Baaq Ku Socda Madaxweynaha Jsl Oo Ku saabsan Qoondada kuraasida Beelaha Laga Tiro Badan Yahay & Haweenka

0
Friday October 23, 2020 - 11:41:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Ku Socda Madaxweynaha Jsl Oo Ku saabsan Qoondada kuraasida Beelaha Laga Tiro Badan Yahay & Haweenka

    Ee Goolayaasha baarlamaanka Iyo Dawladaha Hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ee Goolayaasha baarlamaanka Iyo Dawladaha Hoose

Uurka Daami Youth Development Organization (DYDO) Oo ah urur samofal wadaniya u dhaqdhaqaaqa xuquuqda beelaha laga tiro badan yahay waxaanu xagan  ku soo gudbineynaa baaq ku socda madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi oo ku saabsan qoondada gaarka ah ee kuraasta goolaha wakiilada ee  beelaha laga tiro badan yahay iyo haweenka looga qoondeeyo goolayaasha baarlamaanka (Goolaha wakiilada) iyo goolayaasha dawladaha hoose ee doorashooyinka wakiilada iyo goolayaasha deeganka ee la filayo iney dalka ka qabsoomaan dabayaaqada sanadkan 2021.



Sida aynu la wada socono beelaha laga tiro badan yahay ee Somaliland wakiilo kuma laha goolayaasha la soo doorto ee wakiilada iyo dawladaha hoose waxaana u sababa iyagoo ku soo bixi waayey doorashooyimka hal qof iyo hal cod dhamaan doorashooyinkii dalka 2002 dawladaha hoose, 2005 Goolaha wakiilada iyo 2012 doorashooyinkii labaad ee goolayaasha dawladaha hoose ee Somaliland taas oo keentay in beelaha laga tiro badan yahay aaney wakiilo ku yeelan dhamaan goolayaasha la soo doorto ee dalka inkastoo ay u tartameen dhamaan sadexda doorasho musharixiin ka soo jeeda beelaha laga tiro badan yahay iyagoo waayey  codkii loo baahna arintaas oo meesha ka saartey iney beelaha laga tiro badan yahay wakiilo ku yeeshaan goolayaasha la soo doorto iyadoo arintaasi keentay in beelahan arimahooda aan lagu soo qaadin goolayaasha deegaanka iyo baarlamaanka iyagoo ku nool xaalad nololeed oo aad u liidata dhanka dhaqaalaha iyo arimaha bulshada dhan kastaba


Iyadoo arintaas laga duulayo ayuu dadaal wetn sameeyay ururka DYDO oo ah uru dhalinyaro oo u ololeeya xuquuqda dadka laga tiro badan yahay ee Somaliland iyagoo kaa shanaya UNSOM ay qabteeb kulamo hawshan ku saabsan iyagoo soo gudbiyey bayaan ku socda madaxweynaha JSL Mudane  Muuse Biixi Cabdi


Mudane madaxweyne adiga iyo xukuumadaadu waxaad soo diyaariseen soo jeedin qoondo kuraas gaara loogu xidho haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay kuraasta goolaha wakiilada  July 2018 fadhigii goolaha wasiirada ee Somaliland, isla markaana waxaad  u gudbisey qabyo qoraal arintan qoondada gaarka goolaha wakiilada si ay wax ka bedel ugu sameeyaan xeerka doorashooyinka goolaha wakiilada isla markaana ay ku daraan  arintaas qoondada gaarka ah ee haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay sida aynu ka war qabno arintan waxaa cod ku laaley labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland wakiilada iyo Guurtida iyagoo ka saarey xeerarka doorashooyinka


Mudane madaxweyne maadaama adiga iyo xukuumadaadu aad diyaariseen soona gudbiseen qoondada gaarka ah ee haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay ee goolaha wakiilada adigoo tixgelin siiyey ka qeybgalka siyaasada ee beelaha laga tiro badan yahay iyo haweenka aeintaas oo ahayd talaabo horumarineysa nidaamka dimuqraadiga iyo doorashooyina Somaliland ka dhigaayey mid loo dhan yahay oo ku dhisan sinaan iyo cadaalad


ururka  DYDO oo ah urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqda beelaha laga tiro badan yahay Somaliland waxaanu kaa codsaneynaa inaad taageerto, difaacdid oo aad hirgelisid  qoondada kuraasta gaarka ah looga qoondeeyo haweenka iyo dadka laga tiro badan yahay ee goolayaasha wakiilada iyo dawladaha hoose maadaama uu  xeerarkii doorashooyinku  Somaliland hada ku jiro gacantaada arintaas oo madaxweyne baahi weyn loo qabo isla markaana ah habka keliya ee lagu heli karo matalaad rasmiya ee beelaha laga tiro badan yahay iyo haweenka ee  goolayaasha wakiilada Iyo goolayaasha deegaanka arintaas oo aad adigu hore u soo gudbisey waxaanu magan kaaga nahay inaad xeerk dib ugu celisid labada aqal ee Baarlamaanka wakiilada iyo Guurtida una soo jeedisid iney ku daraan xeerarka doorashooyinka dalka qoondada kuraasta gaarka ee haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay si ay u helaan matalaad ku dhisan sinaan iyo cadaalad

 Alla mahad le

Ururka                                                 

 Daami Youth Development Organization Somaliland minorities DYDO

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...