Xirsow Hadalku wuu kaa Qaloocday

0
Thursday October 22, 2020 - 09:28:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xirsow Hadalku wuu kaa Qaloocday

    WQ: Aqoonyahan Sa'da Ali Mohamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ: Aqoonyahan Sa'da Ali Mohamed

Ex-wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo waqtigan ka mid ah hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI hadalkii uu ka jeediyey xaflad Hargeisa ka dhacday maalintii Isniintii ee uu kaga hadlay xaaladaha dalka iyo safarka Madaxweynaha ee bariga, waxa uu ahaa hadal gef ah oo ka qaloocday.



Xirsi waxa uu ka hadlay arinta labada diyaradood ee xaniban, horta waxaan kuu sheegayaa Xirsow in markii diyaarahadani dalka yimaadeen aad adigu ahayd wasiirka Madaxtooyada, Maxamuud Xaashina uu ahaa wasiirka Duulista, waxaad diyaaradaha ruqsadooda ku bixisay heshiis ay la soo galeen soomaliya adigoo masuul qaran ah. Hadalkaaga maanta maaha mid aad umada ku mara habaabin karto adigoo waxaa sameeyey, waxase kaa hadlinayaa waa dano dhaqaale oo aad ku qabtay. Maxaa dambi ka dhigay in la yidhaa diyaaradahan heshiis la gala Somaliland oo ogolaada qaranimadayada.


Waxa xusid mudan in diyaarada Ethiopia Airlines ay ruqsada ka qaadatay soomaliland wakhtigii Madaxweyne cigaal, waxana wasiirka Duulista ahaa Cabdilaahi Maxamad Ducaale, dalkana kuma timaado ruqsad ama heshiis ay dal kale la soo gashay.


Safarka Madaxweyne Muuse Biixi cabdi ee galbeedka iyo bariga ee aad ka dhex raadisay isku dhufashada iyo kala qaybinta shacabka Somaliland, waa ayaan daro in adigoo musal xisbi ah sidaa u hadasho. Madaxweyne Muuse waxa uu Borama ka soo furay biriijka camuud kaas oo bulshada Gobolka Awdal ku bogaadisay xukuumadda mana aha mid indhaha laga qarsan karo.


Arinta aad ku sheegtay in Madaxweyne Muuse Gobolka Togdheer siyaasiyan kaga tagay dad gaara, qaar kalena uu ku bedelayo magaalada Oodweyne uu tagayo darteed, waxan ku shegaynaa Xirsow in adigu aad caan ku ahayd qaybinta iyo naxli la kala dhex dhigo umada soomaliland. Madaxweyne Muuse Biixi cabdi waa u sharaf inuu isku wado dadkii u codeeyay iyo kaan u codayn waxay cadaynaysaa midnimada uu ku hogaaminayo qarankan, goormay dambi noqotay in Madaxweynuhu u hoydo Oodweyne ama meel kaloo wadanka ah, miyaanay umadiisii uu xukumayey ahayn. Laakiin adigu waadigaa adoo cidlo jooga ka shaqaynaya kala qaybinta iyo isku dirka walaalaha wada dhashay ee reer Somaliland ee noo sheegay wixii aad samayn lahayd, taaga sidaasaad xil iyo madaxnimo kaga doonaysaa. Allaa kariim.


Barmaamijka shaqo qaran maaha sidaad adigu fahankaaga gaaban u fahantay, balse waa aqoonyahankii dalka oo ku hubaysan aqoon ayaa waxa loo carbinayaa qarankan waxay u qaban lahayeen.


Xirsiyaw maanta shacabka soomaliland waxay kaa sugayeen goorta aad gubayso bugii ay ku dugnayd taariikhda madaw ee aad ka qortay Madaxweyne silaanyo oo dadka ku baray, lagaama sugayn qaybin iyo qoqobkii aad ku so caana maashay.


Xirsiyaw kolay waa la xisaabtami doonaa ee u diyaar garaw xisaabtan dhaba wixii aad dalkan u gaystay, dibna lagaga dhegaysan maayo waxaad ahayd in aad cid kale ku eedayso.

 

WQ: Aqoonyahan Sa’da Ali Mohamed

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...