"Daadmadheedh Iyo Macalin Diridhaba"

0
Wednesday November 11, 2020 - 10:00:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Daadmadheedh Iyo Macalin Diridhaba"

    ByCabdiDhaylo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ByCabdiDhaylo

Maxamed maxamuud oo ku magac dheer DIRIDHABA waxa uu kamid ahaan jirey ciyaartooygii hore ee GWG hargeysa wakhtigii somaliya iyo somaliland midaysnaayeen waxaanu ka ciyaari jirey difaaca.



Maxamed diridhaba waxa uu ahaa ciyaaryahan difaac adag oo ay adkayd sida kubada loola dhaafo ama looga dheereeyo .


Diridhaba waxa uu ahaa kalkaaliyaha tababaraha dhinaca jidh-dhiska iyo carbinta ciyaartooyga .

Diridhaba waxa uu wataa xulka G/ daad madheedh oo galabta usoo baxay afarta ugu danbeeyey  ( semi final ) Koobka Gobolada J/ somaliland  kadib markii  4 - 0 kaga adkaadeen G/Sool.


Ciyaaryahanada g/daadmadheedh waxa uu ka dhigay kuwo aan daalayn oo fardo ah maadaama uu khibrad dheeraada u lahaa carbinta ciyaartooyga & jidh-dhiskooda , waxaanay cid walba kaga badinayaan hafto bixid aanay daalaynin .


Guul baan u rajaynayaa iyo inuu koobka ku guuleeysto sxbkay maxamed diri dhaba oo aanu isku wakhti u kala ciyaarayney G/togdheer iyo GWG hargeysa .


Sawirkan waa 1987 muqdisho stadium oo ciyaar semi final ah nagu dhex martay  labadayada goboll kadib markii aanu afarta danbe isugu nimi ciyaarihii gobollada ee wadankii hore ee la isku odhan jirey somalia oo ka koobnaa 18 goboll .


▪GWG hargeysa kaalinta labaad

▪Gobollka Togdheer kaalinta sadexaad .

ByCabdiDhaylo

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...