Maxaa Sababay In Wasiir Maxamed Kaahin Ka Hadho Safarka Muuse Biixi Ku Joogo Burco?

0
Tuesday October 20, 2020 - 13:54:36 in News by
  • Visits: 3281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay In Wasiir Maxamed Kaahin Ka Hadho Safarka Muuse Biixi Ku Joogo Burco?

    Maxaa Sababay In Wasiir Maxamed Kaahin Ka Hadho Safarka Muuse Biixi Ku Joogo Burco?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Sababay In Wasiir Maxamed Kaahin Ka Hadho Safarka Muuse Biixi Ku Joogo Burco?



Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin axmed ayaa Ka hadhay waftiga la socda safarka madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ku Tagay Goboladda Saaxil Iyo Togdheer.



Ka hadhista safarka ee Wasiir kaahin ayaa macno badani Ku duuganyiuiin iyadoo loo badinayo inuu jiro Khilaaf baahsan oo Ka dhexeeya Madaxwaynaha Iyo saaxibkii Maxamed Kaahin Khilaafka oo Ka dhashay Shirkii Golaha Wasiiradda ee sabtidii usbuucan ayaa u muuqda inuu meel xasaasi ah marayo islamarkaana muujinaya in Wasiir Kaahin ka biyo diiday qaabka uu Wakhti xaadirkan wax u Waddo Madaxwaynuhu islamarkaana uu saaxadda kaga saarayo beeshiisa.


Shirka Golaha Wasiiradda oo Madaxwaynuhu Wasiir Kaahin u adeegsaday siciid Sulub islamarkaana uu meesha kaga saaray arintii sii daynta diyaradaha oo Wasiir kaahin watay balse Madaxwaynuhu shirka golaha Wasiiradda keenay si uu uga baxsado in lasii daayo islamarkaana ay si adag iskugu khilaafeen madaxwaynaha Iyo Wasiir kaahin iyadoo aakhirkii ay Isku baxsadeen wasiir Kaahin Iyo wasiir Siciid Sulub oo Isku halayn ka haystay Madaxwaynuhu uu siduu doono ula hadlay Wasiir kaahin arintaasoo oo keentay in wasiir Kaahin ku warhelay halka lala Marayo islamarkaana uu gabi ahaanba Joojiyay safarkii uu Ku raaci lahaa madaxwaynaha ee Goboladda barri.


Si kastaba ha ahaatee wasiir maxamed kaahin oo khadka xukuumadda laga saaray beeshiisa ayaa u muuqda inuu faro madhan ka taaganyahay xukuumadda uu ka Tirsanyahay islamarkaana aan meel marin karin arrimaha uu wato lama garanayo halka uu Ku dambayn doono khilaafka madaxwaynaha Iyo wasiirku

Madaxweyne Saaxiibtinimada Wasiir Maxamed Kaahin Yaanay Kaala Waynaan Amaanka Qaranka…..Faallo

Loading...
Loading...