Gorfeyn Buugga Uu Qoray Qoraa Axmedkeyse Axmed-Keyse Cali Rooble
Gorfeyn buugga uu qoray Qoraa Axmedkeyse Axmed-Keyse Cali Rooble, Magaca Buuggu waa HAL AAN GO’AANSADAY , Wuxuuna soo baxay 2020, Buuggu waa 97 bog, 70 bog ayaa qoraal ah, halka inta kale ku tusinayaan sawiro taariikhiya iyo waddamo iyo siyaasiyiin kala duwan oo uu la kulmay qoraagu, Midabka Buuggu waa Caddaan casuusi xiga, Waxaanna ku sawiran Qoraaga oo taagan gacmaha isku haya.
Buugga magaciisu waa Hal aan go’aansaday, wuxuu ka hadleyaa oo sharaxaad ka bixinayaa waxqabadka, hadafka iyo rabitaanka qoraaga Axmed keyse Cali Rooble, wuxuu ku daawadsiinayaa goortuu isdiray, sababtuu isku diray, sababta uu u doortay oo ahayd sidii uu da’yarta aqoon iyo wacyigalin guud u siin lahaa, wuxuu awoodiisii isugu geeyay horumarinta bulshada gaar ahaan dhinaca dhallinyaradda oo uu jeclaa inuu hab fikirkooda iyo hab dhaqankooda saameyn ku yeesho taas oo uu rabay inuu noqdo Agaasimaha guud ee wasaaradd dhallinyaradda iyo ciyaaraha ee wakhtigii Riyaale se uu Madexweyne Riyaale ka diidey isagoo qofkale ku ixtiraamaya wasaaradda se loo balan qaaday in xil looga dhiibo Berbera oo uu deegaan ahaa ka soo jeeday walibana loo balan qaaday dekada iyo cashuuraha se uu Axmed kayse diiday isagoo rabitaankiisu ahaa dhisida dhallinyaradda taas oo uu wasaaradda dhallinyaradda u arkayay wasaarad hal bawle ah oo uu wax badan ka qaban karo, buuggani wuxuu ku tusinayaa dedaalka uu Axmed keyse galiyey horumarinta bulshada sida uu mararka qaarkii kaligii isdiri jiray oo uu waayay cid si mutadawacnimo ula shaqaysa.
Buugga ni wuxuu ku tusinayaa in Axmed Keyse Cali Rooble uu ahaa dadkii ugu horreeyey Hal abuurey Xarunta Agoonta Berbera ,dadkii ugu horreeyay ee intii waddanka la soo galay ka shaqeeya Arrimaha bulshadda, dadkii ugu horreeyey ee dedaal galiyey dhallinta maanta isagoo hal abuurey ururkii dhallinyaradda ee ( YMD )ururka dhaqdhaqaaqa dhallinyaradda , xarunta agoonta ee Berbera markii dambe ee uu ku kaliyeystay cid la waddana uu waayay sidaasbayna ku xidhan tay.
Buuggani wuxuu ku tusinayaa in Axmed markasta uu doonayo dad iyo dal hankoodu yahay sinaan, dimuqraadiyad, xoriyad iyo wax wada qabsi.
Dhiganahan haddii aad akhrisatid waxaad dareemaysaa innaad dayacday intii aad bulshadaada la qaban lahayd waa haddii aannad ahayn qof isdire ah oo ku dhex jira arrimaha bulshadda, wuxuu ku tusinayaa in qoraagu markasta dantiisa ka horeysiinayo danta dadka , wuxuu ku hellay abaalmarino waaweyn oo heer caalami ah iyo kuwo kale oo heer qaran waxaanna sabab u ahaa dedaalkiisa uu bulshadda galiyey, wuxuu qoraagu markasta jeclaa inuu aqoontiisa kobciyo waanna ta sababtay inuu Hargeysa u wareego isagoo Berbera, haddana Hargeysa iskamuu fadhiisane wuxuu xoogga saaray sidii uu Hargeysa uga dhex shaqayn lahaa horumarinta dhallinyaradda isagoo shirar badan oo uu ka qayb galay codsaday inuu musharax ka yahay se laga diiday oo da’diisa loo sababeeyay, wuxuu ku tusinayaa in qoraagu markasta xoogga saarayo sidii dhallinyaraddu u gali lahayd siyaasadda isagoo dedaal badan ku bixiyey inuu hankiisa cidkasta oo ay markaas wada shaqeeyaan.
Qoraagu wuxuu xoogga saaray inuu wax badan ka qoro arrimaha siyaasadda, dhaqan dhaqaale iyo horumarinta dhallinyaradda taas oo uu ku hellay dhiirrigalin balaadhan oo caalamka uga timaada, wuxuu ahaa dadkii bilaabay wargeyska Youth informer oo ahaa wargaliyaha dhallinyaradda iyadoo safaaraddo iyo qaybaha bulshaddu ku hambalyeeyeen sida ku cad buuggiisa.
Qoraagu wuxuu markasta ku celcelinayaa in horumarinta dhallinyaradda iyo bulshadu ku xidhan tahay hadba sida ay tahay cidda hoggaanka dalka haysaa. Sidoo kale wuxuu Qoraagu ka qayb-galay shirarkii ugu horeeyay ee xisbiyaddii markaas la aasaasay sida Ucid, Udub oo uu la soo shaqeeyay , sidoo kale wuxuu buuggu ku tusinayaa sida uu qoraagu u jeclaa inuu la saaxiibo dadka ehlu caqliga ah ee uu wax ka faa’ideyo.
Qoraagu wuxuu aamin san yahay isagoo leh " Ma aaminsani in qofkasta reernimo lagu doorto, waxaan aaminsan ahay in qofka lagu qiimeeyoo dadnimadda iyo kartida uu leeyahay” taasi oo ah caqliyadda saxda ah ee aynu meel ku gaadhi karno.
Meelaha ugu xiisaha badan ayuu Axmed kayse waddanka ka dhoofayaa 2007 dalka iswiidhan, halkaasna wuxuu ka sii amba qaaday horumarintii dhallinyaradda iyo dhiirigalintii dhalintii yurub oo uu markiiba uu bilaabay inuu raadiyo dadkii ka shaqeynayay arrimaha bulshadda, isagoo u furay tababaro badan iyo kullamo dodo u badan taas oo uu hal abuurey goob uu dhallinyaradda ugu talo galay oo magaceeda la dhaho madashii Buugga iyo Bunka halkaas oo uu dhallinyaro badan ku dhisay.
Sidoo kale wuxuu hal abuurey machadka Ibofurka Maskaxaha "MIM”.
Isku soo duuboo Qoraa Axmedkeyse intaasba wuxuu ka shaqeynayay Arrimo bulsheed oo uu Alle ajar iyo xasanaad kaga rabo ilaa haatanna uu waddo. Aqoontiisa, kartidiisa, aragtidiisa, rabitaankiisa, hankiisa iyo waxqabadkiisaba waxaad ka dheehanaysaa Qoraalka buugga ku yaalla.
Sidoo kale Wuxuu qoraagu dhiirrigalinayaa in la maamuuso, la dhiirigaliyo qofkasta oo wax u taray bulshadiisa isagoo aaminsan shaqadda hoggaamintu innay tahay halka horumarkeena guud ku xidhan yahay isagoo soo qaatay tuducyaddan hoose:-
Bulsho waxay tamarisaa
Horena u tisqaadaa
Markay leedahay tawfiiq
Taladeedu wadar tahay
Tafaraaruq ceeb yahay
Takuurkuna mamnuuc yahay
Qofkastaa tumseyn kar
Meeshii tigaad lahee
Ay tahay in loo raro
Tirsigeeda geediga
Maxamed Ibraahin Warsame " Hadraawi”
Dhammaad.
Rakad Mxd Sultan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!