Abtirsiinta Beesha Muxumed

0
Wednesday November 11, 2020 - 09:40:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abtirsiinta Beesha Muxumed

    W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

Muxumed waa: Muxumed Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe.


Muxumed waa: Maxamed Abokor, oo waa Habar Jecle, oo waa Isaaq, oo waa Dir.



Muxumed waxa la dhashey:

1-    Iidle Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe

2-    Shirwac Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe

3-    Ismaaciil Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe

4-    Cali Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe


Muxumed waxa uu haddeer ku dhex-milan yahay beesha Warsangali, oo Sanaag ayuu badankiisu deegaan ku yahay. Muxumed, sidii Surre, Biyo-maal, Gaadsan iyo Awr-maal uma aanu sii fogaanin; oo deegaan durugsan uma aanu qixin; oo badankiisu waa reer Sanaag.


Sida taariikhdu sheegtey, dagaalkii sokeeye, ee qarnigii 19aad, ee saldanaddii iyo xadaaraddii Aadan-madoobe lagu burburiyey, ee lagu baabiiyey, ee afarta jihood Aadan-madoobe loogu kala qaxiyey, ayaa Muxumed-na galaaftey, oo – nasiib darro - Warsangali u gacan-galiyey.


Alla ha u naxariisto’e, Garaad Maxamuud Cali Shire, ayaa Muxumed soo dhaweeyey, oo markii hore dhaqan ahaan Warsangali ula mideeyey. Laakiin markii danbe, oo dhawaan uun ahayd, ayaa Muxumed la Warsangaliyeeyey, oo la Hartiyeeyey, oo la Daaroodeeyey; oo geed-beeleedka Warsangali lagu darsadey.


Si kaste ha ahaato’e, marna Muxumed la Warsangaliyeyn kari maayo, oo la Hartiyeyn kari maayo, oo la Daaroodeyn kari maayo, oo dhiiggoodaan marna biyo noqon doonin, oo isirkoodaan kolna la doorin kari doonin, oo abtirsiintoodaan marna la baddali kari doonin, oo waligoodba Aadan-madoobe ayay ahaan doonaan, oo Maxamed Abokor ayay ahaan doonaan, oo Habar Jecle ayay ahaan doonaan, oo Isaaq ayay ahaan doonaan, oo Dir ayay ahaan doonaan – bi idni Allaah.


Alla ha u naxariista'e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯
¯¯¯¯¯¯¯¯¯
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e
Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane
Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.


Maxamed Sheekh Daahir
[email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...