Loolanka China Iyo Maraykan Ee Africa Waxa Uu Ka Kooban Yahay Dhawr Qaybood Oo Kala Ah

0
Monday October 26, 2020 - 10:05:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loolanka China Iyo Maraykan Ee Africa Waxa Uu Ka Kooban Yahay Dhawr Qaybood Oo Kala Ah

    , Dhaqaale , Siyaasad Iyo Maalgashi , Halkee Uu Gobolka Geeska Africa Kaga Jiraa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

, Dhaqaale , Siyaasad Iyo Maalgashi , Halkee Uu Gobolka Geeska Africa Kaga Jiraa

Image



Loolan adag oo Africa ku dhex maraya dawladaha maraykanka iyo china ayaa waxa uu yahay mid ay ku tartamayaan in ay Africa suuqeeda dhaqaale ee xooga kor ugu soo kacay ay kasbadaan oo uu noqdo macmiil weyn oo dalalkooda ah , iyo in ay maadaama ay yihiin quwado ay aragtidooda siyaasadeed ka iibiyaan Africa oo ah cudud aan laga maarmayn , iyo ta sadexaad oo ah in ay qaarada oo ah mid dihin khayraadkeeda dabiiciga ahi ay maalgashadaan .


Labadan dal waxa ay ku kala duwan yihiin hal qodob oo marka la eego wadamada ay maal galinayaan ama wax ka qabanayaan , maraykanku waxa uu wax ku bixiyaa in uu wadankaasi yeesho maamul wanaag , dimuqaradiyad , isla markaana dhawro xuquuqda aadamaha iyo xoriyaadka aas-aasiga ah , halka aanu china intaasi midna eegin ee uu danihiisa uun eego inta ugu badan.


Gobolka Geeska Afrika waxa uu ku yaalaa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan aduunka , maantana ah halka loogu rabitaanka badan yahay oo Africa ah ayey tahay albaabkii laga galayey , maadaama dabaqada dhexe ee Africa ay kor u soo kacday dhaqaale ahaan oo ay noqotay suuq aduunka oo dhami ku soo xisaabtamayo.


Dhinaca kale waxa ku yaalaa marinada aduunka ugu muhiimsan oo halbowle u ah aduunka guud ahaan kuwaasi oo ah marin biyoodka badacas , iyo marin biyoodka badweynta hindiya oo baahida ugu badan iyo dhaqaalaha ugu badan ee dunidu maro .


Waxa intaasi dheer maadaama gobolkani uu ahaa mid aan deganayn waxa soo buux dhaafiyey badiisa iyo barigiisaba saldhigyo ciidamo oo ilaalinaya badahani waxa maraya iyo la dagaalamaya argagixisada oo iyaduna hoy ka dhigatay gobolkani , taasi oo aan dadka gobolka waxba laga weydiin inta ugu badan maadaama ay qaybsan yihiin ayna burbursan yihiin.


Laba sanadood ka hor waxa ka dhacay dalka china shirkii china iyo Africa oo uu madaxweynaha China Xi Ping waxa uu ku balanqaaday in uu 60 billion dollar ku maalgalinayo Africa oo ah daymo aan dulsaar lahayn iyo daymo mustaqbalka laga dhaafi karo cidii aan bixin karin , taasi waxa uu dhaafsanayey in uu suuqa iyo dadka Africa .


Geeska Africa waxa uu ka mid yahay meelaha ugu waaweyn ee ay ku tartamayaan dawladaha aduunku mana jirto gorgortan dawladaha gobolku la galaan iyo in qorshe ay ka faaiideysanayaan oo dejisani taasi waxa ay keentay in aad dadka gobolkani ku nooli wali aanay dareemin ahmiyada dhulkooga iyo danaynta aduunku uu danaynayo.


Intaasi waxa dheer Geeska Africa waa gobol uu dihin yahay khayraadkiisa dabiiciga ah bad iyo bariba oo leh , macdano , saliido , gaasta dabiiciga ah , bad leh khayraad badan oo kaluun iyo saliido kala duwani ku jiraan iyo dhul u muhiim ah aduunka oo ku wanaagsan in wadan waliba uu ka helo goob uu dego.


Haddaba waxa isweydiin leh gobolku siduu uga faaiideysanayaa tartankaasi loogu soo jiro , ma waxa lakala raaci doonaa labada quwadood oo dawladaha Ethiopia , Djibouti china wax badan ayuu ka qabtay oo horumar ah maraykanka oo ay waxqabadkiisa ku xidhan tahay dimuqaradiyada , xuquuqda adamaha , xoriyatul qawlka iyo maamul wanaagu aad uma jecla meelaha aanay ka jirin intaasi ama aan laga sameyn karayn taasi oo noqotay in uu xooga saaro dib u dhiska Somalia , Somaliland oo uu aad u danaynayo maadaama ay ceelalyadiisii soo gaadhay oo ah Taiwan.


Markaa waxa laga yaaabaa in uu gobolku noqdo dawlado la kala safan china iyo maraykan xiliyada soo socda , hadii la eego bariga Africana waxa soo raacay dawladaha south sudan , sudan , tansania , Kenya iyo Uganda oo uu intaba maraykanku tacab badan galiyo laakiin aanu china na ka maqnayn.


Africa oo marka dhinaca kale laga eego guud ahaan aad moodayso in ay ku baraarugtay in ay dunida kale wax la qabsato marka aad eegto shirarkii Africa iyo China iyo shirarkii Russia iyo Africa oo isku dhawaa oo labadaba lagaga hadlay maalgashiga iyo horumarka qaarada iyo sidii wadamadaasi wax ula qabsan lahaayeen la iskuna kaashan lahaa.

 

Mohamed Abdi Jama

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...