Midawga Yurub oo Kulan la Qaatay Wasiirka Shaqo-gelinta

0
Friday October 30, 2020 - 18:56:09 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Yurub oo Kulan la Qaatay Wasiirka Shaqo-gelinta

    Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo qoyska Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo qoyska Somaliland

Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo qoyska Somaliland Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi iyo masuuliyiin kale oo Wasaaraddaas ka tirsan ayaa Xafiiskeeda ku qaabishay xubno ka socda ururka Midawga Yurub.


Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xaqa ay Haweenka Somaliland u leeyihiin ka qayb qaadashada Doorashooyinka ka dhici doona iyo sidii looga taageeri lahaa dhinaca dhaqaalaha Haweenka leh han siyaasaddeed.


Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta , Arrimaha Bulshadda iyo qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo warbaahinta la hadashay markii kulankaasi soo dhammaaday ayaa ka warbixiyey kulankan iyo waxyaalihii ay waftigaasi ka wada hadleen, waxaanay tilmaantay wasiir Hinda in waftigani ay su’aalo ka weydiiyeen qaabka ay haweenku uga mid noqon karaan Golaha Wakiiladda Somaliland iyo Goleyaasha degaanka.

Wasiir Hinda waxa ay sheegtay inay uga warbixisay dedaalka iyo waqtiga ay galiyeen Xukuumad ahaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen Haweenka reer Somaliland Goleyaasha Qaranka

Sidoo kalena waxay intaas ku dartay Wasiir Hinda in ay waftigan u sheegeen in ay dumarka reer Somaliland ee hanka siyaasadeed lihi ay u baahan yihiin sidii looga taageeri lahaa dhinacyadda dhaqaalaha iyo tababaradda.

Loading...
Loading...