Madaxweyne Ku Xigeen Saylici Oo Ka Jawaabay Iscasilaad Kulmiyaha Dambe Ka Wariyey

0
Thursday September 17, 2020 - 20:01:10 in News by
  • Visits: 2693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeen Saylici Oo Ka Jawaabay Iscasilaad Kulmiyaha Dambe Ka Wariyey

    Madaxweyne Ku Xigeen Saylici Oo Ka Jawaabay Iscasilaad Kulmiyaha Dambe Ka Wariyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku Xigeen Saylici Oo Ka Jawaabay Iscasilaad Kulmiyaha Dambe Ka Wariyey


Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi ayaa wali hogaaminaya qorshe laysku bahaystay oo ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo la doonayo in laga qaado kursiga gudoomiye ku xigeenka 4aad ee Kulmiye.



Wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo uu dabada ka riixayo Muuse Biixi oo doonaya in loo doorto kursiga gudoomiye ku xigeenka 4aad ee Kulmiye ayaa eedaymo la soo faray kula dul dhacay madaxweyne ku xigeenka, isaga oo sheegay inuu uga tanaasuli waayey kursigaas.


Madaxweyne ku xigeen Saylici oo ka jooga masuuliyiinta uu Muuse Biixi u yaqaano kulmiyihii hore ayaaa wali u adkaysanaya hagardaamada lagu hayo isaga oo ka soo horjeeda qorshe la doonayo in dibada lagaga dhigo hogaanka xisbiga Kulmiye.


Kulmiyaha dambe ee Muuse Biixi iyo rakaabkiisa ayaana ka dib eedaynta uu wasiir Sacad u jeediyey madaxweyne ku xigeen Saylici waxay baraha bulshada ku soo baahiyeen warar sheegaya inuu is casilay madaxweyne ku xigeenkii.


Cabdiraxmaan Saylici, madaxweyne ku xigeenka somaliland ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inaanay jirin is casilaada laga soo wariyey, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan

"Aniga waxaan ka soo fantay siyaasada Golaha Deeganka,waxan ka mid ahay Aasaasayasha KULMIYE, Axmed Siiraanyo qofka labeeya ayaan ahay, tacab badan ayaa igaga jira KULMIYE socod barad ma ahi dabayshu wado.xil aan iska casilayna ma jiro shacabkii i doortay ayaan u shaqaynayaā€¯


Loading...
Loading...