Magacyada Duuliyeyaashii Diyaaradihii Duqeeyey Hargaysa 1988
Xigmad
uu reebay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Mandela ayaa ahayd” Forgive, but
never forget their names”, oo nuxur ahaan noqonaysa, in cadowgii dhibta kuu
geystay aad saamixi karto, hasayeeshee aanad magacyadood iloobin. Waxa nasiib
wanaag ah inuu maalimahan Hargaysa uu ku sugan yahay mudane Axmed Maxamed
Maxamuud ‘Axmed dheere’, oo damiirkiisu siin waayey inuu xasuuqo dad maati ah
oo qaxayey ama goobo ay ku qaxeen ku sugnaa. Axmed Dheer wuxuu go’aansaday oo
uu doorbiday inuu la fakado diyaaraddii uu waday oo ahayd Miig 17, uu 13 Juulay
1988 uu si geesinimo leh ugu dejiyo xeebta Jabuuti. Go’aankaa uu qaatay Axmed
dheer wuxuu noqday mid taariikhda shicibka Soomaalilaan baal dahab ah kaga
suntan. Waxaanu adduunka u caddeeyey in xasuuqdii shicibka Hargaysa lagu hayey
uu ka markhaati kacay.
Abaalkaasi
uu shicibka Hargaysa gashaday Axmed Dheere waa kaa sannad kasta oo uu Hargaysa
yimaado casuumado iyo soo dhaweyn aan kala go’ lahayn uu kala kulmo shicibkii
uu ka badbaadiyey gantaalihii ay siday diyaaradii loo dhiibay ee soo laa lagu
yidhi. Madaxdii duuliyeyaasha amraysay ee Hargaysa u soo wareegay waxa ay kala
ahaayeen: Khaliif Ciise Yuusuf (Majeerteen) taliyihii ciidanka cirka
Ballidoogle. Faarax Siciid (Majeerteen) taliyihii ciidanka cirka Hargaysa.
Maxamed Aadan Dirir (Mareexaan) taliyihii ciidankii cirka Berbera.
Magacyada Duuliyeyaashii Hargaysa Duqeeyey
= Yuusuf Maxamuud Maxamed (Majeerteen)……Duuliye Miig 17
= Mursal Xaaji Axmed ‘Muufo’ ( Abgaal)………….Duuliye Miig 19
= Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)……………….Duuliye Miig 19
= Xuseen Aadan Ibraahin (Gadabuursi)…………….Duuliye Miig 19
= Axmed Gurxan Hoore ( Ogaadeen)……………...Duuliye Miig 19
= Maxamed Axmed Xaayow (Abgaal)……………..Duuliye Miig 19
= Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan)………………Duuliye Miig 19
= Axmed Maxamed Maxamuud ( Mareexaan)…….Duuliye CESNA
= Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)……………..Duuliye CESNA
= Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen)…………………..Duuliye CESNA
= Yuusuf Juseeb ( Majeerteen)……………………….Duuliye CESNA
= Xasan Yare (Ogaadeen)…………………………….Duuliye CESNA
= Maxamuud Xaaji Warsame (Dhulbahante)……….Duuliye Hunter
= Maxamed Khaliif Isaaq (Raxamweyn)…………….Duuliye Hunter
Intii ku dhimatay intii ay duqeynta wadeen ee gantaal Eebbe ku dhacay oo cillad farsamo darteed u dhacday waxa ay kala ahaayeen:
= Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)……………….Duuliye Miig 19
= Xuseen Aadan Ibraahin (Gadabuursi)…… ………Duuliye Miig 19
= Axmed Gurxan Hoori (Ogaadeen)…………………Duuliye Miig 19
= Maxamed Axmed Xaayow (Abgaal)……………….Duuliye Miig 19
= Maxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)………………Duuliye Miig 19
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Tixraac: C/qadir Aroma……. Sababihii Burburka Soomaaliya (2005), bogagga 259-261.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!