Guddiga Doorashooyinka Oo ka Hadlay Qabashadda Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

0
Saturday October 31, 2020 - 18:07:13 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashooyinka Oo ka Hadlay Qabashadda Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

    Golaha Wakiillada Oo Xog-waran La Yeeshay Guddiga Doorashooyinka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wakiillada Oo Xog-waran La Yeeshay Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Hargeisa(HWN):-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa kulan la qaatay Guddi hoosaadka joogtadda ah ee golaha Wakiillada Somaliland, waxaannu kulankaas lagaga arrinsannaayay diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka.



Kulankan ay wada yeesheen Guddiga doorashooyinka qaranka iyo Guddi hoosaadka golaha Wakiillada ayaa qaatay saacaddo badan, inkastoo aannay Warbaahintu goob joog ahayn, haddana Xildhibaannada golaha Wakiillada ayaa Guddiga doorashooyinka waydiiyay su'aallo la xidhiidha qabsoomida iyo habsami u socodka Doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa sheegay in marka ay soo dhammaato Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka go'aan laga gaadhi doono qabsoomidda doorashadda isku sitkan ee Wakiillada iyo Deegaanka, waxaannu sheegay inay jiraan caqabaddo la xidhiidha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay Diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo Shaqaaleysiinta gobollada dalka, ee hawlaha Diiwaangelinta fullinaaya, isla markaana ay meel wanaagsan u marayso hawlaha bilowga Diiwaangelinta codbixiyaayaashu, isagoo tilmaamay inaan la muddeyn wakhtiga kale ee si rasmiya loo bilaabi doono diiwaangelinta codbixiyayaasha ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

"Kulankayagu waxa uu ahaa Xog-waran aannu iska waraysanaynay hawlaha socda ee Komishanka doorashooyinka, markaa si fiican baanu isu waraysanay, waxaannay na waydiiyeen su'aallo ku qotoma danta qaranka, annaguna siddii ay ahayd baannu uga jawaabnay, markaa waannu isku af-garanay wixii ay na waydiiyeen iyo wixii aanu kaga jawaabnay-ba.

Xagga Komishanka doorashooyinka marka la eeggo beryahan ba hawlo qaran baanu ku jirnay oo Diiwaan-gelintii Codbixiyeyaashu ka mid tahay, oo shaqaalihii gobolladu ka mid yihiin oo la shaqaalaysiiyo dadkii hawsha fullin lahaa oo Jaamacaddaha lala xidhiidho, oo tababaro loo qabto, agabkii doorashadda oo la diyaarriyo, markaa imika hawlahaas ayaa socda, markaa wax weliba siddii loogu talo-galay ayay u socdaan." Ayuu yidhi Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranku Cabdirashiid Riyo-raac.

Loading...
Loading...