Qudh Godaad Ka Samirtaa,Qabri Ruuxa Lagaa Dhigay,Quud Dareeye Xamartegay,Qiyaaso Ka Sheekee.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B].
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-QUUDHI WAAYADII NOLOL,KAA QADIYEY SHALAYTE,
QAYRKA KU HOOS DHIGAY,QUUD DAREYAHA TEGAY,
QARAN MOODAY FAQASHE,QUDHUNKI DUGSANAYA,
QOF DHINTUUNN KA SOO QAAD,WELI KA QARSONAN.
2-QABRI RUUXA KAA GALA,QUDHA WAAD KA SAMIRTA,
QOOMAMADA XANUNKALE,QAADAN WAAGA NOOLUHU,
QOORTOON LAGAA XIDHIN,QABAANSIGAN CADAAWA,
QALAD QALAD MA SAXAYA,QARNIGAYNU JOOGNAA.
3-QURUXDIISIBU CUNAY,CAD QUUDHEED KA QAATAA,
QAWADAHA WAX QUUNSADA,QIILBAW BANAANOO,
QANCINIYO TUSAALE,QABASHAY LEEDAY TABASHE,
QAANAN DHAMANIYO,QISAAS LOMA GALO QARASH.
4-QABYO KAY SUGAYSEY,QOOMAMADA KU HAYSAA,
QAYB QOFKAY KU RAACDO,QIIRO KUMA DHAMATE,
QUUDKII XALAALIYO,QORSHAA LAGU SALEEYAA,
QIYAASBA LA JEEXDAA,QOODIGAAD FALAYSAAN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH .AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!