Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland !

0
Wednesday October 21, 2020 - 09:30:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland !

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum


Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh  ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad Beeralay iyo Xoolo-dhaqato isugu jira waxaa ka mid ah nin aad u Danyar ah oo Deeqsi oo aanay marnaba dhaafin Marti Xaaxi timi ilaa uu sii sooryeeyo, ninkan waxa  magaciisa la yidhaahsaa Iid dheere Cali dheere, waxaana uu maqaaxi yar ku haysta  Xaaxi.



Hadaba 5tii Bishii May ee sanadkii 2018 waxaa Tuulada Xaaxi booqday Wafti Wasiirro ah oo ka koobnaa Lix Wasiir oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed, Wasiirkii hore ee Maaliyada Yuusuf Maxamed iyo Wasiirro kale oo halkaas u tagay Mashruuc la xidhiidhay Beeraha.


Hadaba  Deeqsiga sharafta badan ee Iid dheere Cali dheere waxa uu markiiba ka fekeray sidii uu martidan culus ee Wasiirrada ah uu u sooryayn lahaa,  waxa Iid uu wax Geel ah ka lahaa Hal keliya oo  Saddexdiisa Xaas ee Xaaxi yaalla geelba u ahaa.


Markiiba waxa uu dhuunta ka lisay Hashii keliya ee uu haystay, waxaana saddexdiisii Xaas ay markiiba dabka u saareen hilibkii oo ay Martidii Wasiirrada ahayd ay ku sooryeeyeen, iyaga oo ardaa fiicana u gogolay.


Ii dheere Cali dheere sidaas ayuu Hashii keliya ee uu lahaa ugu gawracay uguna sooryeeyay Weftigaa Xukuumada ka socday isaga oo eegayay Gobobimada iyo Sharafta ay leedahay in la soo dhaweeyo oo la sooro Martida iyo Madaxda Xukuumadaada ee ku soo booqata.


Inkasta oo aanay Wasiirradaasi dhaadin in Sooryada la siiyay ay ahayd Hashii keliya ee uu lahaa ninkaas danyarta ah ee saddex Xaaslaha ahaa, isla markaasna aan garaadkoodu siinin inay ninkaas waxoogay dhaqaale ah ku saacidaan, hadana Iid dheere iyo Qoyskiisuba waxa farxad u ahaa inay Sooryeeyaan oo ay soo dhaweeyaan Madaxdooda.


Waxaan ku rejo-weynahay in Weftiga Madaxweynuhu ay soo maraan Degmada Xaaxi oo ku qabsan una dhow Oodweyne oo la filayo in  Madaxweynuhu booqan doono, soona salaamaan deeqsiga Iid Dheere Cali Dheere si ay dhiirri gelin ugu noqoto.


Ugu danbayn Gobonimada iyo Dhaqanka reer Somaliland ayay ka mid tahay in la sooro oo la soo dhaweeyo martida iyo Madaxdaada ku soo booqata.


Deeqsiga Iid Cali Dheere waxa uu qabaa Saddex Xaas, waxaana uu leeyahay Labaatan Carruur ah, mar kasta oo aad la kulantana waxaa Wajigiisa ka muuqda Farxad iyo Nuur.


Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...