Soomaalida Tigreega Ka Qaxday Waa Kuwee ?

0
Thursday November 12, 2020 - 08:21:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Tigreega Ka Qaxday Waa Kuwee ?

    Qalinkii Baxsan M Badgal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii Baxsan M Badgal

Dhulka ku yaalla inta u dhaxaysa magaalooyinka Umhaajir, Xumayra, Suuwak, Tasaney & Cali-qadiiri oo ah dhul beereed ay dhex maraan Togagga Wad-shariifi, Wad Muzamil & Wad Cadbara oo ah kuwo isaga tallaaba Dalalka Sudan, Eritrea & itoobiya, waxaa daggan dad Soomaaliyeed oo isugu jira Beeraley & Xoolo dhaqato (Lo'ley).



Imaatinka Assalkoodu wuxuu isugu jiraa Saddex qaybood:

1. Qaybo waxay la socdeen Ciidamadii ingiriiska ee guumaysan jiray Sudan & Masar, waxayna u badan yihiin Qabaa'ilka Soomaaliyeed ee Reer Sheekh isahaaq (Cida-gale & Sacad muuse), Gadabuursi, Majeerteen (Maxamuud Saleebaan) & Gabooye.


2. Qaybo kale waxay la socdeed Ciidamadii Daraawiishta Mahdiga ee la dagaalami jiray Ciidanka ingiriiska waxayna u badan yihiin Qabaa'ilka Soomaaliyeed ee Dhul-bahante (Jilibaha Qayaad, Hayaag & Tuuryar), Ogaadeen (Jilibyo reer Cabdille, Bah-gari & Fiqi-cigaal), Hawiye (Sacad), Shiiqaal & Shariif


3. Qabta saddexaad waxay la socotay Ciidamadii Talyaaniga ee lagu jabiyey magaalada Adwa, waxayna u badan yihiin Jilbo badan oo soomaaliyeed waxaana ugu badan Abgaal, Habar-gidir & Ajuuraan


Dhaladho & Qabiil ahaan waxay hoos tagaan Qabiil kamid ah ku aaggaas daga oo la yidhaahdo JABARTA, Assalkoodana la sheego inay Soomaali ahaayeen.


FG: marka Soomaalidan warbaahintu sheegayaan inay ka qexeen dagaalada woqooyiga itoobiya; haddii ay run tahay waa kuwaas ee Ardey ma'aha.

Qalinkii Baxsan M Badgal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...