Somaliland Sideebaynu Qooqa Inaga Dhex Socda Uga Badbaadinaa Ee Ah Reer Hebelbaa Dalka Leh.
W/Q: Mohamed Bashe
Binu Adamka Allah baa abuuray cid uga aqoon roonina ma jirto wuxuu
Quraan ku sheegay in Ay Binu Aadamku si degdega u qooqaan oo dabadeed ay
hubaal ku dumaan qooqaas. Had iyo jeer SOMALILAND nimada waxaa ka baxa
dadka adduunyo raadiska, dhaqaale boobka ku kaca. Somalidu waxay
tidhaa AWR HEERYADIISA CUNA KUD HA DILEE WAAYAHA DAMBUU KURUSKU HOOLMAA.
SOMALILAND XUKUUMADDAHA HOGAANKA HAYA CAQLIGII BAA ABAARI KAGA DHACDAY
OO FOOSTO GUN LA BAY DHAAMINAYAAN WAAYO SHAKHSIYAADKII SHALAY WAX
BOOBAAYEY MAANTANA WIXII AY BOOBEEN BAY DIB U XARAASHAYAAN SI AY
KURSIGII DIB UGU SOO NOQDAAN, XUKUUMADDA MAANTA JOOGTAA IYADU BOOBKII
IYO AFXUMADII WEYBA SII LABA KACLATSAY OO DABBAALDEGYO MADAXDII
XUKUUMADDU KA DHEX MUUQATO AYAA LEH SOMALILAND REER HEBEL BAA LEH.
TIGRAYGA WAXAA HAYSTAA XUKUNKA ETHIOPIA WAXAY HAYSTEEN 17 SANO
MARKAASAY XOOLIHII GURTEEN, QOOMIYADHII ISKU DIREEN WAA OGAYDEEN INTAY
TUULO AAN WAR IYO WACAAL HAYN HAREERAA ISKA TAAGEEN INAY XASUUQEEN YAR
IYO WEYN WAA JAAMAC DUBBAD TUULADII IYO TUULOOYIN BADAN OO ETHIOPIA AH.
TIGRAYGU XUKUNKA MARKUU HAYSTAY WUU QOOQAY MAANTANA WAXA HAYSTA WAA
ARAGTAAN SOMALILAND HADDAAN QOOQA LA JOOJIN WAXAASOO KALAA SOO SOCDA
HUBAAL.
Fikirka shalay ka soo muuqday baraha bulashada shalay EE dabaaldegga
laga lahaa dalka yaa leh reer hebelbaa leh waa (poison ideology) iyadoo
Tegraygii aynu aragnay WADANKA SOMALILAND waxay DAREEN siinaysaa in cid
WALBA hub urursato, maalgelintu istaagto, ciidamadu kala shakiyaan ,
culimadu caajis ku dhaco. Dadka fikirkan qaba reer hebel baa dalka leh
waxay samaynayaan Madaxweynihii oo awelba wada shaabad lahaa in imikana
todobaadkasta shaabad kale ku dhufataan oo marka dambe meel shaabad
lagaga dhuftaba la waayo oo uu buuxsamo.
Arintuna Madaxweyne Muse Biixi uun maaha e Madaxweyne kasta oo
yimaaadda oo fikirka SOMALIYI KA SIMANTAY XAMBAARSAN OO AH ' ADIGU WAX
ISTAR REERKIINANA WAXTAR TAASOO BILAA XADA WUXUU DUMINAYAA DIINTII,
XADAARADDII ,NIDAAMKII, DAWLADNIMO SAQAAFADDII IYO ILBAXNONADII ' waana
arinka wadankeena dabarka ku ah oo maanta dhinac laga dhaafaa jirin.
Waxaa ina HAYSTA maanta Tijaar jaahiliina, Culimo Caajis ah Madax xoolo urursi ah intuba HOOSTAY ISKAGA XIDHINYIHIIN.
WAXMA GARATADA SHALAY KU HEESAYSAY REER HEBELBAA SOMALILAND LEH WAA
BISADDII SOOFAHA LEEFTAY WADANKANA MUGDI BAY UGU BAAQEEN HADDII
MADAXWEYNUHU KA AAMUSO ARINTAA INAGOO OG INUU MARAR BADAN QOF PUBLIGA
TOOS UGU JAWAABAY WAXAY NOQONAYSAA WUU KULA SOCDAA FIKIRKAA SUNTA KU
SOMALILAND.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...