30 Sano Iyo Baadi Goobkii Aqoonsiga Somaliland. Qaybtii 2aad

0
Monday September 28, 2020 - 09:15:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    30 Sano Iyo Baadi Goobkii Aqoonsiga Somaliland. Qaybtii 2aad

    (Si Fiican U Eeg Inta Hayadood Ee Somaliland U Qaabilsan Aqoonsi Radiinta,Welina Waxba Ma Hayno,Waayo ?)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Si Fiican U Eeg Inta Hayadood Ee Somaliland U Qaabilsan Aqoonsi Radiinta,Welina Waxba Ma Hayno,Waayo ?)

Inta aanan u gelin,macnaha erayga Somaliland,waxaan jecelahay,in aan ka soo hormariyo,amase aan qaybtan ku soo bandhigo tiradooda , Hayadaha u qaabilsan Somaliland aqoosi raadinta, inkastoo tiradoodu badan tahay Hayadhaas balse waxaan isku deyayaa in aan kuu soo bandhigo inta aan aqaano ,si aynu jawaab buuxda ugu helo,horta yaa u qaabilsan Somaliland aqoonsi raadinta?.

 

Hayadaha qaabilsan aqoonsiga Somaliland waxaan u qaybin karnaa saddex qaybood oo kala ah:-  

 

 

 

 

1.Hayado ku magacaaban Degreeto Madaxweyne  

waxaana ka mid ah Hayadahaas kuwan hoos ku qoran:-  

 

  1. Wasaarada arimaha dibadda ee Somaliland.(Madaxdeeda iyo Shaqaalaheeda)  
  2. In ka badan 37 Wakiil iyo Wakiil Sharafeedyo ka howl gala wadamado kala duwan oo ku kala yaala 5 Qaaradood.  
  3. Ergayga aqoonsi raadinta.  
  4. Ergayga wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.  
  5. Ergayga midowga Africa.  
  6. Ergayga Qaramada Midoobay(UN).  
  7. Guddiga citiraaf raadinta Somaliland.  

 

2.  Xafiisyo ka tirsan Hayadaha Sharci dejinta iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira;-  

 

Waxaa ka mid ah Hayadahaas ka tirsan Qolayaasha Sharcideginta kuwan hoos ku qoran:  

 

  1. Guddiga arimaha dibadda ee Golaha wakiilada Somaliland.  
  2. Gudigga arimaha dibadda ee Golaha Guurtida Somaliland.  
  3. . Saddexda Xisbi qaran waxay leeyihiin 3 Xoghaye arimo dibadeed,kuwaas oo shaqadoodu tahay aqoonsi raadinta,iyo dhamaan howlaha  arimaha dibadda ee Xisbiyada.  


     

3. Qurba jooga (Jaaliyadaha reer Somaliland ee dunida dacaladeeda.  

 

 

Qurba jooga amase Jaaliyadaha waxa ay ka mid yihiin  Hayadaha aqoonsi raadinta ee  si fiican oo mug leh uga qayb qaata  aqoonsi raadinta. kuwaas oo aan filayo in ay muujiyeen dadaal aad u badan intii Somaliland jirtay.  

Hadal iyo dhamaan intaas oo Hayadood oo aan kor kugu soo sheegay ,waxay qaabilsan yihiin aqoonsi raadinta Somaliland,weli ma hayno ee maxaa inaga qaldan,wixii talo iyo tusaalle aad hayso iigu soo dir emailka hoose.  

 

 

 

 

ALLAA.              MAHAD.    LEH  

 

ALLAA. M A H A D    L E H  

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)  

 [email protected]  

 fb. Abdi Saleiman.  

Twitter:  @_saleiman.  

Skype: abdisaleiman1  

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...