Arrimaha Caafimaadka: Nabarada Caloosha (Peptic Ulcer Disease)

0
Tuesday October 27, 2020 - 08:39:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arrimaha Caafimaadka: Nabarada Caloosha (Peptic Ulcer Disease)

    Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Waa mar kale iyo taxanaheenii caafimaad oo maanta aynu ku soo qaadanayno maqaal daba socda qormadeenii todobaadkii hore.

 

Nabarada calooshu waa mid ka mid ah xaaladaha caafimaad ee mudooyinkan dambe ku soo badanaya dadkeena.  Xaaladan caafimaad ayaa ah mid ka dhalata kolka uu khalkhal ku yimaado lakabka ugu xiga gudaha caloosheena iyo qaybta sare ee midhicirada.

 

Xanuunkan ayaa ah mid ay keeni karaan asbaabo badan oo kala duwan. Waxa ugu caansan bacteria-da H.Pylori iyo daawooyinka qaarkood.

 

Caabuqa bacteria-da H.pylori ayaa ah mid aad loola xidhiidhiyo nabarada ay bukaanadu ku yeeshaan qaybo ka mid ah dheef-shiidkeena. Dhaawaca ay soo gaadhsiiso ilma aragtaydani caloosha aadamaha ayaa ah mid uu ka dhalan karo cudurkan aynu maanta faaqidayno. Abuurta Ilaah inoo sameeyey ayay ka mid tahay inaynu yeelano dheecaano inaga caabiya aysiidha caloosha si aanay wax yeelo ugu gaysan unugyada dheef shiidkeena.

 

Dawooyinka qaarkood gaar ahaan kuwa xanuun biiyaha ah ayaa iyaguna ah  qaar keeni kara nabaradan. Dawooyinkan ayaa iyagu xaniba dheecaano dahaadha isla markaan ilaaliya nudaha ay leeyihiin qaybo ka mid ah dheef shiidkeenu.

 

Dheeliga ku imanaya dheecaanadii dhibta geysanayay iyo kuwii dhawrayay ayaa ah habka  ugu weyn ee ay ku imanayaan nabaradani.

 

Qodobada kor u qaadi kara halistan inaad u bandhigtanto:-

 

Sigaarka

 

Cabidda balwadaha kale

 

Werwer joogto ah

 

Cuntooyinka basbaaska badan

 

Astaamaha xanuunkan ayaa imanaya kolka uu jidhkeenu xakamayn kari waayo. Waxa ka mid ah :-

 

Calool olol

 

Laab dilaac

 

Dibiro

 

Yalaalugo

 

Cuntada duxda badan oo kor u qaada

 

Matag uu dhiig ku ladhan yahay

 

Saxarada oo madaw noqota sababtuna tahay dhiig ku dhex jira

 

Miisaanka oo luma

 

Xanuunkan ayaa lagu ogaadaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin

 

Dhiiga oo la baadho

 

Saxarada oo la baadho

 

Tuumbada  caloosha lagu dhaadhiciyo ( Endoscopy)

 

CT-Scan

 

Iyo qaar kale

 

Qodobka ugu muhiimsan baadhitaankan ayaa ah in laga soo qaado cad yar oo muunad ah goobta nabarku yahay si loo ogaado xogtiisa oo dhamays tiran.

 

Dawooyinka cudurkan ayaa ah mid lagu saleeyo hadba sababta keentey xaaladan. Tusaale ahaan hadii ay tahay bacteria sababta ka dambaysa cilladan waxa waajib noqonaya in loo bilaabo dawooyinkii lagu cidhib tiri lahaa.waxa Iyana muhiim ah in la siiyo bukaanka dawooyinka yareeyo aysiidha caloosha. Qofka waxa laga ma maarmaan ah in lagula taliyo yaraysiga dawooyinka jabiya xumada ama xanuun biiyaha iyo balwadaha oo idil. Waxa dhacda marar badan xaaladan oo la dhayalsadaa inay kalifto qaliin degdeg ah ka dib marka uu bukaanku galo xaalad degdeg ah oo u baahan badbaado dhakhso ah.

 

Nabaradan ayaa ah qaar intooda badan bogsada waxaa se suurto gal ah inay jiri karaan nabarada qaar ku guul darraysta inay bogsadaan.

 

Nabaradan waxa ay keeni karaan hadaan wax laga qaban xaalado caafimaad oo marar badan qofka halis noloshiisa gelin kara. Waxa ka mid ah :-

 

Dhiig bax keeni karaya dhiig yaraan

 

Gidaarada caloosha oo dalool ku yimaado isla markaana u nuglaada caabuqyo is daba socda

 

In ay xidhanto wadiiqada cuntadu marayso

 

Kansarka caloosha

 

Ma jiro wax rasmi ah oo lagaga hortegi karo cudurkan laakiin waxa aad hoos u dhigi kartaa fursada uu kugu beegsan karo adoo ka taxadaraya bacteria da caloosha iyo inaad u adeegsato dawooyinka sida ugu haboon.

 

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

 

Email:[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...