Musuq Maasuqa Xukuumada Muuse Biixi Oo Xadhkaha Goostay Iyo Baadhis Hantidhawruhu Bilaabay

0
Thursday September 17, 2020 - 19:38:36 in News by
  • Visits: 1795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuq Maasuqa Xukuumada Muuse Biixi Oo Xadhkaha Goostay Iyo Baadhis Hantidhawruhu Bilaabay

    Musuq Maasuqa Xukuumada Muuse Biixi Oo Xadhkaha Goostay Iyo Baadhis Hantidhawruhu Bilaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musuq Maasuqa Xukuumada Muuse Biixi Oo Xadhkaha Goostay Iyo Baadhis Hantidhawruhu Bilaabay


Hargeysa(HWN):-Xafiiska Hanti-dhawrka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo bilihii ugu dambeeyey ku guda jiray hawlo baadhitaan oo la xidhiidha xafiisyo uu guluf baadhitaan oo culus ku qaaday oo ay ka mid ahaayeen Dawladaha Hoose ee dalka qaarkood iyo kuwo kale oo dawladda Dhexe ah ayaa laban laabay baadhitaannadii dhinaca Hanti-dhawrka ahaa ee ay ku hawlanaayeen iyaga oo wasaarado hor leh diiradda ku saaray.

Xafiiska Hanti Dhawrka Guud Qaranka Quful Ku Dhuftey Xafiisyadii Dawladda Hoose Hargeisa. | Kaafi Media


Saraakiisha Hanti-dhawrka qaranka ayaa baadhitaan culus maalmihii ugu dambeeyey ku waday qaar ka mid ah xafiisyada wasaaradaha dalka, gaar ahaan waxa ay shalay baadhitaan adag ku sameeyeen oo wali ku guda jiraan laamaha kala duwan ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo u dhowdhow Xafiiska Hanti-dhawrka qaranka ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay in Shalay oo Arbaca ahayd qaar ka mid ah saraakiisha baadhitaannada ee Hanti-dhawrku ku sugnaayeen Wasaaradda Hawlaha Guud, iyada oo xogahaasi noo xaqiijiyeen in Hanti-dhawrku baadhitaankiisan si gaar ah diiradda ugu saarayay Arrimo la xidhiidha dhinaca Dhulka iyada oo la sheegay in ay baadhitaankaasi sii wadi doonaan maalmaha soo socda.

Dhinaca kale, dhawaan ayay ahayd markii Xafiiska Hantidhawrka guud ee qaranku uu baadhibaan xooggan oo muddo socday ku soo gabogabeeyey Dawladda Hoose ee degmada Boorama oo in badan ay ka soo yeedhi jireen cabashooyin la xidhiidha arrimo Musuq taasi oo keentay in Hanti-dhawrku baadhitaan muddo ku waday Xafiisyada Dawladda Hoose ee Degmada Boorama.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola baadhitaannada Hanti-dhawr (Audit) ee ay wadaan Hantidhawrka qaranku ayay wararku sheegayaan in ay masuuliyiin kala duwani wajahayaan baadhitaano wixii ka soo baxa aan la ogayn wakhtiga la shaacin doono iyada oo si gaar ah la hadal hayo masuuliyiin uu ku jiro Maayarka Degmada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xaddi oo baadhitaano gaar ahi ku socdaan.

Sida qaalibka ah tan iyo xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland, inta badan wax sidaa u shilisi kama soo baxaan baadhitaannada Hanti-dhawrka oo umadda lala wadaago inkasta oo xeerka ay hay’addani ku aasaasan tahay dhigayo in shacabka lala wadaago natiijada baadhitaannada uu Hanti-dhawrku sameeyo haddana waxa ay kaliya marar badan saraakiisha sarsare ee Hay’adda Hanti-dahwrku sheegaan in ay warbixinnaha baadhitaannada la wadaagaan Madaxweynaha qaranka. Shacabkuna aanu wali arag Masuuliyiin loo qabqabtay Arrimo musuqmaasuq oo sharciga lala tiigsaday, xaaladduna kaliya waxa ay noqotaa oo ku soo idlaataa xafiis la baadhay oo aan natiijada baadhitaankiisa cidina ogaan.

Loading...
Loading...