Ina Xaashaw Fidhiikh-ddii Iyo Kibirkii Ma Ku Soo Kaday ( Abdi-Shotaly).
"Markay kadan tahay bay Alle taqaan" ilayn waa duni aakhir-sabaan iyo xaal-keede, bal eega "Ina Xaashi oo Quraan iyo Axaadiis ku waashay" Talaw ma ayaamihii ina dhaafay baa loo soo dhigay? IIayn hore uma aynu aqoonine. Allaha-yaw muxuu dhereg nin-kiisii uu kododda dhaafiyey, ka bad-badiyey, wax uunka ka weyna uu is biday, iskuna qaatay in uu weliggii sidaas uu ahaan doono. inta uu isla baxay, isaga oo aan waayo'arganimo u lahayn, is-bed-bedelka waayaha ama wakhtiga, Horaa loo yidhi " Aduun-yadda waaya-heedda ninkii ogi ma adya-doodee, xagee buu ka dhacday " Fidhiikh-ddii iyo Kibirkii" Hawadda ay la ciyaarayeen ragga hadeer ilmadda qubayaa, ee cinwaanka ku qoran iyo qaar kaloo badani, sidda " Qabyo-Tire. Waxa uu ummadda u cadeeyey " Maxauud Beenaale" wixii ay sheega-yeen hor iyo diba shicibka Somaliland, taas oo ahayd In aanay marna doorsho xor iyo xalaal ahi ka dhicin dalka, ee la is kaga shubtay, Waxa calaacal-kiisii ka mid ahaa, is qooma-mayn uu ku sheegaayo Kariimadihii iyo dunuubtii uu isaga laf-tiisu macalinka ka ahaa, ee uu hor kacaayeey, ahaana kii ku taliyey in " Mucaaridka loo adeeg-sado hantidda dawladda, ciidanka iyo awooddii qaranka" Ciil uu hayn kari waayey, baa isaga-ba ka keenay xaqiiq-ddii, isma uuse ogayn, ismana uu lahayn kashif, ee xagga sare baa rabbi ka qarxiyey, Waxa uu si toos ah u cadeeyey in uu tolkii godob ka galay, isaga oo ku baroortay " Tol la'aan dheh maanta-ba ragaan tiirka qabad-siiyey" Waxa is weydiin leh, yey ahaayeen ragga tiirka la qabad-siiyey? Muxuu eesxdda intaa le'eg iyo godobtaa uu galay ku kelifay? Saw imika inta lagu shaqaystay, beerka dhamac looma saarin, burbur-kaaga kama naxo, ee waaban ku farxaya, qosol iyo ran-ran bay ii tahay, in aan kugu wiirsado-na way ii gaadhay.
Waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jiraye, ma ku soo dabray wakhtigu, oo hadeer cabaad ma ka wadhay. Heestii la odhan jirey " Aduun-yooy xaalkaa-be", baa si wacan kuu haysata, taas oo ay ka mid ahaayeen ereya-deedda, oo inoo tilmaayaaya, waxa ku dhaca ruuxa waayo'arag la'aantu hayso, sidda maxamuud xashi beenaale, waana tan hesstii iyadda oo dhamays tiran:-
(1) Mar baa xil iyo maamuus, magac lagugu xiiraa, xariir lagugu daahaa (waa markaad Xaafad-Tooyadda ka diiga ahayde), Mar baa xuubka diin-tiyo, tallo lagaa xayuub-shaa, xormo beel ahaataa xumaataa, xidigaa is doorshoo, ninkii laga xishoon jirey, mar baan cidi-ba xaalayn. Aduun-yooy xaalkaa-be ( waa Sidda aad imika tahaye).
(2) Xiribaha daruur-tiyo, mar baa xaysku hooraa, nimcoy lagu xasuustaa ( waa kolkaad xumbadda ka dhex tuureysay Guriga moorgane), Mar baa xaaluf iyo oon, abaar la isku xiiraa, dadku xagal wareegaa xumaadaa, wakhti-gays xerinayoo, ninkii xoox-dda dhami jirey, mar xaabka qaataa, xistiggii wax moodaa, ee aduun-yooy xaalkaa-be. ( malaha weli wax baad sugaysaa, ee goormaa miyirku kugu soo degayaa?) Mise weli malabkii baa kuu muuqa-naaya aad ku maamtay.
(3) Waxa uu yahay bayjka 3aad ee heestu, oo ka ugu daran ah, qeexaaya sawirka aad leedahay maalmahan " Xoola-haaga oo dihin, mar baad xoor kamaashaa, xaragadu ku lumisaa ( waa mar kaad shiyuukh-dda Imaaraadka iyo Xaafad-Tooyadda aad kala xaday-saye), mar baa Xaaqin iyo guluf, cudur kaa xabaadhaa, caydh lagu xasuus-taad xumaataa, xirsi-gays bedelayoo, ninkii maali jirey xulad, mar buu xayna waayaa, xig-sadaa asaaggii (Iyaba waa nabsiye hadaad kii kaa waraaq-siiyey, aad kolba ergo u diranaysaa).
Waxan ku soo qoofalay" kani ku dhaaf-ye maraqa cab" Weli ma cas-casa, ragaad godobta ka gashay, ee aad weliba ku faanayso " Tiir baan u qabad-siiyey askariga" Xaq-daraddii ma ku legeday" Oo adiga imika kaad waxaas u geleysay " Tiir ma ku qabad-siiyey" Abaalka aad sheegayso iyo cadaalad xumiddii aad madaxa u ahayd, saw kugu-may dambayn, dhabadaad jeexday, baa lagu mariyey ee ku abshir, intaad qaylo dhaanta iska dayso iyo tolay-dda, halkii aad ka waayo'arki lahayd, weli waxa kuu sii hilaacaaya daribtii taalay "Xaafad-Tooyadda" Oo kii aad afka u gelisay kugu hor cunaayo, maxaad ka sii yu'an wiish baa kula kacaye? Waxan ku leeyahay ugu dambayn, seeftu si wacan bay kuugu dhacdee, keen dhako kale oo aad kaga kaciso kursiga, ha ka daba ooyine.
* N.B Kani Ku Dhaaf-ye Maraqa Cab!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!