Muwaadiniin Is-xilqaamay oo Booyado Biyo ah u Dhaamiyey Bulshada Tuulada Laalayska

0
Saturday October 24, 2020 - 10:08:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniin Is-xilqaamay oo Booyado Biyo ah u Dhaamiyey Bulshada Tuulada Laalayska

    "degaanka Laalaysku waxa uu ka araddan yahay adeegyada bulshada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"degaanka Laalaysku waxa uu ka araddan yahay adeegyada bulshada"

Muwaadiniin si iskood ah isku xil-qaamay ayaa booyado biyo ah u dhaamiyey bulshada ku dhaqan degaanka Laalayska oo ku yaal galbeedka magaalada Abaarso ee Gobolka Maroodijeex, kadib markii ay biyo la'aan xooggan soo food-saartay dadweynaha Tuulada Laalayska.



Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) iyo aqoonyahan Kaysar Mahad Cumar oo ka soo jeeda degaanka Laalayska, ayaa si wada-jir ah uga hawlgalay Jimcihii maanta (23 October 2020) inay biyo-dhaamis ugu gurmadaan bulshada Laalayska, waxaanna biyahaas loogu shubay berked weyn ay dowladda Somaliland ka dhistay degaankaas, taasoo qayb ka ahayd mashaariic dowladda Jarmalku maalgelisay.


Hasayeeshee, biyaha loo dhaamiyey dadweynaha Tuulada Laalaysku maaha wax ku filan ama daboolaya baahiyaha biyo la'aaneed ee halkaas ka taagan, kadib markii aanay roobabkii xiliga Dayrtu aanay halkaas ka di'in, waxayna taasi keentay in biyo la'aantu saamayn xun ku yeelato dadka degaanka, halka sidoo kale ay degaanka ka jirto dhibaatooyin kala duwan oo la xidhiidha dhinaca adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaaluhu, waxaanna dhibaatooyinka biyo la'aanta ah sii xoojiyey, kadib markii ay xumaadeen qaarkoodna aasmeen ilaa 12 berkedood oo isugu jira beraago ay dadka degaanku si iskood ah u samaysteen, berked dadweynuhu wada lahaayeen oo aasantay iyo dhaam biyood dadweyne oo isna aasmay, kadib markii ay dadweynaha degaanku u waayeen awood ay ku dayactiraan, taageero kale oo dowladeedna aanay helin.


Dhinaca kale, degaanka Laalaysku waxa uu ka araddan yahay adeegyada bulshadu ee ay dowladdu masuulka ka tahay, mana jiro masuuliyiin dowladeed ama Hay'adaha dowliga ah oo halkaas tegay si ay wax uga soo ogaadaan baahiyaha haysta bulshada, marka laga reebo Wasiirka Horumarinta Beeraha oo halkaas dhawr jeer safar shaqo ku tegay, isagoo soo kormeeray mashruuca Biji oo ah mashruuc ay dowladda Jarmalku maalgelinayso oo wax lagaga qabanayo dooxyada khatarta ku ah beeraha degaanka.


Tuulada Laalayska waxa ku muransan degmooyinka Arabsiyo iyo Faraweyne oo mid walba cashuur ka qaado, balse aanay halkaas ka fulin wax adeegyo bulsho iyo kaabayaal horumarineed ah, waxayna dadweynaha degaanka Laalaysku u baahan yihiin gurmad dheeraad ah oo wax lagaga qabto dhibaatooyinka kala duwan ee haysta, uguna horayso baahida biyo la'aanta ahi.

 

Suxufi Maxamed Ciro

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...