Faallo:- Sooyaalkii Kulmiye Iyo Qaab Dhaqmeed-kiisa Taariikheed ( Abdi-Shotaly).
Qore:- Abdi-Shotaly.
Dadka malaha qaar baa ka yaaban arimaha ka dhex socdda Xusbiga
kor ku xusan, laakiin-se waa dhaqan u caadi ah oo kun jeer uu hore ugu
soo talaab-saday, Waxa la yidhi " Waxaad ceebta u taqaan, rag bay camal-koodda tahay"
In la isu muquuniyo, oo kolba ka kursiga ku fadhiyaa uu sidda uu doono
ka yeello, waa wax soo jireen u ah ee si kale-ba wax uma kala cunaan.
Haddii sooyaalka taariikheed aad dib u raacdo, ee uu jilibka ku soo
dhuftay intuu jirey-ba, waxa aad si cad u ogaanaysaa waxa uu yahay iyo
qaabka uu u dhaqmaa ama u shaqeeyo, in ay yihiin wax ka fog caqliga
saliimka ah, kaas oo ah keligii talisnimo uu ku talax tegay, isaga oo ay
hal hays u noqotay " Hebel loo joojin maayo iyo aniga baa mididda
daab-keedda haya" Taas oo uu micna-heedu yahay, wax aan xeerinayo iyo
qaanuun aan tix gelinayaa mid-na ma jiro, ee aniga uun ha la ii daba
fadhiisto, kii diidaana wuu iska tegayaa. Dadka khalad-kayga sheega-na
waan eryayaa, midkii aan ku shaqaysan karo-na waan keenayaa, waa
shuqulka uu ku caan baxay " Qudhmiye" ee yaan loo daymo la'aan.
Akhristaw, waxan halkan hoose ku soo tixi doonaa, aniga oo soo
koobi doona, inta jeer ee uu is muquuniyey iyo kuwii la muquuniyey
ciddii ay haayeen, inta ka biyo diiday qaabkan, toosna uga dhaqaaqay, ee
yidhi wixii aan Af-weyne ka diidnay, cidi kale ka yeeli mayno, halkan
hoos ka akhri:-
(1) Shirkii Golaha dhexe ee lagu qabtay Burco, waxa madax-weyne
ku xigeen ahaa Mudane/Mujaahdi Cabdiraxmaan Aw cali markii Burco la isla
tegay, ha-yeeshee inta loo qayilay, baa la waydeeriyey karkaarka, waxan
dhabarka uu taabtay Siilaanyo Mudane Cabdiraxmaan Saylici, halkaasna
waxa ka dareeray, rag badan oo uu ka mid ahaa Mujaahid Dhego-weyne iyo
qaar kaloo aad u qaali ahaa.
(2) Shirkii kaa ka dambeeyey ee uu yeesho kulmiye, isna waxa ka
dhacay ceebtii ugu xumayd ee ina soo marta, oo ay dheer tahay weliba
gacan ka hadal loo geestay Mudane Cabdiraxmaan Cabdilqaadir, oo loo
dal-baday booliis, inta la isugu tegay dhabarka lagaga jebiyey, oo tu
Alle uun ku badbaaday, halkii-siina lagu bedelay "Geenyo Shaaximan".
(3) Madax-weyne Siilaanyo, baa ku soo baxay doorshaddii,
laakiin-se ka dib markuu ka fadhiyi waayey labadan askari iyo xanuun uu
ka shaqayn kari waayey awgeed, buu ka tanaasulay in uu mar dambe isu soo
taago musharaxnimo. Halkaa markii ay maraysay, waxa loolan xoogan oo
rebshedo ku dheehan yihiin iyo shaani qarxin, mudaaharaado ay dad ku naf
waayeen, kala dhex kacay kuwa maanta hor boodaaya "Qudhmiye" ( Waa
labadda askariye). Waxa hirdan adag kursiga musharaxa gudoomiyaha u soo
tafa-xaytay:-
(4) Jano-ka-bood ( Waa Samaale'e), oo ahaan jirey Gudoomiye ku
xigeenkii Golaha Wakiiladda, ka bacdina noqday " Wasiirkii Maaliyadda"
Maxamed Biixi Yoonis iyo Askarigan laf-tiisa meesha baf-baf leh. Hadaba Madax-weyne Axmed Siilaanyo, Markii uu is ogaaday in
aanu sii wadi karin hawshan, wuxu ka xayuubiyey wasiir-nimaddii
"Janao-ka-bood" Isaga oo sameeyey khaladkii abid ugu weynaa, isna waa ka
dhacay foodkii, sidda uu cadeeyey " Maxamuud Xaashi" inta uu si xun
ugu takri falay awoodii dawladnimo.Taas oo noqotay " Caado la gooyaa cadho Allay leedahay".
(5) Hakaas waxa kaga dareeray, dhamaan mudantii qor-weynta ahayd
ee hogaanka " Kulmiye" kolkii uu isu bedelay " Qudhmiye" Markii uu u
gacan galay " Raggii ma adigaa ka hadhay" Waxa Saluug weyn ka muujiyey
oo si cad uga badheedhay ku sii jiritaan-kiisa Mudantii Xusbiga, oo kala
ahaa, Xirsi Xaaji Cali, Abiib Tima-cad. Maxamed Biixi Yoonis, Cali
Cawaale, Jano-ka bood ( Waa Samaale'e), Wasiirki beeraha ee Geedoole,
Xil. Waabeeyo, Xil. Kijandhe, Ismaaciil Yare, Xuseen Caydiid,
Xil.dhibaan NacNac iyo qaar kaloo badan. intaas oo dhami waxay isku
shubeen Waddani ( marka laga reebo Jano-ka-bood iyo Kijandhe) oo dib ugu
noqday askariga iyo Qudhmiye. Intaa kale ka dib markay arkeen in kii
yaqaaneen, ee anshax xumi mooyaane aan faa'iido lahayni in uu shooladda u
galay " Xaafad-Tooyadda" Maxamuud Xaashi Beenaale-na" uu gundhadda u
sii fadhiistay. Meeshii ay noqotay in awoodda qaranka la isu adeeg-sado.
Intaas dhacdaye hadaba maxaa ka dambeeyey? Shirkii Boorame oo
Jaamac Shabeel iyo rag kale iyana debedda loo qubay, soo dhaafoo hadda
Maxaa ka taagan maamulka askarta? Akhrisataw, Horaa loo yidhi " Bahal caydhin ma daayo, nina caadi ma baajo " Wuxu
ku dambeeyey " Kud ka guur oo qanjo u guur Iyo Xasan Jigin Bikh" Waxa
durbaba bilaabmay, dhabar is taabasho, is haraati, feedh la isu duubtay,
oo ku salaysan kaalay wax iga qaad iyo waa inoo tahay, ha-yeeshee la is
muquuni sidda ka muuqata, meel baa la is mariyey. Mana jirto waan-waani
ee waa lagu kala xoog weynaaday, Sidda ay sheegeen kuwa u adeega
askarigu. Si kaste-ba ha ahaatee, shirkan la filaayo in uu dhaco
04/10/2020, Waxa buugga tartanka laga sii saaray Maxamuud Xaashi (
Beenaale), Qabyo-Tire, Ahmed Muumin Seed, Cabdiraxmaan Saylici iyo rag
kale oo loolanka ka qayb geli lahaa, loogu jiro tartanka
gudoomiya-yaasha " Qudhmiye" Xaalku wuxu marayaa hadeer " Allaw ray iyo
Allaw ronaa cid u hadha-ba. Halkaas oo uu ka bilaabmay mid-la-mid ah
burburkii iyo Kala yaaci ku dhacay " Xusbiggii Udub" Mar haddii uu yahay
xaalku kaalay wax iga qaad iyo ma adaa ku dhici kara in aad ka baxdo
heshiikii Burco iyo isku cariigsi ku dhisan baadh canaad, la isku seegan
yahay wixii la kala saxeexday, oo ahaa in Gudoomiya-nimadda lagu
wareejiyo Beesha Burco Bari. Ugu dambayn waxan ku soo xidhay faaladan,
Waa loo fadhiyaa halka ay ka caga taagato, in kaste oo 80% ay ku kala
baxeen taageera-yaashii gaashaan buurta ku ahaa Kulmiye, wakhtiggii uu
gacanta ku hayey Madax-weyne Siilaanyo, balse aan eegno Uuraysa-taye
waxay umuli doonto.
* N.B Bahal Caydhin Ma Daayo, Nina Caadi Ma Baajo!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...