QM iyo EU-da Oo Mashaariicda La Siiyo Soomaalida U Daba Fadhiisan Doona Dawladda Federaalka Ah Iyo Xaalka Somaliland

0
Sunday October 25, 2020 - 12:19:36 in News by
  • Visits: 1850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM iyo EU-da Oo Mashaariicda La Siiyo Soomaalida U Daba Fadhiisan Doona Dawladda Federaalka Ah Iyo Xaalka Somaliland

    QM iyo EU-da Oo Mashaariicda La Siiyo Soomaalida U Daba Fadhiisan Doona Dawladda Federaalka Ah Iyo Xaalka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QM iyo EU-da Oo Mashaariicda La Siiyo Soomaalida U Daba Fadhiisan Doona Dawladda Federaalka Ah Iyo Xaalka Somaliland


Muqisho(HWN):-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambayn doonaysa in ay meel mariso qorshe ay muddoba ku taamaysay oo ah sidii gabi ahaanba deeqaha ka yimaad beesha caalamka iyo maamulka dhaqaale ay iyada u soo maraan dhammaanba wixii la isku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland ku jirto waxaana arrintaasi si weyn ugala shaqaynaya muddona ku hawlanaa Qaramada Midoobay iyo Ururka Midawga Yurub.



Qorshe ay muddo ka soo shaqaynaysay wasaaradda Qorshaynta Qaranka Soomaaliya ayaa toddobaadkan la soo gunaanaday kadib markii daneeyayaasha Arrimaha Soomaaliya iyo dawladaha deeqaha Bixiyaa Soomaaliya la saxeexdeen heshiis qeexaya in dawladda Federaalka ah ee Muqdisho fadhidaa masuul ka tahay dhammaanba deeqaha iyo lacagaha loogu talo galay Soomaalida, taasi oo Somaliland n aka mid tahay.


Iyada oo ka faa’iidaysanaysa Aqoonsiga ay haysato dawladda Soomaaliya waxa ay muddoba ku soo hawanayd sidii ay mar uun u meel marin lahayd qorshe meesha lagaga saarayo hannaankii markii hore beesha caalamku ula tacaamuli jirtay Soomaalida, taasi oo ahayd in mashaariicda deeqaha ah loo qaybin jiray saddex waaxood marka mashruuca guud ahaan lagu soo qaado magaca Soomaaliya. Saddexdaasi waaxood oo kala ahaa Somaliland, Puntland iyo South Center (Koonfurta iyo Badhtamaha), taasi oo maanta baddalkeeda dhammaanba guddoomidda deeqda, mashruuca saxeexdiisa iyo maamulkiisaba farta laga saarayo dawladda Soomaaliya oo ay wakil uga yihiin Wasaaradaha Qorshaynta iyo Maaliyaddu. Mashaariicdana lagu salayn doono maamul Goboleedyada ay dawladdaasi ka kooban tahay, Somaliland loola dhaqmi doono sidii maamul Goboleed oo marka mashruuca lacagtiisa lasoo daayo qaybteeda la siin doono.


Inkasta oo aanu ahayn qorshe imika hir galaya balse ahaa mid muddoba laga soo shaqaynayay waxa xukuumadda Muqdisho ku taageeraya qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub.


Toddobaadkan horraantiisii ayay xukuumadda Madaxweyne biixi arrintan qoraal ka soo saartay iyada oo sheegtay in aanay hawshaasi qayb ka ahayn. Fadhi aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland yeesheen Sabtidii Toddobaadkan waxa uu goluhu dood iyo falan-qayn ka yeeshay heshiis ay wada gaadheen Soomaaliya iyo wakiilka UN-ka James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development cooperation framework UNCF), kaas oo ay xukuumadda Madaxweyne Biixi ku tilmaantay mid meel ka dhac ku yahay qarannimada Somaliland, faro-gelinna ku yahay arrimaha gudaha Somaliland.


Lama oga tallaabada ay xukuumaddu ka qaadan doonto xaaladdan balse waxa biyo kama dhibcaan ah in beesha caalamku aanay wakhtigan diyaar u ahayn in ay Somaliland kala gorgortamaan waxa ay tabayso iyada oo ay muuqato in uu yahay qorshe dalalka deeqaha bixiyaa ku gaadheen sidaasi balse waxaan la ogayn halka ay Somaliland qaddiyaddan ku tiirin doonto.




Loading...
Loading...