban ka ahaa Agaasime halka agaasimaha Maamulkuna ahaa Xasan Maxamuud.
Ka dib Waxa loo magacaabay Maxamed Muuse Diiriye oo ahaa agaasimihii maamulayey ilaa 2010kii Markii kulmiye ku guulaystay hogaaminta dalka
Siyaasada Tvga Qaranka waxay ahayd mid qeexan oo mamnuuc ka dhigaysay inaan mucaaridku ka hadal.
Tvga qaranku wuxuu Si toos ah u fulin jiray wixii dawladu raali ka tahay oo ahayd tii sababtay inay aad uga qayliyaan Xisbiga kulmiye oo mucaarid ahaa"In badana ay fagaareyaasha kaga hadleen Axmed Siilaanyo Madaxwayne Biixi iyo Maxamed kaahin.
Nidaamka Shaqo iyo Shaqaale sidee ayuu ahaa?
Wakhtigaa waxay ugu wayn ee la qaban jiray waa dhaliisha Mucaaridka iyo Buuninta xukumada.
Shaqaaluhuna dariiqaa ayey raaci jireen oo ay shaqada ku qaban jireen.
May jirin Shaqaale kaga Sed badan sinaan ayaa ka jirtay xaga shaqaalaha.
Laga yaabaa in dhawr qof si hoose loo gunayn jiray.
Shaqaaluhu may lahayd awood ay su,aal sax ah ku waydiiyaan Madaxda dawlada
Xasan Maxamed Yuusuf ayaa ka mid ahaa wariyayaashii shaqadooda ku waayey su,aal uu waydiiyey Wasiirkii Maaliyada Xuseen Cali Ducaale.
Shaqo aan guulwadeyn ahayn maanu qaban balse waxay ahayd amar dawladeed, inkastoo ay dad badan la qabatimeen oo ay adag tahay inay warbaahin madax banaan u shaqeeyaan.
"Agaasimihii Maamulka ee Tvga Qaranka" oo ehel dhaw ay ahaayeen Qoyskii Madaxwayne Riyaale wuxuu ahaa awooda ugu badan ee ka jirtay tvga inkastoo uu ka amar qaadan jiray Maxamed Muuse Diiriye oo ahaa ,agaasimihii guud ee tvga qaranka.
Waxa la gaadhay wakhtigii xisbiga kulmiye hogaaminta dalka la wareegay.
Sidee ayey u maamushey xukumadii Siilaanyo Tvga Qaranka?
Wasiirkii ugu horeeyey ee madaxwayne Siilaanyo u soo magacaabay wasaarada warfaafintu, wuxuu ahaa Cabdilaahi Geeljire waxaana la hoos geeyey maamulka tvga qaranka.
Kolay sidii ka muuqatay maamulkii Cusbaa ee Wasiir Geeljire u magacaabay wasaarad warfaafintu waxa jirtay in lagu soo balamayey cid gaar ah oo dibada ka joogtay wasaarada inuu ka dhigo maamulka.
Waxaana la soo magacaabay Hawl wadeenadii idaacadii Sharci darada ahayd ee Horyaal oo ku hadli jirtay Afka Xisbiga kulmiye.
Axmed Saleebaan Dhuxul
Agaasimaha Tvga Qaranku
Maxamed Cismaan Mire SayidAgaasimihii wargayska Dawan.
Alla ha u naxariistee Cabdirisaaq dubad oo loo magacaabay Agaasimaha Idaacada Radio Hargeisa.
Mujaahid Ibraahim Shiine oo loo magacaabay Agaasimaha Farsmada in inkastoo mudo gaaban lagaga qaaday Laguna bedelay Axmed Saleebaan Wayne
Sidoo kale waxa bilaa shuruud uga mid noqday shaqaalaha wasaarada dhamaan shaqaalihii Horyaal oo xiligaa kulmiye ugu jiray booskii Radio Halgan ugu jirtay S.N.M.
Markay halkaa marayso sidii balanka madaxtooyada iyo Wasiir Geeljire ahaa waxbaa iska bedelay.
Booskii ugu muhiim-sanaa ee Agaasimaha Maamulka iyo lacagta oo balanku ahaa in albaabka la dhaafiyo, waxay wada shaqayn fiican yeesheen Wasiir Geeljire.
Madaxtooyada Somalilandwaxay in badan isku dayday inay wasiir Geeljire ku Qanciso sidii uu banaanka u dhigi lahaa Xasan Yare Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta.
Hase Yeeshee Geeljire Arinkaa ma fulin ilaa aakhirkii laga bedelo wasaarada warfaafinta.
"Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade" ayaa noqday wasiirka warfaafinta isla markiiba wixii la soo yidhi iyo isagiiba waxa gacanta ku qabtay Agaasimihii Maamulka.
Iskadaa inuu xil ka qaadee wuxuu xaabsade cadaadis aad u badan saaray qoladii Horyaal ka timid ee dhabarka ay soo taabtay, madaxtooyadu.
Boobe Yuusuf Ducaaleayaa Wasiir looga soo dhigay wasaarada warfaafinta, runtii Boobe oo ahaa masuul aad u degenaa wuxuu dariiqa u jeexay siyaasad ku haboon nidaamka shaqo ee wasaarada warfaafinta.
Sida aan ku maqlay warar xogogaal ahaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Boobe si toos ah ayey uga wada hadleen in shaqada laga caydhiyo Agaasimihii Maamulka ee Tvga qaranka.
Hase Yeeshee Boobe wuu ka diiday arintaasi Madaxwayne Siilaanyo.
Xiligaa waxa Wasaarada Agaasime Guud ka ahaa Cabdirashiid oo ka soo jeeday deegaanka madaxwayne Siilaanyo,isla markaana ahaa Agaasime ay ka go,nayd sidii meesha looga saari lahaa Agaasimihii Maamulka ee tvga.
Markii Arinta eriga Xasan yare ay ka suurto gali wayday, dhinaca wasiir boobe waxa bilaabantay xaaladii horseeday "awoodo kala duwan oo ka dhex dilaacay wasaarada gudaheeda, iyo amar diido, ka timid agaasime waaxeedyo ay ka mid ahaayeen Agaasimihii Guud ee wasaarada warfaafinta,Agaasimihii Waaxda Tvga Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Agaasimihii Farsamada Axmed Saleebaan wayne, oo awood iyo isku halayn badan ka haystay madaxtooyada.
Waxaanay sameeyeen Inay Toos ula xidhiidhaan xafiiska Hanti dhawrka guud iyagoo u gudbiyey in baadhitaan lagu sameeyo maamulka wasaarada warfaafinta.
Si deg deg ah ayaa jeelka loo dhigay Xasan Yare Agaasimihii Maamulka, khilaaf iyo Muran ayaa halkaa ku dhex maray Wasiir Boobe, iyo Kooxda ka amran xaga madaxtooyada ee uu hormoodka u yahay Agaasimaha Guud.
Inkastoo aanay u suurto galin sidii ay rabeen wasiir Boobe ayaa arinkaa meel adag ka istaagay ka dibna, waxa la soo daayey agaasimihii maamulka oo shaqadiisii halkeedii ka sii watay.
Shaqaalihii wasaarada ayaa kala jabay oo qaarkood waxay u arkeen in arin reernimo lagu eryanyo Xasan Yare.
Qaar kale oo aan ka mid ahay lagu tilmaamo guulwadayaal halka qoladan cusub ee ka timid xagii horyaal ay isu haystaan mujaahidiin qabsatay faqash, arimahaasi waxay horseedeen nidaam foolxun oo aan hore uga jirin wasaarada warfaafinta.
Mudo yar markii uu sii shaqaynayey Agaasime Xasan ayuu wasiir Boobe u baxay Safar shaqo oo ahaa dalka South Sudan oo mudo gaaban uu islahaa ku maqnaw.
Iyadoo maq-naanshaha Wasiir Boobe laga Faa,iidaysanayo waxa ka soo baxay Agaasimihii Guud amar uu shaqada iyo Gudaha wasaaradaba kaga mamnuucay Xasan yare oo ahaa Agaasimihii Maamulka ee tvga.
Wasiir Boobe oo arintaa ka cadhooday ayaa deg deg u soo noqday ka dibna wuxuu xilkii ka qaaday Sayid iyo Dhuxul oo kala haystay tvga iyo Dawan.
Waxaanu u magacaabay Agaasimaha Tvga Qaranku Xuseeen Cabdilaahi Deeqsi
Halka Cumar Maxamed Faarax oo loo magacaabay Agaasimaha Wargayska Dawan
isla maalin ka dib madaxtooyadu waxay kaga jawaabtay xilka qaadistii wasiir Boobe Yuusuf Ducaale, iyadoo la soo magacaabay wasiir Abiib Timacad.
Wali lama gaadhin halkii loo dan lahaa iyo ragii duubka loo xidhi lahaa ee madaxtooyadu ugu fooganayd eriga Xasan Yare.
Labadii Masuul eeBoobe u magacaabay Tvga iyo Dawan waxa u yeedhay wasiir xirsi oo ay isla meel dhigeen inay ka tanaasulaan xilalkaa Boobe u dhiibay, waa Deeqsi iyo Cumar oo arintaasi aqbalaye.
Waxaan Filayaa halkaamarka xaajo marayso karkii iyo culayskii wuu dhacay.
MAGACAABID
Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul Afhayeenka madaxtooyada
Mudane khadar Xasan Cali Gaas
Maareeyaha Tvga Qaranka, oo ay saaxiib dhaw ahaayeen Baashe Cawil oo uu sodog u ahaa madaxwayne Siilaanyo.
Maxamed Cismaan Mire isaga halkiisii wargayska Dawan ayuu ku noqday.
Bilowgii kala Sarayntaiyo Midab kala Sooca Shaqaalaha.
Waxa cagta la saaray nidaam awoodiisu toos ugu xidhan tahay madaxtooyada oo cidii ay doonaan keena cidii ay rabaana erya.
Waaxda Dawan oo ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Cismaan Mire Sayid waxay ahayd waaxda ka badbaaday murankii iyo maamul xumadii wasaarada warfaafinta,ka dib markii uu awood u yeeshay mr Sayid, inuu shaqadiisa u madax banaanaado, isla markaana noqotay isha kaliya ee si dhaba loo horumariyey.
Shaqaalaha wasaarada warfaafintu gaar ahaan Waaxda tvga qaranka waxa ka hirgashay in Shaki badan kala galo shaqaalihii isku duubnaa.
Dad cusub oo la shaqaaleeyo mushaharkooduna u dhexeeyo 5.000.000 milyan ilaa 13.000.000 milyan.
Xilal Ciidaa ka badan oo la magacaabay Caga juglayn badan intii ka hor timaada oo talaabo ay ugu yar tahay gunada oo laga jaro lagu abaal mariyo.
Waxaan u malayn inaan bad galaye qushiye ilaahay ayaa arsaaqada bixiyee waxa I galiyey waxaas oo dhan waa hadal ka soo yeedhay hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu kaga hadlayey tvga qaranka iyo hoos u dhac uu sheegay inuu ku yimid.
Mooji wax badan I galiyee laakiin sababta qoraalkan keentay ayaa ah hadalkaa Hogaamiye Xirisi uu ka jeediyey xafladii Furitaanka Ururka TV-yada.
Waxan oo dhan markii ay dhacayeen Hogaamiye adigaa lahaa qaybta ugu wayn Isla Markaana waxa tvga ku bixi jiray lacag badan oo cashuurta umada ah, maalintii Tvga Qaranku Qayrkii uu ka hadhayna maalintaas ayey ahayd.
Hogaamiye Tvga Qaranku Waa Halkii ugu horaysay laga faafiyey Muhaahid-nimadaada
Dad aan ehelka warbaahinta ahayna maalintaas ayey wasaarada
iyo tvga yimaadeen
Fiiro Gaara Marnaba May dhicin in dad ama qabiilo gaar ah loo eexday.
Waa inoo beri
Gurey Maydhax
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!