Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Doonyo Laga Leeyahay Mid Kamid Ah Dalalka Carabta

0
Sunday October 25, 2020 - 08:55:29 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Doonyo Laga Leeyahay Mid Kamid Ah Dalalka Carabta

    Ciidanka PSF waxay hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka PSF waxay hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen


Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa gelinkii dambe ee Maanta howlgal qorsheysan oo dhinaca badda ah ka fuliyay xeebaha deegaano ka tirsan Puntland.

 

Ciidanka PSF oo watay doonyo nooca dheereeya ayaa howlgalka badda sigaar ah uga sameeyay xeebaha Ceelaayo, Cadcado iyo degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, kadib markii Ciidanka ay xog ka heleen xeebaha howlgalka laga fuliyay.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ciidanka PSF ayaa waxaa lagu sheegay in Ujeedka howlgalka badda looga sameeyay uu ahaa mid lagu doonayay in looga hortego kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebaha, ayna Ciidanka heleen xog arrintaas ku aadan.

 

"Ciidanka PSF waxay hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen xeebaha Laasqoray,Ceelaayo iyo Cadcado si ay uga hortagaan kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebahaas oo ay ciidankaPSF heleen xogtooda” ayaa lagu yiri Qoraalka Ciidanka PSF”

 

Ugu dameyn Saraakiisha hoggaamiyay howlgalkii Maanta ayaa sheegay in Ciidanka ay qabteen doonyo iyo saxiimado dhowr ah oo laga leeyahay waddanka Yemen, isla markaana haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan.


Loading...
Loading...