Ha Ururin Gefafka Dadka!

0
Saturday October 24, 2020 - 09:39:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha Ururin Gefafka Dadka!

    Salgal Cabdiraxmaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salgal Cabdiraxmaan


Faylasufkii Ingiriiska ahaa ee Bertrand Russell ayaa yidhi : " Noloshu way ka gaaban tahay wayna ka qiimo badan tahay inaan ururino gefafka ay dadka kale inaga galaan iyo in dadka la isku diro” .



Mar uu ka hadlayay in dadka khaladaadka ururiyaa ay wakhti qiimo badan iska dayacayaan, halka dadka wax isku diraanna ay yihiin dad qiimihii nolosha gabay.


Cabdimalik Ibnu Marwaan waxa uu yidhi : " Dadka waxaa ugu wanaagsan, qofka aan kibirinmarka uu sarreeyo, wax cafiya marka uu awoodo, cadaaladda sameeya marka uu xukun hayo”.


Jibraan Khaliil Jibraan waxa isaguna yidhi : " Marka aad wax bixinayso waxaad tahay qof naxariis badan, laakiin qofka aad wax siinayso kor ha u eegin si xishoodkiisa aanad u dareemin”. Taasi waa wax bixinta heerka ugu sareeya.


Faylasufkii Plato waxa uu yidhi: ” Dagaalka qofka uu naftiisa la galo ayaa ah guusha ugu weyn ee aadamuhu gaadho”. Naftu waxay kuu diidaysaa wax kasta oo faa’iido kuu leh. " Arrimahabadan ayaa qofka nolosha jecleysiiya, laakiin waxaa ugu muhiimsan yididiilada”.


Salgal Cabdiraxmaan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...