10 Qodob Oo Ka Mid Ah Waxyaabihii Ku Cusubaa Ama Taariikhda Gali Doona Doorashada Mad. Maraykanka Ee 2020.

0
Sunday November 08, 2020 - 11:43:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Qodob Oo Ka Mid Ah Waxyaabihii Ku Cusubaa Ama Taariikhda Gali Doona Doorashada Mad. Maraykanka Ee 2020.

    1. Waxa markii u horaysay maraykanka hogaamin doona madaxweynihii ugu da'da weynaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Waxa markii u horaysay maraykanka hogaamin doona madaxweynihii ugu da'da weynaa,
iyadoo Biden uu 12 maalmood kadib noqon doono 78 jir, (Waa hadii natiijadu sidan ku dhamaato)


2. Waxa markii u horaysay dalka Maraykanka madaxweyne ku xigeen noqonaysa haweenay.


3.  Sidoo kale waxa markii u horaysay madaxweyne ku xigeen noqonaysa qof aan cadaan ahayn.


4. Madaxweynaha la doortay waxa uu noqonayaa musharaxii helay codkii ugu badnaa taariikhda, iyadoo ay u codeeyeen in ka badan 74 million oo qof.


5. Sidoo kale Musharaxii la tartamayay ayaa isna helay tiradii ugu badnayd iyadoo ay codkooda siiyeen in ka badan 70 million oo qof.


6. Waxa markii u horaysa taariikhda Maraykanka doorasho ka codeeyey dadkii ugu badnaa, iyadoo ilaa iyo hada inta la ogyahay dad ka badan 144 Million oo qof 2020 codkooda dhiibteen.


7. Tiradii u badnayd ee codkooda ku dhiibta boosta ayaa doorashadan ka codeeyey, waxaana la tilmaamay inay codkooda sii dhiibteen kahor maalintii doorashada in ka badan 100 million oo qof.


8. Ololaha doorashada sanadkan waxa loo isticmaalay lacagtii ugu badnayd, iyadoo wadarta guud ee labada xisbi ay ururuiyeen lacag ka badan 3 Billion oo dollar.


9. Doorashada sanadkan waxa loo ololeeyey hanaan ka duwan sidii hore caadada u ahayd, iyadoo gaar ahaan xisbiga dimuqraadigu uu taageerayaashiisa uu u khudbadaynayay iyagoo gawaadhidooda ku jira si looga taxadaro xanuunka Covid-19.


10. Dad Maraykan ah oo aan waligood doorasho ka codayn ayaa iyaguna markii u horeysay codkooda dhiibtay doorashada sanadkan 2020.


# Wey jiraan waxyaabo kale oo ku cusbaa balse intan ayaan kasoo qaatay.

 

W/Q: Abdihakim Shirwac

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...