Gorfeynta Buugga Galalaati; Burburkii Jamhuuryaddii Soomaalida(1960-1991).
WQ; Cabdinaasir Axmed Abraham.
Buugga GALALAATI waxa qoray Xasan Cabdi Madar, waxa daabacday shirkadda Sagal-jet, tarmintii koowaad waxa la daabacay 2020, wuxuu ka kooban yahay 400 bog.
Buugga GALALAATI waxa qoray Xasan Cabdi Madar, waxa daabacday shirkadda Sagal-jet, tarmintii koowaad waxa la daabacay 2020, wuxuu ka kooban yahay 400 bog.
"Waxa aan ahay qofka ugu caqliga badan noolaha, sababtuna
waa garashada aan garanayo in aanan wax ba garanayn!" Baluuto.
Hab-xisaabeed haddaan u hadlo qoraha, waxa aan kaga aragti duwanahay 12
qodob, 6 qodob na waan kula socdaa.Walaw aanan bartan ku soo wada
qaadan doonin qodobadaas. Hasayeehee, mar haddaan murtidaas gedaha weyn
ee faylasuufka reer Galbeed laga guntay, ku furtay aan raaciyo erey aan
afeef uga dhiganayo, tabyo-ogaalkayga tiro-beelka ah. Sidaas darteed,
ayaan Rabbina magan uga ahay in uu iimahayga qoraal asturo, idinna
haddaad tihiin akhristeyaashayda, ku taxan faallooyinka falayn-qaynta
iyo gorfeynta iskugu jira ee aan baraha bulshada idin kula wadaago, waxa
aan idiinka marti ahay, in aad u dul-qaadataan surma-seegtooyinkayga
dhigaal ee aad aragtaan.
Runtii haddii la yidhaa buug afar boqol oo bog ka kooban naqdigiisa ha
lagu soo koobo laba waraaqood iyo badh noocoodu yahay "AfarA” way kakan
tahay waana shaqo tacab badan u baahan. Qushiye saacado badan kaddib
Alle waa igu guuleeyay.
Ereyga GALALAATI oo turunturro qumman sharraxiisa ugu dhow ee aan
fahankayga saari lahaa yahay iyo sawirka jaldiga buugga oo ah nin isagu
guri dhisan burburinaya halkaas isa-seeg ayaa iiga muuqda. Haddaan
gudaha buugga sii akhriyayna waxa iiga soo baxday in qoruhu ninka
jaldiga oogadiisa ku sawiran uga gol-lahaa Maxamed Siyaad Barre. Taasi
waa fahankayga.
I. Qoruhu wuxuu rumaysan yahay oo boggaga ugu horreeya ee buugga aad ka
dhadhansan kartaa imaatinkii gumaystaha reer Galbeed dhulka Soomaalida
yimid in aanay jirin ilbaxnimo, aqoon, garasho iyo nolol ugu horreysay
Soomaalida. Taasi oo aan qof ahaan aad uga xumaaday.
Qoruhu wuxuu liidayaa idil ahaan ba wixii aan haysannay ee ka horreeyay
gumaystaha, waxa aanu ku talax-tagayaa buunbuuninta wixii gumaystahu
keenay, waxaas oo dhan ha igu taagnaadeene waxa wax wal oo kale ba igaga
daran in uu qoruhu ku dhiiriday in uu buuggiisa ku xardho ereyo
dulucdoodu tahay in xataa ceel biyoodyada Soomaalida uu gumayste kaalin
weyn ku lahaa. Haddii xataa qof caddaan ahi buuggan qori lahaa ma qabo
in uu ammaanta reer Galbeedka sidaas ugu fogaan lahaa. p. 9-13.
II. Waxa aan aad iyo aad uga soo horjeedaa aragtida qoraha ee ku aaddan
dagaalkii Soomaalida iyo itoobiya ee 1977 kaasi oo kun iyo kaw ilduuf
uu ka samaynayo qoraal ahaan, waxa aanu asaraar gelinayaa kaalintii
shisheeyuhu ku lahaa dagaalkaasi. Hasa yeeshee iyada jawaabteeda isku
luri maayee waxa aan kaga gudbayaa magaca riwaadda la yidhaa; GALBEED
WAA LA XORREEYEE, WAARSAA SE GAAGIXISAY!
III. Dunida qoraalka in aan caddaalad ku helno ayaan jeclaan lahaa, mar
haddii Soomaali dunidii kale oo dhan caddaalad-darro la tiicayso. Sidaa
darteed qoraha buuggan mudane Xasan Cabdi Madar iyo hal-abuur,
aqoon-yahan iyo qalinley door ah oo beelaha Isaaq iyo Majeerteen ka soo
jeeda ba inta badan qalinkoodu wuxuu la taraaraa caaddifad iyo nacayb ay
Maxamed Siyaad Barre u qabaan. Waxa aanan jeclahay in aan taariikhda
Maxamed Siyaad Barre iyo dawladnimo ee Jamhuuriyaddii Soomaalidu iskaga
keen milmin. Qofkii damca in uu taariikhda Maxamed Siyaad Barre wax ka
qoro waxa u bannaan in uu qoro buugga noociisu yahay; taariikh
nololleed” Autobiography”
IV. Qoruhu wuxuu qabaa aragtida ah in Soomaalidu yihiin dad isku af,
isku dhaqan, isku diin iyo isku isir ah. Waa aragti aad luugu kala
tagay, anigu se waxa aan qabaa in ay aragtidani tahay mid Carabtu
maal-gelisay, waxa runta u dhaw aragtiinkayga in Soomaalidu aanay isku
isir ahayn, isku dhaqan ahayn, isku caadooyin ahay, oo xataa aanay isku
af ahayne ee uu jiro af la dulmo oo la yidhaa; May. Weli ismaynu
weydiin maxaa wanaag ku jira in Soomaalidu isku isir ahaato? Anigu waxa
aan u haystaa in quruxdu ku jirto innaga oo kala isir iyo af ba duwan in
aan dawladnimo iyo nidaam inna kulmiya oo caddaaladdi sees u tahay
samaysanno. Wanaag iyo qurux taas ka sarreeyaana ma jirto.
V. Isir-qalaanqal” Identity Crises”
Ma qabo talo-xumada hoggaanka siyaasaddeed ee Soomaalida in ay door
sidaas u shilis ku leedahay arrinta Isir-qalaanqalku. Sababtuna waa in
ummado badan oo nidaam siyaasaddeed oo taabbo-gal noqday samaystay oo
haddana innaga la siman madhmadowga xagga isirka innaga jira. Sidaas
darteed, arrintan oo qoraaga buuggu ahmiyad dheeri ah siiyay anigu in ay
aad muhiim ugu tahay hano-qaadka dawladnimo lama qabo.p. 73.
VI. Caddaaladda
Qodobka caddaaladda marka uu qoruhu ka warramo wuxuu ku furanayaa
sheekadan gaaban, oo nooceedu yahay kuwa kutidhi-kuteenka lagu
madadaasho loo sameeyay in buug cilmibaadhiseed taariikh ah lagu soo
daraa waxa ay iila muuqataa meel-ka-dhac xag-jrnimada qoruhu horseedday.
P. 151.
"Nin ay Maxamed Siyaad Barre saaxiibo ahaayeen ayaa u yimid oo ku
yidhi: "Madaxweyne Wasiirka Batroolka ii magacow.” Maxamed Siyaad Barre
wuxuu ku jawaabay; "Dalku ba shidaal ma lehee sideen kuugu magacaabaa
wasiirka baatroolka?” Ninkii ayaa ku jawaabay; "Oo sowdiga wasiirka
caddaaladda ba leh!”
VII. Dugsigii Tababarrada Ee Xalane
Barnaamijkii dugsiga xalane ee tababarrada oo aan qof ahaan aaminsanay
in uu waddaniyadda iyo dhismaha xoogga qoran ee kaydka door weyn ku
lahaa ayuu qoruhu isna ka asarrarayaa.
Amar dhacay haddaad Aaminaay, iga la ooyayso.
Ma og tahay abkay macallin bay, edge ku oodeene.
Ma og tahay arooryada horaan, orad bilaabaaye.
Ma og tahay anfacada aan cunaa, malaha iidaane.
Ma og tahay askari jaahilaan, amar ka qaataaye.
Ma og tahay waxaan eersadaa, odayga weeyaane. p.145.
VIII. Cayn-wareegga suugaanleyda buuggu cuskanayo maansooyinkooda.
Suugaanta uu qoruhu inta badan soo xiganayaa waxa ay u badan tahay
suugaan hal-abuurka Isaaq tiriyay walaw ay jiraan kuwa kale oo taliskii
Maxamed Siyaad lagu ammaanayay oo buuggu xusayo haddana habka uu soo
qaadanayo iyo tafsiirka qoraha marka aad akhrido waxa aad dareemaysaa in
uu la dhacsan yahay suugaantaa hal-abuurka Isaaq.
IX. Xigashooyinka buugga barnaamijyada waxa ka muuqda dheeli-tirnaan la’aan.
Buugta halkan ka muuqata iyo kuwa kale oo aan ka gaabsaday in aan
bartan idin kula wada wadaago qoruhu wuxuu ku bartilmaameedsaday
aragtida xag-jirnimo ee guud ahaan ama qaybo ka mid ah uga muuqata ee ku
aaddan taariikhda Maxamed Siyaad Barre.
• Halgan Iyo Hagardaamo.
• Soomaaliya Maxay kala tirsanaysaa?
• In Siyad barre’s Prison.
• Askartii lagu laayay Garab-case; duleedka Jigjiga.
• Sinnaantii la eeday.
• Xasuus-reeb Hadraawi.
• Soomaaliya Maxay kala Tirsanaysaa.
• Soomaaliya, Qaranjabkii.
• Tiirka Colaadda.
• Dal dadwaayay iyo duni damiir beeshay.
A. Waxa aan qoraha ku raacsanahay sida uu u sharraxay wixii dalka ka
dhacay 1969 in uu ahaa; Afgami ee aanu ahayn kacaan.p. 33.
B. Waan la qabaa aragtida qoraha ee ku aadan in xeerka qoysku ka mid
aha ail-duufyadii ugu horreeyay ee uu taliskii Maxamed Siyaad barre
sameeyay ka mid ahaa. P. 55. Sida oo kale dilkii toogasho ee culimada
Jan. 18-19.1975 in uu isna ka mid ahaa bilawgii dildilaaca hoggaaminta
Maxamed Siyaad Barre. P. 67.
C. Hir-gelintii Farta Soomaaliga.
Sida wanaagsan ee qoruhu ugu ammaanay nidaamkii uu hoggaanka ka ahaa
Maxamed Siyaad Barre hawl-qabadkii hir-gelinta farta, waan bogaadinayaa
waxa aanu u dhigay dariiq cilmiyaysan. P. 138.
D. Ololilhii horumarinta reer miyiga.
Tanna waa arrin kale qoruhu ku ammaanan yahay sida uu u soo soohay dhigaalka iyo xogaha xaggan ku duugan. P. 139.
E. Aasaaska jaamacadda ummadda Soomaaliyeed”JUM” p. 141.
Jaamacaddan iyo waxtarkeedii iyo aasaaskeedii qoruhu si wanaagsan ayuu u dhigay waanu ku mahadsan yahay.
Ugu dambayn ammaano Alle ayaan ku soo af-meerayaa qormadaydan Gorfeynta buugga Galalaati.
DHAMMAAD
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...