Gacanta Ayaa Ay Iska Jartay, Si Ay Lacag U Hesho ... Laakiin Maxaa Ku Dhacay?

0
Wednesday November 11, 2020 - 09:23:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gacanta Ayaa Ay Iska Jartay, Si Ay Lacag U Hesho ... Laakiin Maxaa Ku Dhacay?

    "Falkan ayaa indhaha warbaahinta iyo rayulcaamka ku jeediyey maxkamadda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Falkan ayaa indhaha warbaahinta iyo rayulcaamka ku jeediyey maxkamadda"

Maxkamad ku taalla dalka Slovenia ayaa muwaadinad dalka u dhalatay oo 22 sano jir ah ku xukuntay laba sano oo xabsi ah kaddib markii ay gacanta iskaga jartay minshaarta korontada ku shaqaysa ee dhirta lagu jaro, si ay lacag uga hesho caymiska.



Sida oo kale nin 30 jir ah oo ay gabadhan isku cindanaayeen ayaa isagana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah kaddib markii lagu helay dembi ah in uu gabadha ku dhiirrigeliyey falkan, aabihii oo ay sheekadani gashayna waxaa lagu xukumay hal sano oo xabsi dibad jooga ah.


Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Slovenia ee STI gabadhan ayaa jartay gebi ahaanba gacanteeda inta dhudhunka ka hoosaysa, waxa aanu qorshuhu ahaa in iyada iyo saddex qof oo laba ka mid ahi ay yihiin ninka ay xidhiidhka la lahayd iyo aabihii ay ku doodaan in gabadhan ay gacantu ku go’day geed ay jaraysay, si loo siiyo lacag dhan 500 kun oo doolar oo magdhowga hay’adda caymisku bixiso ahaa. Bilayska ayaa sheegay lacagtaas halka mar la siinayo gabadhan ka sokoow, sida oo kale la qori lahaa in ay naafo tahay, sidaas awgeed inta nolosheeda ka hadhay bil kasta la siin lahaa lacag dhan 3600 (Saddex kun iyo lix boqol) oo doolar oo ay ku noolaato.


Maxkamadda ayaa ogaatay in gabadhani ay hal sano ka hor heshiis la saxeexatay shan shirkadood oo kala duwan oo caymis ah, iyada oo qorshaheedu yahay in ay hesho lacagtan.


Gabadhu markii ay gacanta iskaga jartay waxaa cisbitaalka u qaaday labada nin ee is dhalay, waxa aanay ku warbixiyeen in ay gacantu ku go’day minshaarta korontada ku shaqaysa oo ay laamo geed ku jarjaraysay. Arrinta kale ee xanuunka leh ayaa ah in labadan nin aanay cisbitaalka u sii qaadin gacanta intii go’day si la isugu dayo in dib loogu dhejin karo inkasta oo markii dambe uu bilaysku dhaqso u soo qaaday laguna guulaystay in lagu kabo.


Dacwad oogeyaaha ayaa maxkamadda ka hor sheegay in maalmo yar ka hor falkan ay gabadhani internet ka ka baadhaysay sida ay u shaqayso gacanta samayska ah ee dadka naafada ah loo xidho, taas oo ah caddayn kale oo muujinaysa in ay gacanta si badheedh ah isu jartay. Si kastaba ha ahaato ee gabadhan ayaa maxkamadda horteeda kaga dooday in aanay dembi lahayn, kuna talagelin in ay gacanta iska jarto.


Falkan ayaa indhaha warbaahinta iyo rayulcaamka ku jeediyey maxkamadda dacwadda qaadaysa oo ku taalla gobalka Alpine ee dalka Slovenia.

 

Marjaan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...