"Waxaan Sawiraa Jannada Oo Waxaan U Kala Qaadaa Qaybo" Sheeko Cajiiba
Haweeney ayaa soo martay nin maskaxda ka naafo ah oo ul haysta oo dhulka wax ku sa sawiraya.
Qalbigeedii ayaa u naxariistay ninkii oo waxay weydiisay: maxaad halkan ka qabanaysaa walaal ?
Wuxuu yiri: Waxaan sawiraa Jannada oo waxaan u kala qaadaa qaybo, dedna intay dhoolla caddeysay .Markaasay ku tidhi: Ma qaadan karaa qayb ka mid ah ? Waa imisa?
Intuu eegay ayuu yidhi: Haa,qaybtii waa labaatan dolar
Waxay siisay hawenaydii labaatan dolar iyo xoogaa cunto ah wayna tagtay.
Habeenkii markay sexatay waxay ku aragtay riyo iyada oo jannada ku jirta.!!
Subaxdii, waxay uga sheekaysay riyadedii ninkeeda waxayna uga warantay qisadii dhex martay iyada iyo ninkii naafada ahaa.
Ninkii ayaa kacay oo u tegey ninkii si uu qayb uga soo iibsado janada uu dhulka ku sawirayo
Markaasuu ku yidhi: Waxaan doonayaa inaan iibsado qayb Jannada ka mid ah, waa imisa?
Ninkii wuxuu yidhi: Anigu ma iibinayo jano.
Ninkii wuu yaabay oo wuxuu ku yidhi: Shalay waxaad xaaskeyga ka iibiyay
qayb labaatan dolar
Ninkii naafada ahaa wuxuu yiri: xaaskaagu jannada kuma doonaynin
labaatanr doolar
Laakin waxay dharaysay oo ay ilaali naysay aniga qalbigayga iyadoo iinaxarii sanaysa
Adiguna, waxaad dooneysaa oo keliya Jannada, Jannaduna ma laha qiime go'an
Sababtoo ah soo galitaankeedu waxaa laguhelaa "kabida iyo ilaalinta qalbiyada."
Kaba oo dhara qalbiyada dadka kale qofka
Qalbiyada iyo fikradaha dadka kale kaba ilaaliya ixtiraama ilaahay ayaa wuxuu ku dhex bad baadiyaa khatar kasta oo ku xeeran .
Ninkii isagoo ilmayn gartayna inayna wax siintu ahayn muhum laakin
ixtiramka iyo dhawrista qalbiyada dadku tahay guusha ayuu iska tagay gurigisii.
Shay dhibyar oo aad jana kuheli aan ku shegee waa saliga nabi muxamad scw.
Lawadaag walalaaladaa sher garee fadlan
Nagu soobiir haday qisadanu kuso gadho.
W/Q Abdi Nasir Mohamed Ali
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!