Muuse Biixi Waa Tiirka Shacabweynaha Somaliland Qore Khadar Ibrahim

0
Tuesday September 22, 2020 - 10:47:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Waa Tiirka Shacabweynaha Somaliland Qore Khadar Ibrahim

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.



Sida laa wada oogyahay in madaxweyne muuse biixi cabdi uu yahay hogaanka kaaliya marka laa eego hoggamiyasha hore ka ugu waxqabadka badan abid soo mara dalkeena, khibrada weyn ku leh xaga siyaasada iyo habkiida, waa siyaasi wax qabadkiisa iyo fikirkiisa ku kasbaday shacabka Somaliland, Waana siyaasi ugu khibrada weyn umuuraha siyaasada Somaliland. qayb weyn kaga qaata hadaladiisu mar walba xaga horumarka iyo daryeelka iyo nabadgaliyada, wanaa siyaasi ku dhaqma dacaadnimada iyo wanaag uu qabo shacabweynaha Somaliland, hadal wacan naa kula imaada bulshadda

 

Markhaati wxa ka ah siyaasiyiinta laa shaqeeye xukuumadihi hore amaan iyo daacadnimo mooyaane wax kale lagu ma tilmaamo, waxanaa bulshadda Somaliland ay u baahanayd ka hor madaxweyne muuse biixi hogaamiye aayahooda fuliya oo horumarka waddanka kor u qaada waanay heshay somaliland markay dooratay 2017 madaxweyne muuse, Waxaynu la wada oogyahay  in xukuumadda madaxweyne biixi maanta oo sii xawli ah uu socota taasna waa taageerada shacabweynaha uu qabaan muuse biixi, wuxuna ku kasbaday sumacada wanaagsan ee leeyihiin siyaasiyiinta xukuumadda u doortay .


madaxweyne muuse biixi waa nin waxqabad badan saamiyey xaga bulshadda iyo horumarintaa shuuruucda dalka ka taagan mudadii oo xilka hayay hadii noqoto xaga caafimaadka ,tacliinta, warbaahinta , amniga, wadooyiinka ,kuna wada siyaasad wanagsan oo diiran.


Bulshada Somalilandna kasbatay xukuumadd ka shaqeya ayaahooda ninkaas oo ah hindisay horumarkan maamuleed waa Md. Muuse biix iyo golahiisa wasiriinta o ay ka mid yihiin wasiir maxamed kaahin iyo koore iyo wasiir boos mire iyo Dr. Sacad cali shire.


Qof ama koox iyaga ay Guusha Xukuumaddu ku tallaabsato uga dhigantahay guuldarro oo wanaagga iyo horumarka ummaddooda u soo kordha aan indhahoodu arkayn isuna arka inay iyagu ka qadayaan mooyaane, horumarka iyo wax qabadka ay xukuumadda M/weyne muuse biixi muddadaa ay xilka haysay ku tallaabsatay ka weyn wax la qariyo oo la iska indho tiro.


Guntii iyo geba gabadi hanashada quluubta iyo maanka dadweynaha waxa kasbaday madaxweyne muuse biixi cabdi iyo xukuumaddiisa oo runti muujisay waxqabad iyo horumar balaadhan, shacabkuna in loo kordhiyo diyaar ayuu u yahay , mustaqbalkana waa KULMIYE oo hogaaminayo madaxweyne Muuse biixi cabdi ..

 

 

Qore khadar ibrahim cabdi matan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...