Qaahira……! WQ: Maxmed Heebaan

0
Tuesday October 20, 2020 - 11:15:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaahira……! WQ: Maxmed Heebaan

    W/Q: Maxamed Heebaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Heebaan

Aniga iyo wiil aan saaxiib ahayn oo la odhan jiray Cali Abuukar Sheikh oo ay qaraabo ahaayeen wasiirkii Axmed Xabiib Axmed ayaa kasoo degnay garoonka diyaaradaha ee Qaahira, annnagoo u soconnay deeq waxbarasho oo aan ka helnay wadankaas Masar.  Bishu waxay ahayd Febraayo. Wakhtiguna beri samaadkii, uu wadanku nabadgalyada ahaa. Doolarku suuqa madow wuxuu ka ahaa 10 shilin, bangigana 6 shilin.  Aniga iyo Cali mid kaya walba wuxuu  watay $30 sodon doolar oo laga soo sarrifay bangigii Somaliya.  Sababta ma garanayo, laakiin waxaa nalooga sii digay tagaasida Masaarida, oo aan shaki weyn ka qabnay. Markii aan xafiiskii baasaboorada kasoo gudubany, ayaan airportkii lug kaga soo baxnay, oo aan usoo lugaynay dhinaca magaalada.

 

Tagsiile magaalada usoo socday ayaa gadaal naga soo gaadhay, wuxuuna noo soo bandhigay inuu nasii qaado, hase yeeshee qiimihii ayaan ku heshiin waynay.  Waxaan wadnaba, waxaan tagsiilihii ogalaysiinay inuu magaaalada oo aad uga fog airportka uu nagu geeyo shan gini, oo dhigantay shan doolar ku dhowaad. Tagsiilihiina wuxuu na keenay suuqa lagu magacaabo Cataba oo ku yaalla badhtamaha Qaahira. Aniga iyo Cali oo labadayaduba mar-dhoof ayaan ahayn, waxaan billownay inaan ku orodno qof kasta oo madow oo aan aragno, annagoo u haysanay inuu qofkaasi yahay Soomaali.

 

Hoteel ayaan ku dagnay.  Galabnimadiina magaalada ayaan usoo baxnay.  Annagoo dukaamada daawanayna ayaa waxaa noo yimid nin Masri ah oo nagu yidhi, "Caayiziin Shaqqah?”  oo macnaheedu yahay, Guri aad kiraysataan ma doonaysaan?  Laakiin lah-jadii Masaarida ma aanaan fahmin.  Markaas ayaan ninkii dhinacaas uga boodnay annagoo didsan: waxaan u qaadannay inuu yidhi, "Gabdho aad la tumataan ma rabtaan?!”

 

Aniga iyo Cali  waxaan la xidhiidhnay safaaraddii Somaalida iyo xafiiskii deeqda waxbarashada.  Laakiin dhowr maalmood kadib, waxaa uu xafiiskii deeqda waxbarashadu noo sheegay inaan soo daahnay oo loo baahnaa inaan nimaadno bishii September, haddana sida kaliya ee aan fursad ku heli karnaa ay tahay inaan sugno sanadka dambe, inta ka horraysana ay safaaradayadu nasii dabarto. 

 

Aniga iyo Cali waxaan tagnay safaaraddii, waxaana u sheegnay go’aankii xafiiska deeqda waxbarashada.  Dabadeedna qunsulkii ayaa noo yeedhay labadayadii, mid walbana wuxuu siiyay 10 gini, wuxuuna yidhi, "Tobankaas gini ayaa idiinku horraysa idiinkuna dambaysa lacag ay safaaraddu idin siiso.  Haddii aad u  baahataan in waraaqo laydiin qoro, waan idiin qori, laakiin wax kale yaynaan isugu imanin, ee is dabara!” 

 

Isla maalintaas ayuu Cali safaaradda ka helay wiil uu muddaba raadinayay oo lagu soo ballamiyay inuu Cali gacan qabto marka uu Qaahira yimaado.  Wiilkiina wuxuu Cali u sheegay inuu kaligiis  uun sii qaadi karo oo uusan aniga meel ii haynin.  Cali uu runtii ka xun inuu cidla  igaga tago, laakiin aan garanayn wax kale oo uu sameeyo, ayaa tobankii gini ee safaaradda laga siiyay igusoo wareejiyay wuxuuna ii rajeeyay inuu Ilaahay  I garab qabto.  Aniga iyo magaaladii Qaahira ayaa naloo kala tegay. 

 

Dhowr maalmood gudahood labaatankii  gini way iga dhamaadeen..  Aniga oo aan magaalada cid ka aqoon waxaa iigu isugu darmaday fara madhnaan, dhaxantii qaboobayd ee Qaahira, iyo dhibaatada ugu daran oo ahayd anigoo aan haysanin meel aan seexdo.   Waxaa maskadayda kusoo dhacay halku-dheg aan beri hore maqli jiray oo ahaa, "Nimaan hoy lahayn habeenna u galay, Hargeysa maxay u haysaa!”  Alla Hargeisa ii roonaan lahaydaa, ayaan niyada ka idhi. Marka laga reebo inuu cudur halis ihi kugu dhaco, waxaan u malayn inay yar tahay dhibaato ka adag inaad weydo meel aad seexato.

  

Fikrado badan ayaa maskaxdayda kusoo dhacay, kuwaas oo aan kaga fakarayay sidii aan u heli lahaa meel aan seexdo.  Ugu dambayntiina go’aan baan  gaadhay. Waxaan sheegtay jilib ka mid ah qabiil ka mid ah qabiilooyinka waaweyn ee Somaaliyeed.  Maa daama aan magaalada ku cusbaa oo aan cidi iga aqoonin, fikradaas hirgalinteedu way ila fududaatay, waana ku dhaqaaqay.

 

Maalin dambe ayaa anigoo safaaradda horteeda taagan ayaa waxaa ii yimid wiil, wuxuuna waydiiyay inaan aqaano wiil la yidhaahdo Maxamed, oo Somaliya scholarship looga soo diray?  Intaan  dhoollo cadeeyay ayaan ku idhi, "Ninkaad raadinayso waa aniga!”  Wiilkii ayaa isoo kaxeeyay, wuxuuna I keenay guri ay degan yihiin dhalin yaro reer tolkaygii cusbaa ah, dabadeedna sariir baa lay siiyay waxaana la ii sheegay inaan maanta laga billaabo gurigaas wax ka deganaado.  

 

Inaad qabiil kale sheegato, dhibaatadeeda ayay wadataa. Waayo waxaad dooni inaad yarayso waqtiga aad la joogto tolkan cusub ee aad sheeganayso, si aad uga fogaato fursado lagugu waydiiyo su’aalo aadan ka jawaabi Karin. Fogaanshaha aad fogaanaysana shaki ayuu abuuri, oo waa laba daran mid dooro. Si kastaba ha ahaatee, aroortii ayaan guriga ka bixi jiray, waxaana soo noqon jiray maqribkii. Wiilashii aan la deganaa way iga yaabeen, waxay ii bixiyeen "Rooraaye!”  Waxaan ku andacooday inaan ka daba wareego xafiiskii deeqda waxbarashada. Laba ilaa sedex todobaad kadib, wiilashii shaki ayaa galay, waxayna go’aansadeen inay hubiyaan sheekadayda, waxaana la iigu yeedhay Interview! Nasiib darro, Interview-gii waqti dheer ma qaadanin, oo si xun ayaan ugu dhacay!  Waxaa cadaatay in jilibkii aan sheegtay aana wax sidaasaba ka aqoonin. Dabadeedna gurigii waa la iga caydhiyay.  Ama haddaan si sax ah u dhigo, boorsadaydii ayaan qaatay oo waan iska tagay, illeen Meesha waxba iima yaalee.

 

 

Aniga oo wax lacag ihi aysan jeebkayga ku jirin, ayaan maalin dambe safaaraddii soo aaday, waxaana codsaday inaan la kulmo Qunsulka.  Waxaan sugo oon  sugaba, goor ay ahayd  

3:00 PM, ayaan qunsulkii ugu galay xafiiskiisa, waxaana aniga iyo qunsulkii dhex martay doodan: 

 

ANIGA:  Qunsul, waad la socotaa dhibaatadayda.  Haddana wiilkii aan wada soconayna dad uu la dego ayuu helay.  Marka kaligay ayaa meesha kusoo hadhay ee wax ha la ii qabto. 

 

QUNSUL:  Horay ayaan kuugu sheegay in wax ka badan waraaqo qoris oo aan idiin qaban karo aysan jirin. 

 

ANIGA:  Maxaan sameeyaa, shilin lacag ah ma haysto, safaaraddana meel aan uga   baxo ma garanayee? 

 

QUNSUL:  Wallaahi taasi adigay ku jirtaa. 

 

ANIGA:  Waad ogtahay aniga dowladda ayaa isoo dirtay, duruuftayda oo dhanna waad la socotaa.  Maxaa dhacay, miyaydaan meesha u fadhiyin inaad wax u qabataan dadka Somaliyeed? 

 

QUNSUL:  Intuu jiiday sigaar uu cabahayay, oo uu qiiqii usoo afuufay dhinacaygii, ayuu yidhi, "Waxaad u hadlaysaa sida baay-hoofka!” 

 

ANIGA:  Oo baay-hoof maxaan dhaamaa? 

 

Qunsulkii hadal intaas ka badan ma sugine, intuu kacay ayuu igu yidhi, "Xafiiska waan xidhayaaye kasoo  bax!” 

 

Aniga oo ay talo igu ciirsan tahay, oo safaaraddii oo laga kala tegay meel aan uga baxo garan la’, ayaa waxay  ishaydu ku dhacday gabadh maxajabad ah oo xafiiska sakratariyadda hor taagan.  Mar labaad ayaan gabadhii jalleecay, waxaana u maleeyay inaan gabadhaas meel ku arki jiray, laakiin ma aanan hubin.  Dabadeedna intaan gabadha xageedii usoo dhaqaaqay ayaan salaamay, waxaana waydiiyay inay dhigan jirtay Dugsida Sare ee Faarax Oomaar ee ku yaalla magaalada Hargeisa.  Gabadhiina waxay ku jawaabtay, "Haa waan dhigan jiray.”  Kolkaas ayaan soo xusuustay inay gabadhani ka mid ahayd gabdhihii ka tirsanaa ururkii la odhan jiray Waxdatu-Shabaabul-Islaam oo  xoog ku lahaa dugsiyada sare ee Hargeisa.  Waxaan waydiiyay magaceeda waxayna u sheegtay in la yidhaahdo Saynab.  Muddo yar kolkii aan wada sheekaysanaynay, ayaan gabadhii u sheegay dhibaatadii I haysatay.

 

Saynab oo iyada lafteedu ardayad iska ahayd aad iyo  aad ayay uga xumaatay dhibaatadaydii waxayna iga codsatay inaan wax yar sii sugo.  Saynab waxay ii keentay 10 gini oo ay kasoo amaahatay gabadh ay saaxiib ahaayeen oo safaaradda horteeda ku sugaysay, isla markaana waxay Saynab sheegtay inaan berrito aroortii isugu nimaadno safaaradda horteeda.  Aniga oo ay iga ruqday ayaa halkii ka tegay. Aroortii dambe ayaan safaaradii imid.  Muddo yar kadibna waxaa isa soo taagay Saynab iyo gabadh ay saaxiib ahaayeen oo tagsi  wata, waxayna ii qaadeen gurigoodii halkaas casuumad la iigu sameeyay.  Saynab waxay guri la deganayd laba gabdhood oo iyaguna arday ah.  Anigoo oo muddo dheer dalam-baabi ku jiray naftii ayaa igusoo noqotay oo waan nastay, muddo 15 beri oo isku xigtayna waxay ahayd markii iigu horraysay ee aan qabaysto.  Sababtoo ah haddiiba aan helo meel aan seexdo, meelahaasi waxay ahaayeen meelaha Qaahira ugu raqiisan oo aan xataa biyo kulul lahayn, biyo qabowna warkooda daa qabowga jiray dartiis. (Soomalidu waxay tidhaahdaa Abaal qof gala la arag, qof gudase lama arag.  Intaan qurbaha soo galay Soomali badan ayaa wax ii qabatay.  Gabadhaasi waxay ka mid tahay kuwa aanan illoobi Karin.)

 

Tobankii gini ee gabadhii Saynab I siisay way iga dhamaadeen, dabadeedna talo waxay igula soo noqotay meeshii aan ka billaabay. 

 

Markan waxaan diiradda saaray nimankii safaaradda ka shaqaynayay. Nin la odhan jiray Cabdiqaadir oo ahaa Sekratariga kowaad ee safaaradda il naxariiseed ayuu igu fiirin jiray, laakin awood ma uusan lahayn. Qunsulku il-naxariiseed iguma fiirin jirin, oo faylka waan ka saaraay.  Safiirku wuxuu ahaa nin aamusan oo aan hadlin, marka isagana kuma tashanin. Waxaan ku nasiibsaday ninkii safaaradda u qaabilsanaa arrimaha milatariga oo magaciisa la odhan jiray Baasaale, waxaana u malayn inuu ka yimid magaaalada Beled-weyne.  Baasaale wuxuu lahaa wiil dhalin yaro ah oo da’dayda ah oo markaas billaabayay Jaamicadda Qaahira.  Baasaale waxaan u sheegay sheekadayda oo 100% la xaqiijin karo: in deeq waxbarasho la ii soo diray; laakiin aan soo dib dhacnay; oo la yidhi sanadka dambe suga; Wiilkii ila socday inuu dad helay; in aana magaalada cid ka aqaoonin dhibaatada iigu daranna ay tahay inaana haysan meel aan seexdo.

 

Baasaale wuxuu ahaa nin naxariis badan.  Isla markiiba wuxuu go’aaansaday inuu I caawiyo. Xafiiska milatariga waxaa u kiraysnaa dhowr guri oo loogu tala galay askarta iyo saraakiisha Qaahira u iman jiray ama caafimaad ama taba-bar.  Qol ka mid ah ayuu furihiisii I siiyay, wuxuuna ii sheegay in marka qolkaas loo baahdo aan furaha keeno, isla markiiba. Sidaas ayaan ku heshiinay.  Qolkaas waxaan deganaa hal bil. Kadibna saraakiil ayaa Qaahira yimid, dabadeedna qolkii furihiisii waan celiyay.

 

Meel kale oo aan aado ma garanaynin, sidaas darteed waxaan tegay gurigii

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...