13KA Qodob Ee Lagu Qiimeyo Dib U Doorashada Madaxwayne Mareykan

0
Sunday November 08, 2020 - 10:23:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    13KA Qodob Ee Lagu Qiimeyo Dib U Doorashada Madaxwayne Mareykan

    W/Q Mohamed Aden Hassan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Mohamed Aden Hassan.

Halkan waxa aynu ku soo gudbinanaa 13ka qodob e lagu qiimeyo dib u doorashada madaxwayne maraykan si faahfahsan oo wafiya Hadaba akhris wacan.

 

1.       Waa in aanu jirin musharax adag o kula tartamaya madaxwaynaha jagada musharaxnimada xisbiga gudihiisa.

2.       Waa in musharaxa xisbigu noqdaa madaxwaynaha talada haya.

3.       Waa in doorashoyinka dhaxe e baarlamaanka e labada sanadood ka horeeya doorashada madaxwaynaha , waa in xisbiga madaxwaynahu aqlibayad Helaa aad u badan.

4.       Waa in aanu jirin musharax saddaxad wallow ay taasi adagtahay haddana hadday dhacdo waxa u codka la qaybsanayaa madaxawaynaha iyo musharaxa kale.

5.       Waa in aanu xiliga doorashadu dhacayso aanu jirin fadhiid dhaqaale iyo shaqo la;aan baahsan taas o madaxwaynaha galaafanaysa.

6.       Waa in xaalada dhaqaale e dadka muwaadininta ah ay kaso wanaagsanaynayso xaalka madaxwaynihi isaga ka horeyay.

7.       Waa in madaxwaynahu doonaya in dib loo doorto u isbadalo waawayn ka sameeya siyaasada arimaha gudaha si la yaab leh.

8.       Waa in afarta sano u hayo talada dalka aysan dhicin iska horyimaado bulsho iyo mudaharaado dalka gilgila.

9.       Waa in aanay xukumadiisu la kulmin dagaal military oo caalimiya iyo mid diplomasiyadeed kaas o khasaare xukumadu kaso gaadhin.

10.     Waa in u ku guulaysto madaxwaynahu dagaal millatry oo caalami ah iyo mid diplomasiyideed o xadhiidhka calimiga ah.

11.     Ma yahay madaxwaynaha talada haya e raba in loo doorto halyay qaran o hore wax muuqda dalkiisa usoo qabto.

 

Fiiro Gaar Ah: halyay qaran marekanu waxay u yaqanaan shakhsiga kaso dagalamay Vietnam dagaalki labada kuuriya ,dagaalki Afghanistan iyo kii ciraaq iyo shakhsi wax muuqda o horumarka dalkiisa u qabta.

12.     Musharaxa madaxwaynaha la tartamaya ma yahay halyeey qaran isna.

13.     Miyaay jirtaa fadeexado u la kulantay xukuumadu madaxwaynaha talada haysa.

Hadaba akhriste waxa sanadkan 2020 nov tartamay madaxwayne Donald trump iyo madaxwaynaha la doortay ee joe biden haddaba bal qiyaasaha sare aynu soo ururinay bal ki qiyaas inta qodob e trump ku gulaystay iyo inta u ku khasaray taas o galafatay dib u doorashada madaxwaynaha marekanka.

 

Barnaamijyo gaar ah ayaynu ka samaynaynaa doorashada mareekanka.

 

The keys to the white house Allan J. Lichtman

 

 

TWITTER:     HON Mohamed Aden Hassan

            Email:          [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...