Faransiiska Oo Heegan Geliyay Ciidamadiisa Dalka Iyo Dibaduba

0
Saturday October 31, 2020 - 09:13:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faransiiska Oo Heegan Geliyay Ciidamadiisa Dalka Iyo Dibaduba

    ... Dilkaas ayaa sare u qaaday xiisadaha ka taagan Faransiiska. ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

... Dilkaas ayaa sare u qaaday xiisadaha ka taagan Faransiiska. ..

Faransiiska ayaa xoojinaya amnigiisa dal iyo dibad-ba kadib markii nin looga shakisan yahay inuu Islaami yahay uu mindi ku dilay seddex qof oo ku sugnaa kaniisad kutaala magaalada Nice ee koonfurta Faransiiska.



Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in khatartu ay meelkasto ka jirto.

Golaha difaaca ee Faransiiska ayaa xoojiyay howlgelinta askarta si ay u ilaaliyaan meelaha caamka ah oo guud ahaan ka kooban kow iyo toban kun. Eedeysanaha kow iyo labaatan jirka ah ee u dhashay Tuniisiya kaasi oo ay booliska toogteen ayaa weli ku jira isbitaalka.


Qoyskiisa ayaa sheegay in wiilkooda uu magaalada Nice yimid maalin un ka hor weerarka, taas oo sare u qaaday tuhunka ah inuu isagu qorsheeyey weerarka iyo in laga yaabo inay dad kale gacan ka geysteen.


Saraakiisha Tunisia ayaa waxay sheegeen in ninkan afar sano ka hor lagu xiray dalkiisa hooyo isagoo loo haystay dambiyo la xiriira dagaal mindi loo adeegsaday.


Mr Macron wuxuu sheegay in tirada askarta loo daad gureynayo inay ilaaliyaan goobaha ay bulshada isugu timaado - sida kaniisadaha iyo iskuulada - inay ka kici doonaan 3,000 ilaa 7,000. Dacwad oogayaasha la dagaalanka argagaxisada ayaa furay baadhitaan, Faransiiska ayaa sare u qaaday heeganka amniga qaranka ilaa iyo heerka ugu sarreeya.


Falkan ayaa ka daba imanaya weerar kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaal waqooyiga-galbeed ee magaalada Paris. Samuel Paty, oo ah macalin, ayaa qoorta laga jaray maalmo ka dib markii uu tusay kartoon sawirka nabi Muxamed NNKH uu ku sheegay qaar ka mid ah ardaydiisa.


Dilkaas ayaa sare u qaaday xiisadaha ka taagan Faransiiska. Difaaca Mr Macron ee xuquuqda daabacaadda kartoonada iyo iskudayada dowladda ee ku aaddan la dagaalanka islaamka xagjirka ah ayaa ka cadheysiiyay Turkiga iyo wadammo kale oo muslimiin u badan.


Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo sida ugu adag uga jawaabay hadalkii madaxweynaha Faransiiska ayaa su'aal galiyay in Mr Macron uu caafimaadkiisa dhinaca maxkaxda wanaagsan yahay.


Wuxuu Erdogan ku baaqay in dhammaan waddamada Muslimiinta ah ay xayiraad kusoo rogaan badeecooyinka Faransiiska.


Carada laga muujinayay hadalladii meel ka dhaca ku ahaa Nabi Muxammad NNKH ee uu jeediyay madaxweynaha Faransiiska ayaa cirka isku shareereysay isbuucan. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Muslimiinta ayaa ka mid ah malaayiinta qof ee ka fal celiyay arrintaas.


Madaxweynaha dalka Masar Cabdi Fataax El-Sisi ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan mowduucaas, isagoo sheegay in hadal lagu weerarayo Nabiga uusan wax qiil ah lahayn.


Xurriyadda hadalka way ka baxeysaa meesha markii markii Nabi Muxammad la caayo", ayuu yidhi madaxweyne El-Sisi.


Madaxda dalalka Islaamka ee sida degdegga ah gaashaanka ugu daruuray hadalkii Mr Macron waxaa ka mid ah Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan.


Qoraallo isdaba joog ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku qeexay sida uu uga soo horjeedo hadallada ka dhanka ah muslimiinta iyo aflagaaddada Nabi Muxammad NNKH.


"Dhiirrigalinta uu Madaxweyne Macron siinayo sawirrada kartoonka ah ee lagu aflagaaddeynayo nabiga NNKH iyo diinta Islaamka isagoo aan waxba ka fahansaneyn arrintaas, wuxuu ku weeraray kuna dhibaateeyay dareenka malaayiin muslimiin ah oo ku nool Yurub iyo caalamka intiisa kale", ayuu soo qoray Ra'iisul Wasaare Khan.


Dhanka kale Madaxweynaha Iiran Xasan Rouhani ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha sida kulul uga jawaabay hadalkii carada abuuray ee kasoo yeeray madaxweyne Macron.

 

BBC

Loading...
Loading...