Kayse Cabdi Yuusufow siyaasi Hadafkaa Wanaagsan Gaadhsiiya Ayay Somaliland la dahay Mudo 60 Sano Ah ee Maxaa Talo Ah?

0
Monday November 09, 2020 - 09:09:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kayse Cabdi Yuusufow siyaasi Hadafkaa Wanaagsan Gaadhsiiya Ayay Somaliland la dahay Mudo 60 Sano Ah ee Maxaa Talo Ah?

    Qore: Cabdi Muhumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muhumed

Aan Marka hore Eebe u waydiiyo marxuum Cali Khaliif galaydh  inuu Jannatul Fardowsa  geeyo oo Samir iyo iimaan ka siiyo qoyskii uu ka baxay iyo dhamaan ummada somaliland.Intaa kadib waxaan akhriyay waraysi uu wargayska Dawan ka qaaday Kayse Cabdi Yuusuf oo ay ka wada tirsanaayeen ururka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo uu Cali oday iyo hogaamiyaba ugu ahaa, ma qabo Cali Khaliif, Kayse Cabdi Yuusuf iyo in badan oo kale oo u dhalatay gobolka Sool ama bariga Somaliland haddii Sanaag ama Selel ama Awdal oo had iyo jeer saluug ka qaba sida ay Somaliland tahay iyo wadada ay ku socotaa inaanay ahayn mid sax ah oo taladii cid maroorsatay taasi oo haddii farta si fiican loogu fiiqo inay tahay beesha dhexe oo loo tiriyo in ay tahay beesha ugu badan tiro ahaan dadka reer Somaliland ama inta wada dagta ee gumaystihii Great Britain wada gudoonsiiyay gobanimadii daleesha la dhigay hase ahaate inta saluuga ka qabtaa marna ma is waydiisay in badan oo kale in ay Somaliland ka maqan tahay oo aanay waxba ku lahayn  xagee se ay ka ogyihiin beelihii walaalaha ahaa ee reer Somaliland  Gabooye ,Yibir amase Tumaal oo aan wax allaale wax ay ku leeyihiin saddexda gole ee wakiilo, guurti amase Xukuumadeed aanay jirin taasi oo calaamad u ah in aanay Somaliland marnaba ka taagnayn Somaliland siman oo la wada leeyahay.

 

Waan ku raacsanahay kayse hadalkiisa ahaa "inay doonayaan Somaliland  wanaaagsan oo loo siman yahay oo la wada leeyahay gees ka gees dhaqaalaha, siyaasada iyo dawladnimada haddii taa la helana  guul ayay noo ahayd haddii la waayana waxaan u araagna inay guuldarro u tahay Somaliland oo dhan .

 

Waa sax oo wax laaxin ah hadalkaa kayse ku jiraa majiro dhamaanteen waxaan wada rabnaa Somaliland isku dhan oo loo siman yahay, hase ahaate kaysow kama qatana oo kaliya ardaayada reer Sool Sanaag bari Selel iyo Awdal inkastoo aanay ula sinayn beesha dhexe oo markasta aad aragto janjeedh wayni dhan kasta oo dhaqaale ,siyaasadeed, ama dawladnimo aanay u dheeli tirnayn sidii saxda ahayd ee Somaliland isku dhami ku jiri lahayd.Haddana  aan su’aal ku waydiiyee ka waran Somaliland ay kawada qatan yihiin saddexda ardaa ee Gabooye,Tumaal iyo Yibir? oo aanay xataa ku haysan 1% dhamaan Somaliland taas Ayaan jeclaan lahaa bal in uu isna wax ka yidhaahdo marka uu bar-bar dhigo ardaayada reer Sool ama Sanaag bari iyo kuwo kale sida Awdal iyo Selel halkaas oo ay ka soo bixi kartaa dood ah in  la helo Somaliland loo siman yahay oo mid sax ah hareerahana la wada hayno.

 

Haddaba taasi side ayay ku iman kartaa weeyi su’aaasha u baahan in Maqaalku ka jawaabo iyo dadka reer Somaliland guud ahaan si wadankeenu waa inagu filan yahay oo waliba inaga badan yahaye, waa inuu noqdo mid sinaan dhabi ka jirto ma’aha mid  dhinac ah oo Ardaa waliba ka kale ka sad bursado.

 

Hadaba su,aashu waxay noqonaysaa sidee taasi lagu helayaa halkeese sartu ka qudhun santahay?  laga soo bilaabo 33 mudane baarlamaan ee gobanimaddii qaranka dhami ku hantiyay u wandaafiyay Italian somalia  ee ku yidhi hooya oo nagu xukuma waliba sidaad doontaan ilaa la ogaa tii ka dhacday ee taariikhdu warisay ilaa maantana ay ku gadaaman yihiin oo ay noqotayba Somaliland  taaariikhdeedi 30 sano oo Italian Somalland adoonsanasanayay iyo 30 sano oo ay aqoonsi meel u yaalo aanay wali is waydiin raadinayso taas ayaa ah halka ay sartu ka qudhuntay Kaysow ee khaatumo iyo Khaatumo la’aan haddii aad hayso dhako  sidaa aad sheegtay Somaliland  dhan oo wada deeqda oo gees ilaa gees aynu wada maalno hashii maandeeq keen adiga iyo khaatumaba haddii aanay taasi gacan adiga iyo ururka ugu jirin dee sidee hore ugu socanaysaa? Hadaad jawaab sugan u wayday waa halkii heestii Cabdi Muxumed Amiin ee ay ku luuqaysay Saado Cali Warsame anaa hayee  inaan kugula wadaago Maqaalkam kooban. Waana sidan laga soo bilaabo1960 kii bishii 26 kii June oo ku beegnayd maalintii aynu hantinay madaxbannaanideeni ilaa maanta waxaa inaga qaldqani waa madax la’aan mana aha madaxdu in nin kursi ku fadhiistay oo reer hebel ahi wax inoo qaban doono kuna soo gabagbawday inuu lafahiisa iyo qoyskiisa ku koobnaado inteena kalena uu ka soo daawado fooq dheer oo aynu inagu saarnay hadiiba la taabtana inagu cabaada oo yidhaahda waxa  reer hebel loo quudhay ee lagu sameeyay  inana waa haddii aynu dadwaynihii nahaye aan qoryaha u gurano dartii oo isku jabno .

 

Waxaan maqaalkaygan ku soo  gabagabaynayaa haddii aad kaysow adiga iyo khaatumo ama qof kasta oo reer Somaliland ahi  hayo Smaliland wanaagsan gees ilaa gees la wada leeyahy oo ina wada deeqda sidii ay ku iman lahayd oo ah in la helo adeegayaal bulsho ama  waxaynu ugu yeeedhno siyaasiyiin oo taas ka shaqeeya  waa ay iman hadiise kale waligeed iman mayso oo is daba wareegaa iyo reer hebelbaa reer hebel ka sad bursaday  iyo hebelbaa daaro dhaadheer ka jeexday uun baynu waqtiga ku dhamaysanaysaa eeda inta ugu badana waxaa leh siyaasiyiin ku sheega  beesha dhexe kuwa kale ee xilalka lahayaana ma dhaamaan oo may keenin tu u dhaanta talo xumaanta  hadaba adna aan hadalka wax kaa siiyo adiga iyo inta reer Somaliland ah ee Maqaalkan akhriyi doonta side lagu helayaa Somaliland tan dhaanta oo ah ta ay khaatumo iyo shicibka reer Somaliland dhamaantood doonayaan?

 

 

Qore: Cabdi Muhumed

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...