Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Uga Hadlay Imaanshaha Hargaysa Ee Maxamed Cumar Carte
Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Uga Hadlay Imaanshaha Hargaysa Ee Maxamed Cumar Carte
Hargeisa(HWN):-Maalmihii ugu danbeeyay waxa gudaha Caasimadda Hargeisa looga hadal hayay imaanshaha Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ka mid ahaa Mudaneyaasha golaha shacabka Soomaaliya, isla markaanna hore u soo qabtay Xilka raysul-wasaarre ku xigeenka dawladda federraalka Soomaaliya oo hadda ku sugan magaaladda Hargeisa, kadib markii Aabihii uu la soo darsay Xanuun.
Haddaba Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay imaanshaha Hargeisa ee Maxamed Cumar Carte Qaalib, waxaannay sheegeen inay sharci-daro tahay imaanshihiisu.
Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Faarax Cabdi oo ka hadlay dhacdadan ayaa waxa uu yidhi
"Sharciga waxaynu u dhiganay innuu ina kala hago, jirintaanka dalkeennana aan ku ilaalino. Waxa hore u dhacday rag badan oo Somaliland ka soo jeedda oo aaminsan mawqifka uu maanta aaminsan yahay Maxamed Cumar Carte oo Waalidkood ku geeriyoodday gudaha Somaliland, waxaanna ka mida Ila Ismaaciil Samatar oo Hooyaddood ku geeriyootay magaalada Gabiley, loomanna ogollaan inay yimaaddaan Aaskii Hooyaddood Illaahay jano raxmo ha siiyee. Alle ha u naxariistee waxa magaalada Hargeisa ku geeriyooday Cabdillaahi Oomaar, looma ogollaan innuu yimaaddo aaska Aabihii Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo ka mid ahaa siyaasiyiinta aaminsannaa soomaali-weyn, waxaynu aragnaa Inan yar oo maro bulluuga xidhata oo lagu xidhay Hargeisa.
Maxamed Cumar Carte waa muwaadin dalkan u dhashay, balse waxa uu ku iman karraa dhawr shardi haddii uu sameeyo ama la yimaaddo ta ugu horraysaa waxay tahay innuu marka hore iska casilo Xilka Xildhibaanimo ee uu ka hayo Soomaaliya, ta labaadna waxa weeye innuu ka tanaasulo aragtiddii siyaasadeed ee uu qabay ee Soomaaliweyn, mar saddexaadna uu la yimaaddo oo dalkiisa soo waydiisto Cafis, haddii aanu samayn suurtogal maaha innu iska yimaaddo, dalkanna sharcigiisa intay ciddi gacanta ku qaadato cid ay isku reer yihiin ugu fullin mayso." Ayuu yidhi Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi.
Loading...
Loading...