'' La Soco Aduunka , Imaaraadka Oo Ka Dalbaday Maraykan Sal-Dhigyadii Turkigga''.
Sidda uu ku waramayo wabsaydka Midle east monitor , Hogaamiyaha wadanka imaaraadka carabta Sheikh maxamed binu sayid ayaa ka dalbaday maraykanka in saldhigga milateri ee maraykanku ku leeyahay Turkigga ee la yidhaahdo Incirlik Air Base laggu soo wareejiyo imaaraadka carabta , si maraykanku uga soo wareego Turki uguna soo guuro Imaaraadka .
Wararku waxay intaas ku darayaan in imaaraadku isticmaalayo xidhiidhka gaarka ah ee ka dhaxeeya Madaxwayne Trump iyo Maxamed binu Saahid , danaha istaraajiyadeed ee labadda wadan iyo gacan ku haynta koonfurta Yeman ( Cadan) iyo Jasiiradda Suqadara .
Dhinaca kale , Sarkaal u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ee wadanka maaykanka magaciisana la yidhaahdo Thomas compell ayaa sheegay in aanay u qoshaysnayn in ay ka guuraan saldhigga Incirlik Air Base , waxaanu intaas kusii daray in sal-dhigaas dawladda Turkigu ku casuuntay , ujeedada ay joogaana tahay xoojita xidhiidhka labada wadan oo ah saaxiibo ka wada tirsan gaahaan buurta Nato .
Si kastaba ha ahaatee , aduunyadda tartan xoogle baa ka socda , meelaha ugu muhiimsan ee laggu tartamayana waxaa ka midda gacanka Berbera oo ah marin muhiima .
Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!