Maxaysatada Siyaasadda Soomaalilaan. Ujeeddo badan.
Bashiir Tarabbi Oogle,
Madaxdii dowladda waxaa isha ku haya dhalinyaro wax basaasa oo u dhigma
xisaabiyaha idman oo aan libiqsanayn, waa sidii xukuumaddii kacaanka,
madaxdu way la sii jeestaan marka ay xanjo afka gelinayaan. Inamadu
waxba ma maqlaan, kursiga kama kacaan iyaga oo wax qooraansanaya mooyee,
waxaa lagu xantaa ' yaryarka dalbaha leh.'
Odaygan magiciisu waa jab Libaax, xisbigii uu ka tirsanaa wuxuu kala
daatay, markii lagaga adkaaday doorashadii ugu dambeysey ee uu xil
qabtay. Meesha wuxuu u joogaa in uu hor fadhiyo xisbiga ay beeshiisa iyo
isaga laftiisu taageero ku filan guusha madaxtooyada u waayeen
doorashadii u dambeysey. Hore wuxuu u lug gooyey xisbigii uu kula
shuraakoobey laandheerenimada iyo danahiisa shakhsi. Inkasta oo ay
jiraan faq iyo balan hoose oo uu naftiisa la galay, hadana Odayga wataa,
weli ma Indho darayn, wuxuuna si foojigan u il baadinayaa
dhaqdhaqaaqiisa iyo dhuumashooyinkiisaba. Is aaminku wuxuu noqday sheeko
iyo beri.
Waxaa jirta warqad cinwaan looga dhigo "Madaxweynaha oo diyaarinaya
isku shaandhayn golaha xukuummadda" waxay soo baxdaa dhowrkii biloodba
mar, waxayna soo toosisaa asxaabta godka ee rajo dhigtay, waxayse ku
dambaysaa in dhowr ma quuste sawirka lagu buuxsado dabadeedna la fasaxo.
Ujeeddada loo kala wado Maxamed iyo Maxamuud, waa sidii loo kala
irdhayn lahaa is ogosha labada bahood ee ay wadajirkooda wax ku noqon
lahaayeen, mid waxaa loo qoondeeyey sidii loo bari lahaa badhaq nugeyl
aan suurto gal ahayn, iyadoo loo soo marayo hogaanka Socdaalka iyo
Sirdoonka qaranka, kan kalena waxay bishu hortiisa iman, marka
hoggaamiyihiisu cid u codaysaba waayo. Dadweynuhu way ka daaleen maamul
aan hal abuur lahayn, oo hoggaan ciidan leh, kolkii horeba waxaa lagu
liqay arrin dhaqan iyo balan la fulinayey. Badheedhaha shacabku wuxuu
soo afjari doonaa, taariikhda Soomaalilaan shantii sanaddood ee abid
Askari xukumo.
Ninkan Inanta dhulka ku haysta, ee marka guddi xaqiiqo raadin ah la
soo diraba, guriga kale ee waddada soo galay tusaya, waa nin Diinta la
isku sawiro iyo khiyaanada ku cirraystay, Shiikh Khaliil baa la dhacay
Muslimnimada ka muuqata, kaaga daranne macangegnimo, shan nin waddada
ugama kaco, waaba kii oo gardarada garab u helay. Waanu iska aamusi
lahayn, haddii uu magaalada noogu samayn lahaa calaamad qudha oo
badhtamaha Burco ama waddada Howdka ishaaraysa ama hadduu tobonaanka
haldoor ee reer Togdheer uu si uun u weyneyn lahaa, inay halkani tahay
magaaladoodii, si ay dhalinyarada hamigooda u koriso. Tolow miyaanay
arkayn hebelada iyaga oo aan filayn, diyaarna ahayn, ka hoydey adduunka,
iyaga oo aan cidina u sii digin. Gafanuhu himiladiisa ma ku gaadhayaa
kala guridda Maxamed iyo Muuse? Ma ku guulaysan karaa isagoo raacaya
qaaciidada macalinkiisu u soo dhiibey? Maya.
Labadii Xisbi mucaarad oo midba kan kale ka xigsanayo xukuumadda, si
murashaxoodu ugu xigo xilka madaxtinimadda ama aan xisbigoodu ugu soo
bixi waayin Ururada haddii la furo. Waxba kama ay korodhsan, kal hore
iyo farsamooyinkii Kulmiyihii hore. Mucaarad kulul ayaa guuleysta, la
isma baryo, axsaanna ma jiro Siyaasadda. Waxaan amaanayaa siyaasiyiinta C
Geeljire, Xirsi Cali iyo C Daamur.
Waddada Oodweyne waxay ka hir geli weydey koox fahmo yar,
munaafaqnimo badan, oo aaminsan, haddii la isku xidho Burco, Oodweyne
iyo Hargeysa, in degmada Shiikh iyo inta sii xigta Berbera ay ka lumayso
fursado dhaqaale, iyaga oo aqoon gaabni garan la', in aan Berbera
marnaba looga baqayn in ay kobocdo oo barwaaqaysato.
Sidee ayay reer Soomaalilaan u aaminayaan wax wada lahaansho? haddii
Muwaadinka ka yimaadda Sool ama Sanaag lagu kadeedo safarrada ay ku
tegayaan Caasimadda dalka, haddii hay'adaha amnigu ay soo jactediyaan,
joogsiga Bari ee magaalada Shiikhna cago jugleyn iyo baadhasho loogu
daro, dad wax wada leh tacadigaasi miyuu qabtaa?
Hadday wada eexo tahay, hadday dabin aasan tahay,
Shil iyo wada eeso tahay, hadday wada aano tahay,
Hadday agaraa dam tahay, addoonsigu diin u yahay,
Hadday orgobbaysan tahay, iimaanku ka qoomanyahay,
Hadday abnawaasad tahay, afduub iyo beeno tahay,
Hadday wada aniga tahay, siyaasadi aabe ma leh.
Waa mar kale, maansadii Awaal tiris iyo filasoof Hadraawi.
.
Bashiir Tarabbi Oogle,
Caynaba, Soomaalilaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...