Xisbiga WADDANI Oo Weerar Adag Ku Qaadday Safarka Muuse Biixi Ku Marraayo Gobollada

0
Thursday October 22, 2020 - 17:32:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo Weerar Adag Ku Qaadday Safarka Muuse Biixi Ku Marraayo Gobollada

    Xisbiga WADDANI Oo Weerar Adag Ku Qaadday Safarka Muuse Biixi Ku Marraayo Gobollada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga WADDANI Oo Weerar Adag Ku Qaadday Safarka Muuse Biixi Ku Marraayo Gobollada

Hargeisa(HWN):-Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Faarax Cabdi oo ku suggan magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxa uu dhaliilay khudbaddihii uu Muuse Biixi ka jeeddiyay magaallooyinka Burco iyo Oodweyne.


Siyaasi Maxamed Faarax Cabdi waxa uu sheegay in khudbaddaha Muuse Biixi ay yihiin kuwo bilaa rajo ah, isla markaanna uu diirrada ku saarro aflagaadada iyo Canaanta bulshadda u garatay innuu kursigii dalka u sarreeyay ku fadhiisto.
Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Somaliland Ku Dhaliilay Joojin La'aanta Baabuurta Qaadka Iyo Duulimaadyada Ethiopia Airline • Oodweynenews.com Oodweyne News | Oodweynenews.com Oodweyne News

"Madaxweynaha waxa laga doonnayaa markuu Ardayda la hadlaayo in khudbaddiisu noqoto mid rajo abuurraysa oo dhiiri-gelinaysa Hanta iyo Himillada Ardayda Qallin-jebinaysa iyo guud ahaan Ardayda Somaliland oo dhan. Waad ogaydeen khudbadii uu ka jeeddiyay jaamacadda Camuud, waxaad arkayseen khudbaddii uu ka jeeddiyay Jaamacadda Burco, khudbaddahaasi may ahayn kuwo rajo gelinnaaya Ardayda, Madaxweynuhu ma yidhaahdo tobankaas Arday baan waxaas u tarayaa ama Shantaas Arday baan amrayaa inay ka mid noqdaan Shaqaalaha Madaxtooyadda, Madaxweynuhu innuu ka dul gabyo ama hadalo bulshadda naxli iyo nacayb gelinnaaya ka sheekeeyo mooyee ma yaqaan sida loo dhiso rajadda Aqoonyahanka qallin-jebinnaaya, waxaannu leenahay dadka khudbaddaha u qora Madaxweynaha haka ha gaajiyaan.

Madaxweynaha waxaan leeyahay dadka markaad la hadlayso karraamee oo karraamaddu waxa weeye inaad si qiimo leh ula hadasho. Madaxweyne waa inaad ka xishootaa shaqaalaha laguu daad-gurreeyo si ay ku soo dhaweeyaan, Madaxweyne shaqaalihii Daadmadheedh ayaa laguu daad gurreeyay, kuwii Hargeisa iyo Berbera ayaa Burco loo daad gurreeyay, Isu-duweyaashii, Maayarradii iyo Badhasaabyaddii ayaa dadkii shaqaalaha ahaa ku qasbaaya soo dhawayntaadda, Boorama la mid bay ahayd, waxaasi wax la qaaddan karro maaha, waxaa loo baahan yahay Madaxweyne inaad dadka kasbato ee dhabar garaac kaagama baahna, qolyaha wasiirrada ahna ee ku daba ordaaya Shaqooyinkii aad u igmatay haku ekaaddaan.

Safarkii uu Madaxweynuhu ku marraayay afarta gobol oo uu maanta gobolkii afraad ee Oodweyne joogo, waxa uu ka bilaabay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaannu is lahayn Qabyaaladdii ayuu ku suullin doonnaa, laakiin waxa muuqata in Xukuumadda oo uu hoggaamiyo Muuse Biixi uu shaadh cusub u soo xidhay Qabyaaladdii, waxaynu ka wada dheregsannahay qaabkii loo abaabullaayay soo dhawayntiisii Boorama, waxaanna qurux badan in dadku rabbitaankoodda ku soo dhaweeyaan Madaxweynaha ee maaha in la yidhaahdo yaa reer hebel ah, taaasi waa fool-xumo wayn oo Xukuumaddeena ku taalla." Ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Faarax Cabdi

Loading...
Loading...