Saamaynta Dhulgariirkii Xoogganaa Ee Haleelay Turkiga

0
Saturday October 31, 2020 - 09:10:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saamaynta Dhulgariirkii Xoogganaa Ee Haleelay Turkiga

    "Waxay ahayd ruxitaan aad u xoog badan oo ku dhowaad inuu cagahaaga kaa rido"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay ahayd ruxitaan aad u xoog badan oo ku dhowaad inuu cagahaaga kaa rido"

Dhulgariir xoog leh ayaa ku dhuftay xeebta Aegean ee Turkiga iyo waqooyiga jasiiradda Giriigga ee Samos, halkaas oo uu ku burburiyey guryo ayna ku dhinteen ugu yaraan 22 qof.



Dhulgariirka cabirkiisu yahay 7.0 ayaa haleelay gobolka Izmir ee Turkiga, sida ay sheegtay USG.

Turkiga ayaa cabirka ka dhigay mid hoose, oo ah 6.6, iyaga oo sheegay in 20 qof ay dhinteen 786 ay ku dhaawacmeen gobolka Izmir. Halka Samos, laba dhalinyaro ah ay ku dhinteen.


Mas'uuliyiinta Izmir, oo ah xarunta gobolka, ayaa hadda samaynaya aag teendho ah oo ay ku xaraynayaan qiyaastii 2,000 oo qof habeenkii, iyadoo laga cabsi qabo in dhismayaal badan ay dumaan.

Maamulka ayaa sheegay in 70 qof laga soo badbaadiyay burburka hoostiisa.


Samatabbixiyeyaashu waxay sii wadeen inay qodaan godad shub ah, iyagoo rajeynaya inay helaan oo badbaadiyaan dad intaas ka badan.


USGS waxay sheegtay in dhul gariirkan - oo laga dareemay meel fog sida Athens iyo Istanbul - uu ku dhuftay dhul gaadhaya 10km (lix mayl), in kastoo saraakiisha Turkiga ay sheegeen inuu dhulka ka hooseeyo 16km.

Turkiga iyo Giriiga labaduba waxay ku fadhiyaan khadadka cilladaha, dhulgariirku waa wax ka caadi ah.


Magaalada Izmir, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin ku dhowaad saddex milyan, waxaa la arkaayey dad badan oo ku qulqulaya waddooyinka iyagoo argagaxsan iyo cabsi kadib dhulgariirkii dhacay. Ugu yaraan 20 dhisme ayaa dumay.


Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada oo u muuqda mid muujinaya hal dhisme oo dhowr dabaq ah uu hoos isugu dumay, sida ay ku soo warantay weriyaha BBC-da ee Istanbul Orla Guerin. Muuqaalo kale ayaa muujinaya dadka deegaanka oo ka dul daadanaya burburka iyagoo raadinaya dad badbaaday.


Chris Bedford, oo ah macalin Ingiriis ah oo hawlgab ah oo ku nool magaalada Urla, galbeedka Izmir, ayaa u sheegay BBC "Waxay ahayd ruxitaan aad u xoog badan oo ku dhowaad inuu cagahaaga kaa rido. Ka baxsashada guriga aniga iyo caruurtaydu ayaa na badbaadisay" .

 

BBC

Loading...
Loading...