Maxkamad ku taalla Kenya oo xukuntay raggii ka dambeeyay weerarkii Westgate Mall

0
Saturday October 31, 2020 - 10:37:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad ku taalla Kenya oo xukuntay raggii ka dambeeyay weerarkii Westgate Mall

    "Waxaan wali la ogeyn halka uu ku sugan yahay eedaysane saddexaad"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan wali la ogeyn halka uu ku sugan yahay eedaysane saddexaad"


Maxkamad ku taalla Kenya ayaa Jimcihii laba nin ku kala xukuntay 33 iyo 18 sano oo xarig ah kaalintii ay ku lahaayeen weerarkii sanadkii 2013-kii ee lagu qaaday Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasi oo ay ku dhinteen 67 qof magaalada Nairobi.




Maxamed Axmed Cabdi iyo Xusseen Xassan Mustafa ayaa loo haystaa in ay gacan siinayeen xagjiriinta Al-Shabab, kuwaas oo soo maleegay weerar ay malayshiyaadku suuqan ku yaalla caasimadda ku go’doomiyeen muddo afar cisho ah.


Garsooraha maxkamadda sare Francis Andayi ayaa labadan nin ku xukumay 18 sano oo shirqool maleegid ah iyo 18 sano oo ay ku kuteysteen taageerada ay siiyeen argagixsada.


Maxamed Axmed Cabdi waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi dheeri ah ka dib markii lagu helay dambi ah in uu haystay agab caawiyay argagixisada. Labadan nin oo muddo toddobo sano ah ku qaatay xabsi ayuu Andayi sheegay in sanadahaas laga jari doono xukunnadooda.


Waxaan wali la ogeyn halka uu ku sugan yahay eedaysane saddexaad, Liibaan Cabdullah Cumar, oo horraantii bishan October ay maxkamaddu ku weysay wax dambi ah. Liibaan ayaa waxaa kaxaysatay dabley hubeysan oo aan la aqqoonsan.


Dhammaan saddexda eedeysane ayaa isirkoodu yahay Soomaali, iyadoo laba ka mid ah ay yihiin muwaadiniin Kenyan ah.


Weerarka lagu qaaday suuqa ayaa yimid labo sano ka dib markii Kenya ay talaabo milatari ka qaaday gudaha Soomaaliya si ay uga hortagto afduubyada ka dhaca gudaha Kenya, kuwaas oo waqtigaas aad u kordhayay.


VOA

 

Loading...
Loading...