Siyaasadda Somaliland Waa Harag Sakaaro Iiga Kacmooye Iga Durug Male.

0
Wednesday October 21, 2020 - 09:35:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Siyaasadda Somaliland Waa Harag Sakaaro Iiga Kacmooye Iga Durug Male.

    Waxaynu wada ogsoonahay Todobadii sano EE Xukuumaddii Siilaanyo ka xannuunsaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu wada ogsoonahay Todobadii sano EE Xukuumaddii Siilaanyo ka xannuunsaday

waxaa jiray danguud boob iyo DHAQAALE boob iyo ganacsi boob badan oo xadhkaa goostay oo kootaysan oo wasiiraysan oo shirkadaysan oo dayaaradaysan iyo wixii  la mida. MUSE BIIXI IYO INA KAAHIN IYO XUSBIGA KULMIYE waxay ku xidhnaayeen meel guri-cas ah  oo ay kolba markay arkaan baayac mustari, dayaarado, petrol  iyo macdan baadhis ayaa  Muse Muse BIIXI iyo kudladdiisu soo qammuunyey sannayeen dudada Madaxtooyada dhawr jeerna wax ku soo tuurtuureen.  Wuxuu Muse Biixi iyo ina kaahin oo daba socday liis garaysanayeen wax kastoo la meelaystay oo Dayaaradaha, petrolka Macdanta, Warshadaha, dhismihii Madaarka , lacagtii Xumboweyne lagu riwaayadeeyey iyo wixii la mida. 

 

Ina Kaahin  waxay Muse Biixi kula socday markay XUKUUMADDU timaado inay la soo noqdaan wixii kootooyin ah, wixii baayac mustari ah sida petrol ka iyo dayaaradaha iyo Haamaha waayo SOMALILAND  waa HARAG SAKAARO IIGA KAC MOOYEE IGA DURUG MA LEH. MARKAA MA JIRO WAX KHILAAFA OO DHEX YIMI  MUSE BIIXI IYO WASIIRKIISA GUDAHA EE MOHAMED KAAHIN LAAKIIN  WAXAA LA SOO DIYAARIYEY SHIRKII WASIIRADA EE TODOBAADKAN MASRAXIYAD SIDII TURUBKII SEDDEX CARD EE QUDHA LAGU CIYAARI JIRAY WAA MURAN AAN DHAB AHAYN OO KU SAABSAN DUBAI FLY IYO ALCARABIYA IYO BAAYAC MUSHTARIGA KALE. MURANKII waxaa loo dhigay WASIIRADA iyo shacabka iyo reer Burcaha cadhaysan, Wayne wada aragnaa sidii Sh. MOHAMUUD HAASHI SHEEGAY DHOWAAN WADANKA afar meelood uun bay DHAQAALE ka soo galaa: waa Wixii cashuur ka soo baxa dalka iyo Mucaawimooyin iyo Mashaariicda Caalamku ina siiyo, iyo Xoolaha nool iyo lacagta qurbajoogtu keento. Intaas uun bay Xukuumadd kastaa meesha kusoo weerartaa Xukuumad wax kale meel kasoo kordhisaa maynu arag weli intaasaanay labada kornayl sida shabeelka usoo gaadayeen si qolada haysa ay ugala wareegi lahaayeen waanay kusoo balameen, markaa Baayac mushtarigan wax laga joojiyey iyo kuwa wax lagala wareegayaw MASRAXIYADDA FAHMA INA KAAHIN IYO MUSE AMA BURCO HA U KALA HADHAAN AMA HA ISRAACAAN WEY WADA SOCDAAN WASIIR IYO MADAXWEYNE NA WAY ISU AHAANAYAAN. INA SULUB WAA DAADIHIYAHA MURUNKA QIIQ ISKU QARISKA AH. XOGO KASOO BAXAY WASIIRO AYAA SHEEGAY IN MURANKII INA SULUB IYO INA KAAHIN AHAYN MID (GENUINE) ahaa OO INDHAHOODA WAX AAN DHAB AHAYN BAA KA MUUQDAY OO METELAADA.

 

SIDAAN MUSE KU NAQAANAY HADDAY ISKU DHAC JIRO MUSE SEEFTUU LA DHEXQAADI WASIIRADIISA DHOWAAN OO INA KAAHIN  WUXUU KU BEDELI INA SULUB ' CARKEE' BOOR BOOR BOOR MUUSAW.

 

M BASHE

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...