Xawaaladaha Qaarkood Waa Iska Jiif Oo Jaq Casriyeysan

0
Tuesday September 22, 2020 - 11:14:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xawaaladaha Qaarkood Waa Iska Jiif Oo Jaq Casriyeysan

    Qore: Omer, A. H.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Omer, A. H.



Lagasoo bilaabo Sagaashanaadkii qarnigii inaga tagay waxa aadudhcad ka dilaacay xeebaha Waqooyi Bari ee Geeska Africa Budhcad Badeed khalkahl gaisay dhaqaalihii aduunka oo warbaahinta caalamku qaadaadhigeen. In aad looga waramo oo war kasta xagga hore kaga jirto waxa sobobay iyadoo ay saameyn weyn ku yeelatay isu socodkii iyo isgaadhsiinta maraakiibtu isaga gooshi jireen badaha aduunka.

 

BUDHCAD LACAGEED MISE XAWAALADO?

Budcadnimadaa aduunku ka qaylyeen waxa iyana isu mar la bilaabmay Budhcadnimo kale oo huwan magac yidhaa XAWAALADO. Budhcad Lacageedkanu uma soo shaac bixin sida Budcadbadeedu u can baxday, sobobtuna waxay aheyd intooda badan, dhacoodu wuxu ku koobanyahay Somalida. Hadii Budhcad Badeednimadii la xakameeyey, oo waqtigan xaadirka ah laga takhalusay Budcad Lacageedku wali way socotaa oo maallin walba waxa unkama qaar cusub, qaar kalena khadkay ka baxaan kolkii ay ka calaf qaateen wixii ay dadka ka dhaceen.

Shariikadahaas magaca xawaaladaha sheegtaa waxan qirayaa in wanaag badan ummadda u qabteen qaarkoodna ilaa imika u haaan, Laakiin in badan oo ka mid ahii ummadda waxay u geysteen hagardaamooyin aan lasoo koobi karrin. Waxa caado u ah, oo ay ka simanyihiin kolka ay bilaabayaan, dadka way damac galiyaan oo waxa ay usoo bandhigaan Shares. Lacagtaa ay dadka ka gurtaan ayey markaa ku furtaan shariikadaha. Dadka waxay ku beerlaxawsadaan in ay ku shaqeeyaan nidaam islaamiya oo muraabaxa la yidhaa. Inta badan masuuliyiintoodu Gadhna way la baxaan Saraawiisha/Dishdaashahana way gaabsadaan. Waxay ku andacoodaan in nidaamkaa awgii faa’iidada la heli doonaan tahay xalaal.

 

BURKABA BAHAL KAMA DAYIN

Dadka waxa hoday islaamiga loo sheegtay iyo Gadhka. Ciddina kuma fakirrin kuwanbaa wax dhici doona. Dabadeed indhalaa-dhagali’ ayaa loo aaminaa oo cid walbaa waxay ku boobeen waxay hayeen.La isma waydiyo, oo lama hubsado cida damaanad ka ah lacagtooda, iyo ciddii u raaci lahaayeen amuuruhu u dhici waayaan sidan quruxda badan ee la isku xayeysiinayo.

Waxa aynu la wada soconaa in shariikadahaa qaar badan oo ka mid ahaa ay sheegeen in ay kaceen. Nasiib darro dadkii ay shares ka gurteena intooda badan waxba looma celiyo  oo way dhacanyihiin meel ay xoolahoodii u raacaana ma yaqaanaan. Cidlaa lagaga dhaqaaqay oo cirkaa loo diray.

Shariikadahaa dadka dhacay waxa ugu dambaysay tii la odhan jiray Mustaqbal. Anigu sharikadaa Mustaqbal markhaati noolbaan u ahay oo waxan ogahay dad ay dhaceen oo meel alla & meel ay u raacaan garaneyn.

 

MISKIINBAA MISIGO LA FUULO LEH.

Waliba ku darsoo dadka sida weyn loo dhacay waa kuwii aanay buurneyn shares koodu ee laga baqeyn in ay awoodo kale adeegsadaan. Kuwii tunka weynaa laguma dhiiran oo waa laga baqayaa waxoodiina waayi maayaan.

 

Allaa Mahad Leh

Qore: Omer, A. H.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...