Maxaa Ay Saameyn Ku Yeelan Karaan Dagaalka Tigray Iyo Dawlada Ethiopia Gobolka Geeska Africa Iyo Guud Ahaan Qaarada Africa ?
W/Q: Muxamed Dhimbiil
Gobolka Geeska Africa waa mid ay daashadeen colaado iyo dagaalo ilaa
taariikhda inta la garanayoba , dagaaladaasi oo ahaa qaar diimeed , qaar
qoomiyado , qaar dhul iyo waliba qaar nidaamyadii dawladeed ee ka
jiray dalalka gobolka guud ahaan qaarkood lagaga soo horjeeday kuwaasi
oo sababay in uu Geeska Africa noqdo gobol ka dib dhacsan gobolada kale
ee Africa .
Gobolkani waxa uu ka mid yahay gobolada ay dadka ugu badani ka
haajiraan ama ka tahriibaan iyaga oo raadinaya nolol iyo in ay wax u
kordhaan oo ay helaan aqoon , shaqooyin , iyo mustaqbal wanaagsan ,
dalka ugu badan ee dadku haajiraan waa dalka ugu dadka badan ee
Ethiopia.
Haddaba gobolkani maadaama uu yahay gobol ka mid ah gobolada aduunka
ugu khayraadka iyo dhaqaalaha badan hadii tacab la galiyo isla markaana
loo helo dadkiisa aragti ku jiheysa in ay wado cusub helaan oo abuurta
midnimada iyo iskaashiga qoomiyadaha iyo qabiilooyinka kuwada nool
gobolkani, waxa la gaadhi lahaa horumar weyn iyo in guud ahaan gobolkani
noqdo mid ka badqaba cudurada binu adamka u cadowga ah ee saboolnimada ,
dagaalada iyo wax walba oo nolosha binu adamka dib u dhiga.
Hadii ay maanta dagaalo dib uga cusboonaadaan waxa ay noqonaysaa uun
in dib u dhac iyo burbur umadeed laga dhaxlo , siyaasada iyo caqliyada
ah is muquuninta ee marba qoomiyad ama qolo kursi haysataa inta kale ku
taagsato dhaxalkeedu waa dagaalo aan dhamaan oo riiqdoodu dheeraato iyo
kala aargoosasho aan soo kordhinayn wax macno ah.
Waxa taariikh iyo dhaxal umadeed ka tagi kara hogaamiyaha dadkiisa
uga taga nidaam wanaagsan oo ay ku kala badbaadaan isla markaana noqda
mid mustaqbalka dambe dhala horumar iyo jid wanaagsan oo lagu xasuusto.
Waxa aan aaminsanahay in aanu dagaal xal ahayn , sidaasi oo kale aanu
gobolkan wax wanaag ah oo uu soo wadaa jirin , ee loo baahan yahay in
garashada laga shaqeysiiyo oo aanu qarniga 21naad noqon sidii qarniyadii
hore gobolkani ahaa , dagaaladuna waxa ay ka tagaan uun colaado ay ku
beeraan da'yarta iyo jiilasha dambe ee umada .
Ethiopia waa dal fac weyn oo guun ah marka loo eego Africa inteeda
kale , waa dal ay ku nool yihiin qoomiyado kala duwani , dhibta iyo
dagaalada ka dhaca Ethiopia waa qaar sameynaya guud ahaan Gobolka Geeska
Africa una baahan in laga fiirsado .
Dalwalba isaga oo u xor ah gudaha dalkiisa iyo sida uu u arko wanaaga
iyo xasiloonida uu leeyahay in ay ku jirto ayaa hadana waxa jirta
saameyn uu ku yeelanayo guud ahaan mandaqada uu dalkaasi ku yaallo,
taasi oo u baahan in inta aan nabadu faraha ka bixin la raadiyo xal
lagaga gudbi karo caqabadaha jira.
Dhibta Ethiopia ka jirta ama Somalia ka jirta ama dal kale oo Gobolka
Geeska Africa ah ka jirtaa kama maqna dalalka kale ee Gobolka, sababta
oo ah waxa ay noqonaysaa mid si uun u sameysa , waxaana ka mid ah ;
1- In ay nabadgalyo ahaan u saameyso dalalka kale ee Gobolka oo
xaaladaasi oo ay heegan ka galaan dagaalka ku soo kordhay dalka ay
jaarka yihiin.
2- In ay dhaqaale ahaan u saameyso oo uu joogsado dhaq-dhaqaaqii
nololeed , isu socodkii iyo ganacsiyadii ka dhaxayn jiray laba dal ama
sadex dal , dagaalka Tigray iyo Xukuumada Ethiopia ka dhexeeya waxa uu
xidhayaa ama khatar ku yahay dhaq-dhaqaaqii isu socod , ganacsi ee
dalalka Ethiopia iyo Erateria.
3- In uu saameyn ugu yeesho culeysyo qaxooti iyo dad ka soo barakacay
dagaalada oo yimaada dawladaha kale ee Gobolka Geeska Africa si ay
nolol, deganaansho iyo xasilooni usoo bidaan.
Qodobadani iyo qaar badan oo kale ayaa ka Iman kara xaaladaha
dagaalka dawlada Ethiopia iyo Tigray, marwalbana waxa wanaagsanayd in
xal siyaasadeed iyo wadahadal lagu dayo oo aanay colaaduhu sii hurin.
Muxamed Dhimbiil
Mohamed Abdi Jama
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...