Taariikh Nololeedka Murashaxa Ku Guuleystay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden

0
Sunday November 08, 2020 - 09:46:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedka Murashaxa Ku Guuleystay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama

Taariikhdu markii ay ahayd 4 july 1776kii ayaa 13 mustacmaradood oo dalka ingiriisku haystay ay ka qaateen xornimadoodii oo ay ku dhawaaqeen in noqonayaan dalka maanta la yidhaahdo gobolada midoobay ee maraykan ( USA ) , xiligaasi laga soo bilaabo marba gobolo ayaa ku soo biirayey ilaa uu soo gaadhay 50 gobol oo ku midaysan hal dal.

 

Dalkaasi waxa uu soo maray taariikh dheer oo kacaa kuf badan dagaalo iyo halgano kala duwan ah waxaana sidii uu u soo socday uu soo gaadhay in uu noqdo dalka loo yaqaan maanta in uu yahay dalka aduunka ugu horumarsan ugu awooda badan uguna aqoonta badan .

 

Hadaba waxa uu dalkaasi dhigtay nidaamka loo yaqaan dimuqaradiyada iyo xisbiyada badan oo uu ku soo hanaqaaday waxaana la dejiyey xiliga uu madaxwayne waliba kursiga haynayo qaabka loo dooranayo iyo sida lagu helayoba , waxaana uu dalka maraykanku noqday aduunka dalka ugu horeeya nidaamka dimuqaradiyada ama ( doorashada iyo ku shaqaynta rabitanka shacabka ).

 

Dalka maraykanka waxa looga dareeray maalintii salaasadii 3 Nov 2020 doorashada madaxweynaha maraykana ee madaxweynaha iyo goleyaasha sare ee dalkaasi waxaana la doortay madaxwaynihii 46 aad ee dalka maraykanku yeesho intii uu soo jiray oo ah 244 sanadood ilaa maalintii la aasaasay dalka maraykanka isaga oo mudo xileedka madaxweynaha iyo goleyaashu yihiin 4 sanadood .

 

 

WAA KUMA JOE BIDEN MADAXWEYNAHA 46AAD EE DALKA MARAYKANKU ?

 

Joseph Robenette Biden Jr  waxa uu dhashay 20 Nov 1942 kii waxa uu ku dhashay oo uu ku barbaaray magaalada buluuga ah ee la yidhaado CRANTON ee dhacda waqooyi bari gobolka Penyslavania , aabihii Joseph Biden Sr waxa uu ka shaqayn jiray nadiifinta foornooyinka iyo iibinta baabuurta hore ama la soo isticmaalay .

 

Waxa uu galay Joe Biden dugsiga hoose ee  St paul ee magaaladaasi ku yaala , sanadkii 1955 markii 13 sanadood jir ahaa ayaa uu aabihii shaqada iibinta baabuurta uu ka helay magaalada la yidhaahdo Mayfield Delaware halkaasi oo ay ku noolaayeen waxaana ay ahaayeen qoyskoodu dadka nolosha dabaqada dhexe ku soo koray.

 

Sanadkii 1961 ayuu Joe Biden ka baxay dugsiga sare ee la yidhaahdo Archmere , ka dibna waxa uu galay jaamacada ku taalla gobolkaasi ee la yidhaahdo Delaware University isaga oo bartay taariikhda iyo cilmiga siyaasada , Joe waxa uu xiisayn jiray oo uu aad jeclaa kubada cagta oo uu ahaa ciyaartoy wanaagsan intaa uu waxbarashada ku jirayba , sidaasi oo kale waxa uu jeclaa siyaasada iyo hogaaminta , waxaana hamiga sii galiyey siyaasadeed xafladii caleemo saarka madaxweynihii maraykanka ee la dilay John F Kenedy 1961, Joe waxa kale oo jeclaa hablaha ama haweenka oo lagu xaman jiray yaraantiisii .

 

Xiligii uu ku jiray jaamacada ayaa uu xagaa tagay jasiiradaha Bahamas halkaasi oo uu kula kulmay gabadh la yidhaahdo Neila Hunter oo uu qacdiiba caashaqay isla markaana ay yeesheen xidhiidh wanaagsan xiligasi oo ay iyadu jamacada syncruse ka ahayd aradayad halkaasi oo uu Joe na rabay in uu ka barto sharciga (law ) .

 

Isla markii uu ka soo qalin jabiyey Delaware 1965 kii ayey sanad ka dib is guursadeen Neila Hunter 1966 kii , sanadku markuu ahaa 1968 kii ayuu ka qalin jabiyey sharciga dabadeed waxa uu u guurey xagaa iyo Welington Delaware si uu u bilaabo mihnadiisa sharci ee uu soo bartay , isla xiligaasi ayuu xubin firfircoon ka noqday xisbiga dimuqaradiga dalka maraykanka.

 

1970 ayaa loo doortay golaha Newcastle County , 1971 kiina waxa uu bilaabay oo uu isaga sii shaqeysanayey xirfadiisii sharci iyo xafiiskii uu furtay ee bixinayey adeegyada sharciga (Law firm ) mudooyinkaasi ayaa waxa u dhashay sadex caruur oo sadex sanadood oo is xiga u kala dhashay 1969 gabadh baa u dhalatay , 1970 wiil baa u dhashay , 1971 Joe Biden iyo Neil Hunter waxa u dhashay wiil kale.

 

1972 kii isaga oo jira 29 sanadood ayuu xisbiga dimuqaradigu ku dhiirigaliyey in uu isku sharaxo xildhibaan aqalka sare ee maraykanka ah (senator ) ee Delaware gobolka uu ku noolaa ee uu ku koray isaga iyo qoyskooguna dhamaantood deganaayeen , waa uu aqbalay qoyskoogiina way ku taageereen waxaana uu galay kaambaynkii doorashada xildhibanka golaha sare ee maraykan.

 

1972 kii maalmaha ay doorashadu dhacday ayaa waxa shil galay xaaskiisii iyo sadexdii caruur ahaa ee uu dhalay halkaasi oo ay ku geeriyootay xaaskiisii iyo inantii uu ku curtay , labadii wiilna ay dhaawacyo soo gaadheen , taasi naxdin iyo amakaag aanu fileyn ku noqotay , waxaana uu ku guulaystay oo loo dhaariyey xildhibaankii aqalka sare isaga oo caruurtiisa dhakhtarka kula jira .

 

Joe Biden waxa uu noqday xildhibaankii shanaad 5naad ee taariikhda dalka maraykanka ugu da’yaraa xiligaasi , waxaa kale oo uu noqday xildhibaankii ugu mudada dheeraa ee gobolkaasi ka soo baxay lix mudo xileed doorasho ( six term ) waxaana uu ahaa xildhibaan aqalka sare ah 1973 ilaa 2009 , isaga oo ah waayo arag qaybaha golahaasi badankooda ka soo shaqeeyey gaar ahaan waxa uu khabiir ku noqday xidhiidhka caalamiga ah isaga oo in badan ku jiray gudiyada arimaha dibada ee golahaasi .

 

1977 ayuu guursaday marlabaad Joe Biden xaaskiisa Jill Biden , waxaana ay hooyo ugu noqotay labadii wiil ee ay hooyadood dhimatay oo ay la korisay , waxaana ay u dhashay gabadh sanadkii 1981 oo ay labadoodu isku leeyihiin.

 

Joe Biden waxa lagu yaqaanay xildhibaan hadal cad oo u dagaalama xuquuqda aadamaha iyo xoriyaadka dadka , waxaana aad loogu xasuustaa doodihii uu ka jeedin jiray golahaasi xiliyadii dalka koonfur Africa ay k jirtay dawlada midab kala soocu oo uu ahaa dadkii aad ugu dhiidhiyey ee golahaasi hor geeyey mooshino iyo doodo arimahaasi wax lagaga qabto.

 

Joe Biden hamiga madaxwaynenimo waxa uu ku jiray mudo badan waxaana uu markii ugu horeysay isku dayey oo galay tartankii xisbiga gudihiisa ee madaxweynenimo sanadkii 1987kii wallow aanu ku soo bixin , xiligaasi waxa ku dhacay madax xanuun badan oo 1988 doorashadaasi iyo kaambaynkeeda in uu kala kulmay loo malaynayo waxaana uu galay qaliin maskaxda ah oo uu ku caafimaaday laguna guulaystay.

 

Haddana xiligaasi labaatan sano ka bacdi ayuu Joe Biden isku soo taagay in uu noqdo murashaxa madaxweynaha ee xisbiga dimuqaradiga sanadku markuu ahaa 2007 , wallow xiligaasi awoodiisii iyo damiciisii ay qarisay Hillary Clinton oo uu tartankaasi ka hadhay , markii dambena waxa isku soo hadhay Hillary Clinton iyo Obama oo faro guudkood kaga baxsaday culayska kaambayn ee xaaskii madaxweynihii hore ee maraykanka Bill Clinton.

 

Baracka Obama ayaa u xushay Joe Biden murashaxiisa madaxwayne ku xigeen doorashadaasi dhacday sanadkii 2008 halkaasi oo ay ku guulaysteen oo uu Obama noqday madaxweynihii 44naad ee maraykanka halka uu Joe Biden ka noqday madaxwayne ku xigeenkii 47naad ee dalka maraykanka.

 

Haddana waxa ay galeen doorashadii dambe 2012 ilaa 2016 oo ay ku guulaysteen teeramkii labaadna sidaasi ayuu Joe Biden iyo Obama uu ugala wareegay Donald Trump iyo Mark Pence oo kala ahaa madaxweynihii 45naad iyo madaxweyne ku xigeenkii 48naad ee maraykanka xili doorashoodkooduna uu noqday 2016 ilaa 2020.

 

 Joe Biden ayaa waxa uu noqday 2020 madaxwaynihii 46naad ee maraykanka halka ay kamal Harrison na noqotay madaxwayne ku xigeenkii 49naad ee taariikhda maraykanka soo mara iyaga oo uu mudo xileedkoodu noqon doona afar sanadood , waxaana ay xilka la wareegi doonaan bisha Jan 2021 .

 Image

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...