Millatariga Federaalka Itoobiya oo Madaar muhiim ah ka qabsaday Gobolka Tigreega

0
Wednesday November 11, 2020 - 09:12:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Millatariga Federaalka Itoobiya oo Madaar muhiim ah ka qabsaday Gobolka Tigreega

    W/Q: Maxamed Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Cirro

Dowladda Federaalka Itoobiya, ayaa ku guulaysatay inay gacanta ku dhigto madaar muhiim ah oo ku yaal meel qiyaas ahaan 42 mayl (67km) u jirta magaalada Humera ee dowladda Degaanka Tigreega, iyadoo ay millatariga Federaalku ay dagaal adag kula jiraan ciidanka maamulka Tigreega.



War qoraal ah oo laga faafiyey warbaahinta dowladda Itoobiya maanta (Salaasa, 10 November 2020), ayaa lagu caddeeyey in ciidanka Federaalku ay qabsadeen dhul badan oo ay hore u joogeen ciidanka xisbiga TPLF ee gacanta ku haya maamulka Tigreega, iyadoo deyaanka uu ku yaalo madaarka la qabsaday uu u dhawyahay xadka ay Itoobiya la wadaagto dalalka Suudaan iyo Eratariya.


Ra'iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Abiy Axmed oo isna qoraal kooban soo saaray Salaasada maanta, ayaa sheegay in hawlgalka ku dhaqanka sharciga (rule of law) ee ka socda degaannada Tigreegu uu yahay mid loogu talogalay in lagu sugo, laguna dammaanad-qaadayo nabadgelyada iyo degannaanshaha, isla markaana sharciga lagu horkeenayo dhammaanba dadka khalkhalka iyo sharcidarada ka wada dalka Itoobiya, isagoo xusay in hawlgalkaas millatari uu ilaa hadda u socdo sidii loo qorsheeyey ama loogu talogalay.


Waxa kaloo uu Ra'iisal-wasaare Abiy Ahmed iftiimiyey in hawlgalka ka socda degaannada Tigreegu ay hadda ku sii siqayaan, una sii dhaw yihiin dhinaca dhammaadka qorshihii laga lahaa.


Waxa iska soo daba dhacaya baaqyada caalamiga ah ee loo jeedinayo dowladda Federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigreega oo loogu baaqayo inay sameeyaan xabbad-joojin degdeg ah, wixii khilaaf ahna lagu xalliyo miiska wadahadalka, balse Ra'iisal-wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay dareemayaan walaaca ay qabaan saaxiibada Itoobiya, laakiin waxa uu iftiimiyey in arrintani ay tahay mid khusaysa arrimaha gudaha dalka Itoobiya, sidaas darteedna hawlgalka millatari socon doono ilaa inta sharciga iyo kala dambaynta lagu soo dabbaalayo degaannada Tigreega, lagana sifaynayo qas-wadayaasha.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...