Mid Ka Mid Ah Haldoorka Gobolka Togdheer: Gudoomiyaha Guud Ee Ardayda Soomaaliyeed Ee Dalka Suudaan.

0
Thursday October 22, 2020 - 19:18:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Ka Mid Ah Haldoorka Gobolka Togdheer: Gudoomiyaha Guud Ee Ardayda Soomaaliyeed Ee Dalka Suudaan.

    Qore:- Sacad Baqdaadi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Sacad Baqdaadi.

Waxa uu kaga guulaystay laba murashax oo la tartamayay cod ku dhaw laban laab midkiiba,Ka dib asaaskii midawga ardayda soomaalida suudaan sanadii 1976 Waa markii labaad ee uu hogaamiye ka noqdo midawgan ardayda soomaaliyeed mid ka mid ah haldoorka gobolka togdheer,Cabdiraxmaan axmed cali (Tuur) asaasihii midawga ardayda suudaan iyo madaxwaynihii u horeeyay soomaaliland, Khaalid cali suudi waa gudoomiyaha soo labeeya ee ka soo jeeda gobalada waqooyi ee hogaaminaya ardayda soomaalida suudaan.



Khaalid suudi waxa uu ku dhashay degmada harada ee gobolka togdheer hilaadi 1997,waxa uu ku qaatay waxbarashada hoose,dhexe iyo sare dugsi cabadalla nuuri oo ku yaala badhtamaha magaalada Burco, sidoo kale waxa uu hogaan iyo xubnoba ka ahaa madalo iyo ururo ka jiray gobolka togdheer, waxa uu safar wax barasho u tegay dabayaaqadii sanadkii 2016 dalka suudaan gaar ahaan caasimada khartum, waa Engineer barta cilmiga batrolka ee jaamacada caalamiga ah ee AFRICA INTERNATIONAL UNIVERSITY.


waa madaxii hidaha iyo wax barashada ee isku xidhka ardayda soomaalida ee IUA intii u dhaxaysay, 2018--2019 sidoo kale waa gudoomiyihii xisbiga TAYO sandihii 2019--2020.


Waa mid ka mid ah ardayda ugu nashaadka badan soomaalida suudaan intii uu jogay dalka, imika waa gudomiyaha loo doortay hogaamiyaha midawga ardayda shanta soomaaliyeed ee suudaan 10/10/2020.


Alle waxan uga baryaynaa inu xilkaa ku asturo gudoomiye khalid sudi.


Qore:- Sacad Baqdaadi.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...