Siyaasi ka Tirsanaa Hoggaanka WADDANI oo ka mid Noqday Golaha Wakiillada Somaliland

0
Thursday October 22, 2020 - 19:33:43 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi ka Tirsanaa Hoggaanka WADDANI oo ka mid Noqday Golaha Wakiillada Somaliland

    Siyaasi ka Tirsanaa Hoggaanka WADDANI oo ka mid Noqday Golaha Wakiillada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi ka Tirsanaa Hoggaanka WADDANI oo ka mid Noqday Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare ayay maxkamadda sare ee dastuuriga ahi, u dhaarisay ka mid noqoshada golaha wakiillada ee Somaliland, kadib markii buuxiyay booskii uu ka geeriyooday ALLE haw naxariiste xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ka mid ahaa xubnihii xusbigii UDUB ee gobolka Awdal.



Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare oo warbaahinta la wadaagay dareenkiisa, ka mid noqoshada golaha wakiillada , islamarkaana u mahad celiyay cidkasta oo gacan ka gaysatay hawshaasi dhammeystirkeeda.

"Hawshaasi shalay ayay soo dhammaatay oo Maxkamadda sarre ii dhaarisay Kursigaas uu banneeyay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin, inkastoo ay marar badan dib u dhacday oo hawlo badani iska jireen, haddana Illaahay baa mahad iska leh oo shalay bay hawshaasi dhammaatay. Shirguddoonka Wakiilladana waa loo gudbiyay Qoraalkii Maxkamadda sarre." Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Xuseen Cod-yarre

Waxaannu mahad-naq balaadhan u jeeddiyay cidkasta oo ka qayb-qaadatay hawshaas, isagoo si gaara u xusay Xildhibaanno ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheerre, Guddoomiye ku-xigeenka Wakiillada Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Xildhibaan Cabdillaahi Bakaali iyo guddoomiyaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, kuwaasoo uu sheegay inay kaalin wayn ka qaateen sidii uu u buuxin lahaa Kursigaa uu banneeyay Alle ha naxariistee Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo loo yaqaanay Casoowe.

Loading...
Loading...