Qiso Dhab Ah, Somaliland Iyo Musuqmaasuqa, Qalinkii Prof, Mohamedahmed Farah Mataan (Jaafaa)

0
Tuesday October 27, 2020 - 18:20:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso Dhab Ah, Somaliland Iyo Musuqmaasuqa, Qalinkii Prof, Mohamedahmed Farah Mataan (Jaafaa)

    Waa iga su`aale akhriste maye Wasaaradihii kale?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa iga su`aale akhriste maye Wasaaradihii kale?.

 

Waxaa shacabkeena Somaliland wareeriyey  Ictiraaf. iyo Xisbiyo, Aqoontu waxay u baahan tahay maskax  qaadi karta hagi karta ee maaha, wax baan Akhrin karaa qori karaa, waan u soo halgamey, masuuliyadaasi waxay u baahan tahay shakhsi leh,  maskax, garsoorid, aragti fog, dejin siyaasadeed, hogaamin aabenimimo leh iyo shuruudihii horumarineed ee himiladooda ah.

 

 

 Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waa hey'ad dowladeed oo qaranka mas'uul looga dhigay arimaha ku saabsan adeega caafimaadka dadweeynaha, miyi iyo magaaloba, barri iyo galbeed ba, Sida korinta caruurta, cuduradda faafa..iwm.. Waxa is weydiin leh ma gudatey waajibkeedii 30 sanno? haddii aysan gudan maxaa dib u dhac ku sameeyay.? maxaase keenay cusbitaalo gaar loo leeyahay oo fara badan.? Maxaa qof walba ilaa madax ilaa shacab cusbitaal loogu tagaa Malaysia iyo Turkiga? Maxaa cusbitaaladeenii ragaadiyey? kkk...Waxa la yidhi (Raq ninkii dabada hayaa hore uma kacdo)...kkk

 

  Somaliland waxaa ragaadiyey 30 sanadood, oo naafeeyey horumarkeeddi bulsho iyo keedi dhaqaalaba, aafada (Musuqmaasuqa) oo xalaal ka dhex noqotay hay’adaha dawladda ee kala duwan, iyadoo musuqmaasuqu noqday wax aan layskula yaabin balse loo tartamo, oo laysku la yaabin. Horseedeyna maamul xumo oo la lumiyey adeegii bulshadda. 

 

Shacabka reer Somaliland yaa wax u qabatey?... Waxa laga yaabaa, tusaale inaan usoo qaatey, Wasaaradda Caafimaadka, laakiin saddex Wasaaradood baa amaan iga mudan, sida Wasaaradda Arimaha Gudaha oo amnigii hoos yimaado, Gaashaandhiga iyo Arrimaha Dibedda, weliba guusha arrimaha dibedda ee TAIWAN xidhiidhka horumarineed ay ka gaadhey.Waa iga su`aale akhriste maye Wasaaradihii kale?. 

 

Maanta adduunkii Covid-19 baa jira wuxuuu ku faafi karaa dhibco yar yar oo illi ma qabatey ah, sida candhuuufada ama hab dhiska neef mareenka, qufaca iyo hindhisada, ka taxadirra inaad qof kale ku dhowaatid, waxa loo baahan yahay taxadir weyn, ilaahay haynaga hayee.

 

PROF, MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)

ANKARA, TURKEY

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...