Madaxwaynaha Turkiga Oo Weerar Dhanka Afka Ah Ku Qaaday Dhigiisa Faransiiska

0
Sunday October 25, 2020 - 08:54:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Turkiga Oo Weerar Dhanka Afka Ah Ku Qaaday Dhigiisa Faransiiska

    "Macron wuxuu u baahan yahay daaweyn dhanka maskaxda ah."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Macron wuxuu u baahan yahay daaweyn dhanka maskaxda ah."

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta weerar dhanka afka ah ku qaaday dhigiisa faransiiska, Emmanuel Macron, taasi oo ku saabsan siyaasadaha Macron ee ku wajahan Muslimiinta.

Mr Erdogan ayaa sheegay in Mr Macron uu u baahan yahay "baaritaan dhanka Maskaxda ah.



Macron iyo Erdogan ayaa ku muransan xuquuqda biyhaa bariga badda Mediterranean-ka, Liibya, Suuriya iyo murankoodii ugu dambeeyay oo ku saabsan dagaalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyoArmenian.


"Maxaad oran lahayd madaxwayne dal oo malaayiin diin haysata ula dhaqmaya sidan, marka hore baaritaan dhanka maskaxda ah isku soo samee," waxaa sidaasi magaalada Kayseri ka Yiri Mr Erdogan khudbad laga siidaayay telefishinka dalkaasi.


Soo jeedinta Macron ee ahayd in dalkiisa laga difaaco Muslimiinta xagjirka ah ayaa ka careysiisay dowladda Turkiga.


"Maxaa shakhsiga lagu magacaabo Macron daba dhigay Islaamka iyo Muslimiinta?" ayuu is waydiiyay Mr Erdogan.

"Macron wuxuu u baahan yahay daaweyn dhanka maskaxda ah." Ayuu intaa ku daray.


Erdogan ayaa dhanka kale saadaaliyay in Macron uusan wax badan ka keeni doonin doorashada madaxwaynanimada Faransiiska ee lagu wado in ay qabsoonto 2022.


"Doorasho ayaa ka dhici doonta Faransiiska waan arki doonaa waxaad ka soo hoyiso, uma maleynayo in uu horey u sii socon doono sababtoo waxba uma qaban faransiiska."ayuu intaa ku daray.


"Waxaad mar walba farta ku fiiqdaa Erdogan, tani wax faa'ido kuuma keenaysay," ayuu yiri madaxwaynaha Turkiga.


Dalka Turkiga ayaa aqlabiyada dadka ku nool waxay yihiin Musliin, islamarkana Turkiga waxaa uu xubin ka yahay kaashaanbuurta Nato.


Turkiga ayaa dadaal uu u galay in uu ka mid noqdo dalalka Midowga Yurub ku guldareystay.

"Doorasho ayaa ka dhici doonta Faransiiska waan arki doonaa waxaad ak soo hoyiso, uma maleynayo in uu horey u sii socon doono sababtoo waxba uma qaban faransiiska."ayuu intaa ku daray


Hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay khudbadda madaxweynaha Faransiiska uu kaga hadlay arrimaha islaamka , taas oo uu shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeray "Muslimiinta gooni u goosadka ah" si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

 

BBC

 

Loading...
Loading...